Baaq taageero iyo nabadayn ah oo ka yimid beesha Ciidagale ee ku dhaqan UK
Written by Abokor
Oct 08, 2009 at 02:44 AM
KU : XUKUUMADA SOMALILAND
KU : GOLAHA GUURTIDA
KU : GOLAHA WAKIILADA
KU : SALAADIINTA BEELAHA,CULIMAA-UDIINKA
KU : AQOONYAHANADA IYO DHAMAAN WAXGARADKA SOMALILAND
Hadaanunahay Gudida beesha ciidagale ee uk iyo aqoonyanka ,culimaa-udiinka, iyo dhalinyarada, waxaanu si buuxda u taageeraynaa heshiiski lagu soo afjaray khilaafaadkii xisbiyada ee dhawaanahan hadheeyey J.S.L. Hadaba waxaanu kulatalinaynaa Xukuuumada,golayaasha qaranka, Xisbiyadaba in laqadariyo heshiiska sida ugu dhakhsaha badana loo dhaqangaliyo.
Sidaas oo kale waxaanu xukuumada,golayaasha qaranka, aqoonyahanka,culimaa-udiinka iyo dhamaan waxgaradka iyo inta arinkan wax ka qaban karta ee reer Somaliland ugu baaqaynaa in la soo afjaro khilaafka u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah ee dhawaan ka dhacay ceel-bardaale.khilaafkan oo in mudo ah soo jiitamayey una sii gudbaya meel halis ah,waxaanu ka digaynaa hadii si dhakhso ah wax loo ga qaban waayo in cawaaqib-xumada kadhalataa ku baahi karto dhamaan gayiga somaliland, nabada guudna wax udhimikarta. sidaasi darteed waa in si deg deg ah oo cadaaladi ka muuqato wax loo ga qabto looguna gurmado.
soomaliland waxay halkaa ku gaadhay in khilaaf kasta oo beelaha ka dhexdhaca
loo gurmado nabadna lagu soo afjaro iyodoon cidna garabka la saarin oo ilaahayna ku guuleeyn jiray.
waxaanu labada beelood ee walaalaha ah ee isku deegaanka ah ee marnaba kala gu'i karin ka codsanaynaa in dulqaad iyo samir badan la muujiyo lana dhawro nabadgalyada inta arikani si buuxda wax looga qabanayo colaadna wiilbaa ku dhintee wiil kuma dhasho.
waxaa baaqan soo saaray.
1 Sheekh ibraahin yusuf
2 Maxammed xasan jafaL
3 Abokor maxammed shukri
4 Fowsi xaaji yuusuf
5 Maxammed yusf diirqadhaadh
6 Faysal jaamac haadame
7 Axmed jaamac taarwale
8 Aaden mooge (ingiriis)
9 Eng. abdilaahi xasan amey
10 Abdi dheere
11 Jaamac xasan
12 Csmaan cali caraale
13 Cabdilaahi camuud gurey
14 Mustafe abdilaahi
15 Ismaaciil maxamuud danbas
16 Abdi abdilahi mooge
17 Maxamuud laba raad
18 Cali maxammed rooble
19 Maxamuud lugweyne
20 Maxammed macalin yonis
21 Xasan xuseen muumin
22 Maxammed yusuf amey
23 Maxamuud sheekh axmed ali weerar
wa bilaahi towfiiq
http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=65
Baaq taageero iyo nabadayn ah oo ka yimid beesha Ciidagale e
Moderator: Moderators
- MrPrestige
- SomaliNet Super
- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 602 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 659 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 0 Replies
- 554 Views
-
Last post by Garbo_Gedo
-
- 0 Replies
- 4509 Views
-
Last post by mashallahbro
-
- 0 Replies
- 791 Views
-
Last post by mashallahbro
-
- 29 Replies
- 361 Views
-
Last post by Samatr
-
- 3 Replies
- 618 Views
-
Last post by Murax
-
- 2 Replies
- 534 Views
-
Last post by subeir123