Xoghayaha guud ee xisbiga Udub Oo Sheffeild Kaga Qayb Galay

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Abdi-Samatar
Posts: 163
Joined: Tue Apr 07, 2009 4:32 pm
Location: Soul Chamber.

Xoghayaha guud ee xisbiga Udub Oo Sheffeild Kaga Qayb Galay

Post by Abdi-Samatar »

Sheffield,UK(Qarannews)-Xoghayaha guud ee xisbiga Udub Md. Jaamac Yaasiin Faarax ayaa xalay ka qayb galay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo warbixin wararka dalka ku saabsan lagaga dhegeysanayey xoghayaha.
Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen faraca Udub ee Sheffield (UK) waxa kasoo qayb galay dadweyne aad u badan oo isugu jirey taageerayaasha xisbiyada qaranka muxaafid iyo mucaaradba,kana kala yimid Manchester iyo Sheffield iyo nawaaxigeeda.

Xoghayaha guud ee xisbiga Udub Md.Jaamac Yaasiin Faarax wuxuu dadweynihii kulankan isugu yimid uga xog waramay arrimo badan oo dhinacyo badan taabanaya sida siyaasadda dibadda,arrimaha dhoofka xoolaha iyo khilaafaadkii siyaasadeed ee dhowaan lasoo afjaray.

Xoghayuhu wuxuu dadka kulanka kasoo qayb galay kula taliyey inay adkeeyaan midnimada qaranka Soomaaliland, isagoo ku tilmaamay in furaha guusha qarankeenu yahay MIDNIMO,cid kasta oo caqabad ku ahna meel uga soo wada jeedaan,maadaama buu yidhi ay danteenna guud ee ina kulminaysa ay tahay jiritaanka qaranimadeenna,waajib muqaddas ahna ay tahay inaynu si wadajirah u ilaashano.

Xoghayuhu isagoo ka hadlaya arrimihii khilaafka ee soo kala dhexgalay axsaabta siyaasadda wuxuu yidhi 'carrab iyo labadiisa daan baa isugu dhow oo way is qaniinaan'',axsaabta siyaasaddu way isqaban karaan,balse waxa wax ilaahay lagu mahadiyo ah in shacabkeennu yahay kuwo nasiib u yeeshay in mushkilad kasta wada hadal iyo isu tanaasul lagu xaliyo.Taas oo markhaati ka noqon karta sida aan maanta ugu bislaanay in dalkeena ay ka hirgasho dimuqraadiyad dhab ah.

Xoghayuhu isagoo ka hadlaya dhoofka xoolaha oo runtii ah lafdhabarta dhaqaalaha Soomaaliland wuxuu sheegay in cunaqabatayn siyaasadeed lagu xanibay xooleheenna iyadoo marmarsiiyo looga dhigayo inay qabaan xanuun laaya Sucuudiyiinta,taasna waxa kuu caddayn kara haddii adhigeenna inta Yemen la geeyo laga sii shaabadeeyo oo loo sii gudbiyo Sucuudiga way iibsanayaan oo adhi caafimaad qaba oo aan waxba yeeleyn ayay u arkayaan,balse haddii Berbera toos looga qaado oo Sucuudiga la geeyo waa xanuunsanayaa adhigaasi oo cidi iibsan mayso. Taasi xanuun adhi maaha ee waa cunaqabatayn siyaasadeed.

Xukuumadda soomaaliland waxay samaysay wax walba oo suurtogal ah si xooleheenu u gaadhaan suuqyada caalamka gaar ahaan suuqa sucuudiga ee ah kan cunaqabataynta ugu weyn inagu haya.
Waxa heshiis lala soo galay Al-Jaabiri oo kaash xoolaheenna ku iibsanayey si dadbanna xooleheenna u gaadhsiin jirey suuqyada Sucuudiga,balse muddo yar kadib Sucuudigu waxay ogaadeen in xoolihii soomaaliland suuqyadooda soo galeen,markaas ayay soo direen laba nin oo sucuudiyiin ah oo intii Al-Jaabiri ku qaadanayey laba jibaarkeed ballan qaaday inay ku iibsan doonaan xooleheenna haddii Al-jaabiri la eryo. Labadaas nin waxay taageero buuxda ka heleen siyaasiyiin iyo ganacsato kasoo jeeda xisbiyada mucaaradka,waxayna u suurto geliyeen in dadkii xoolaleyda ahaa laga dhaadhiciyo dhalanteed iyo waxaan jirin oo labadaas nin ballan qaadeen,taas oo ku dambeysey 'Haddii tol la yahay ha laysu tagoo,ninkii Al-Jaabiri taar haloo diro''. Labada nin oo mooshinkoodu ahaa in ay curyaamiyaan dhaqaalaha yar ee inoo bidhaamay,qaddar maalmo yar kadib way iska laabteen hadafkoodiina way gaadheen.Balse su,aasha ilaa hadda isweydiinta mudani waxay tahay maye raggii labada nin horboodayey ee lahaa wixii hore quba? Xoolo-dhaqatada reer Soomaaliland siday uga aaminkabaxeen raggaas mucaaradka ah dib dambe ma u aamini doonaan.

Siyaasadda arrimaha dibadda isagoo ka hadlayana wuxuu xoghayuhu sheegay in Soomaaliland leedahay cadow fara badan oo weliba ay ugu horeeyaan qaar kamid ah dowladaha carabta oo uu hormuud ka yahay Sucuudigu. Dowladahani waxay habeen iyo maalinba waqti badan iyo dhaqaale badanba ugu huraan sidii ay u burburin lahaayeen qaranimadeenna iyo jiritaankeena. Dhowaan dowladda Jabuuti waxay gaadhay go,aan ah inaynu isweydaarsano wakiilo sidii safaarad oo kale ah,balse dacwad ayay isla markiiba carabta u gudbiyeen dowladda Shiikh Shariif ee intay arrimohooda murugsan xal ugu heli lahaayeen maalin iyo habeenba u taagan inay waxyeeleeyaan shacabka xorta ah ee xalaasha ah ee reer Soomaaliland. Xidhiidhkaas diblomaasiyadeed carabtu waxay u aragtay bilowgii aqoonsiga Soomaaliland,waxayna uga digeen dowladda Jabuuti inay talaabadaas ka noqoto,haddii kale ay wax badan waayi doonto. Dowladda Jabuuti oo dhaqaale aad u badan ka hesha dowladaha carabtu danteeda gaarka ah ayay dooratay,waana wax loogu garaabayo oo maaha in albaabadeeda dhaqaale iska xidho.

Iyada oo ay jiraan cadowyadaas badani ayaa haddana waxa barbar socda oo aynu leenahay saaxiibo aynu ku kasbanay dimuqraadiyadda aynu qaadanay,nabadgelyada iyo kala dambeynta aynu hirgeliney.

Xoghayuhu wuxuu dhamaan shacabka reer Soomaaliland dibad iyo gudaba ugu baaqay inay ilaaliyaan midnimada, ugana wada shaqayn lahaayeen ilaalinta nabadgelyada iyo sidii loo suurtogelin lahaa doorasho xor ah oo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta,si buu yidhi aynu u gaadhno hadafkeenii ahaa helid aqoonsi caalami ah,dowlado badan ayaa isha ku haya qabsoomidda doorashada madaxtooyada.

Xoghayuhu wuxuu intaa ku daray inuu ogyahay waxyaabo badan oo dhinaca diblomaasiyadda ah balse aanan rabin inaan ka hor dhaco buu yiri,waxase aan idiin sheegayaa haddii doorashadu sidii loogu talo-galay inoogu dhacdo in dhawaaq wanaagsan oo dhegeheennu ku raaxaysan doonaan uu soo yeedhi doono.

Xoghayuhu wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday duco iyo kelmadda xalay halhayska u ahayd ee ah ''Furaha guushu waa midnimada''.
Gebogabadii shirkan wuxuu xoghayuhu kulan gaar ah la yeeshay maamulka faraca Udub Sheffield, intaa kadib xoghayaha iyo hawl-wadeenadii la socday waxay safarkoodii ugu ambabaxeen London iyagoo sii marayey isla xalay magaalada Birmingham.

Qarannews desk.


http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”