Sheekh Xasan Dahir "Hadaan la kala roonaan roob ma da'o Walaalaheen Shabaab waxaa ka codsanaynaa inay Xabada naga joojiyaan"
Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa markii u horeysay ka hadlay dagaalada u dhaxeeya Xarakada Alshabaab iyo Xisbiga uu hogaamiyo isagoo si rasmi u cadeeyay mowqifkiisa ku wajahan dagaalada Kismaayo.
Sheekh Xasan Dahir Aweys oo la hadlayay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu si aad ah uga calaan calay dagaalka ay Ururkiisa ku hayaan Alshabaab, kadib dagaaladii min Kismaayo ilaa deegaanada galbeedka sida safka loogu soo qaaday Saraakiishiisa Xisbigiisa.
"Hadaan lakala roonan Roob ma da'o walalaaheen shabaab waxaa ka codsaneynaa inay xabada naga joojiyaan"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys oo hadaladiisa u muuqday kuwo dadka u fasirteen inuu gacan ku gambasho yahay.
Col. Aweys ayaa dalbaday in la gaaro xabad joojin iyo inay heshiiyaan, isagoo soo qaatay kulan dhex maray isaga iyo Saraakiisha sar sare ee Xarakada Alshabaab uu ahaa mid aan wax heshiis lagu gaarin, natiijo la'aana ku dhamaaday, taasoo sida uu sheegay ay keentay inuu isaga la hadlo Warbaahinta.
Mar wax laga weydiiyay sida Shabaab ku andacooneyso oo ah in aanay dagaal kula jirin Xisbul Islaam ay tahay waxa ay la dagaalameyso Axmed Madoobe ayuu si cad u sheegay in Axmed Madoobe ka tirsan yahay Xisbul Islaam.
"Axmed Madoobe waa mujaahidin ka tirsan Xisbul Islaam, waana Mas'uuliyiinta sar sare, sidaas darteed dagaalka hala joojiyo baan ku baaqayaa"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir oo ka digay sii socoshada dagaalka Islaamiyiinta,isagoo sheegay inay ay tahay Fidno oo aan diin ku dhisneyn.
Sheekh Xasan Dahir oo saldhig ka dhigtay deegaanada loo barakacay ee Ceelasha Biyaha ayaa ammaankiisa si aad ah loo adkeeyay kadib markii ay cirka isku shareertay khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo Shabaab oo doonaya inay ka taqalusaan Xisbul Islaam.
Dagaalada u dhaxeeya labadan urur diimeed ayaa ka soo bilowday markii ay isku qabteen Maamulkii Kismaayo, waxaana labada dhinac dagaalkooda yahay mid ku fida kara deegaanada ay ka arimiyaan labadaba, iyadoo ay muuqato xod xodasho dhinaca Maamulka iyo talooyinka gobolada dalka.
Hoyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com
Xassan qaxaaye calls for ceasefire & defends axmed madoobe
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 954 Views
-
Last post by Kamal35
-
- 18 Replies
- 1199 Views
-
Last post by Nubis
-
- 20 Replies
- 5027 Views
-
Last post by Faranacab
-
- 6 Replies
- 1250 Views
-
Last post by MarsinQorahay
-
- 12 Replies
- 1056 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 4 Replies
- 601 Views
-
Last post by abgaalKING
-
- 6 Replies
- 676 Views
-
Last post by JSL3000
-
- 4 Replies
- 596 Views
-
Last post by Nubis
-
- 1 Replies
- 660 Views
-
Last post by EnlightenedNomad
-
- 11 Replies
- 1293 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah