Roobab Si Weyn Loogu Qabawsaday Oo Ka Da’ay Deegaannada Gobo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Roobab Si Weyn Loogu Qabawsaday Oo Ka Da’ay Deegaannada Gobo

Post by MrPrestige »

Roobab Si Weyn Loogu Qabawsaday Oo Ka Da’ay Deegaannada Gobolka Oodweyne

Image

Oodweyne (Oodweynenews)- Roobab aad loogu qabawsday ayaa caawa ilaa xalayba si fiican uga da’ayey deegaanada Gobolka Oodweyne, oo ka mid ahaa meelihii ay Abaaraha kululi ku dhufteen ee dadka iyo xoola-ba abaartu sida xun u taabatay.

Waxaana wararka naga soo gaadhay jiidahaas ka tirsan Gobolka Oodweyne ee roobku helay ay sheegayaan in weyn loo qabawsaday roobkaas, oo aad loo sugayay muddoyinkanba, ka dib markii ay aagaas haleeshay abaar kulul oo saamaysay dad iyo duubyaba wixii halkaas ku nolaa.

Waxaana wararku intaa ku darayaan in roobka ugu fiicani ka da’ay agagaarka magaalada Oodweyne, oo xitaa mar aanu caawa la xidhiidhay naloo xaqiijiyey in roobku ku da’ayo, isla markaana uu sidaas oo kale uga da’ay deegaanada kale iyo Tuulooyinka ee Gobolka Oodweyne hoos-yimaada.

Roobabkan oo qayb ka ah Roobkii dayrta oo aalaaba xilliyadan oo kale da’a, ayaa ku soo beegmay xilli ay waddanka oo dhan ka taaganayd abaar aad u kulul oo xoolo badan galaafay, isla mar ahaantaana halis-geliyey nolosha in-badan oo ka mid ah dadka xoolo-dhaqatada ah ee meelaha miyiga ah ku nool.

Sidoo kale waxa todobaadyadii la soo dhaafay roobab aad u wanaagsanaa ay ka da’een meelo badan oo ka mid gobolada barriga Somaliland, oo iyagu ahaa kuwii ay abaarta ugu xumi ka jirtay.



C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland

Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com

http://www.oodweynenews.com/display_pag ... leid=11165
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”