Galkacyo, qaarna kaxaystay, iyo Puntland oo eedeysay Itoobiy

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Galkacyo, qaarna kaxaystay, iyo Puntland oo eedeysay Itoobiy

Post by Ducaysane_87 »

"Galkacyo, qaarna kaxaystay, iyo Puntland oo eedeysay Itoobiya."


Galkacyo, oct 08 - Dawladda Puntland ayaa sheegtay inay ciidamada Itoobiya xalay dad ganacsato ah kala baxeen magaalada Galkacyo, ayna dhaawaceen qaar kale.

Taliyaha ciidanka bileyska ee Puntland Axmed Xasan Cali Xaashi ayaa shir aan caadi aheyn oo madaxda dawladda Puntland isugu yimaadeen ka dib xasaafadda khadka telefonka kula hadlay isagoo jooga xarunta madaxtooyada ee magaalada Bossaso halkaasi oo ay joogeen madaxda sare ee Puntland oo ay ka mid yihiin madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Taliyaha oo uu su’aalo badan weydiiyey agaasimaha guud ee idaacadda Daljir Axmed Sheekh Maxamed Tallman oo wakiil ka ahaa dhinaca saxaafadda ayaa sheegey in ciidanka Itoobiya ay xalay 3:00 am habeenimo ay soo galeen magaalada ayna la bexeen dad ganacsato ah oo aan waxba galabsan ayna falkaasi aad uga xunyihiin.

Col,Axmed Xasan ayaa intaasi ku daray in dawladdu ay baareyso sababta Itoobiya ku kalliftay xad gudubka intaasi le’eg ayna Itoobiya u direen dhambaal deg deg ah oo looga codsanayo inay si dhakhso ah arrintaasi uga jawaabaan.

Dadka la kaxeystay ayaa u dhashay gobolka ismaamulka Somalida ee Itoobiya waxaana ku jira sida wararku sheegayaan qaar si weyn loo raadinayey.

Tirada dadka ayaa lagu sheegey 4 qof oo labo ka mid dhaawacooda la dhigay xarun caafimaad oo ku taalla Galkacyo halka labo qofna ay la tageen.

Axmed Nuur Ibraahim Somali
Idaacadda Daljir
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Re: Galkacyo, qaarna kaxaystay, iyo Puntland oo eedeysay Itoobiy

Post by Ducaysane_87 »

RBC Radio oo Wareysatay Duqa Cusub ee Gaalkacyo C/raxman Maxamuud Xaaji Xasan (Dhageyso) Magaalada Gaalkacyo ayaan waraysi kula yeelanay Xafiiskiisa Duqa Cusub ee Gaalkacyo C/raxman Maxamuud Xaaji Xasan,


Askar Ethopian ah Oo Muwaadin Soomaaliyeed Ka Afduubtay Gudaha Magaalada Gaalkacyo Dhibaatona U Geystay. | read this item Related News
Bukaanada ku dhibaataysan Cisbitaalada Muqdisho oo Codsaday Gargaar iyo Amaan gelin lasiiyo Goobaha Caafimaadka (Daawo Sawiro).
Taliska Booliska oo sheegay in ay Heleen Xoogag Tilmaamaya Weerar Dowladda ka dhan ah.
Gaalkacyo(RBC): Ciidamo ka tirsan Milatariga Dawlada Ethopia ayaa waxaa ay habeenimadii xalay ahayd gudaha u soo galeen magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyaga oo ka kaxeystay gurigiisa mid ka mid ah dadka ku dhaqan xaafada Israac ee magaalada Gaalkacyo.

Ninka ay afduubteen Askarta Ethopia ayaa isaga oo dhaawac aad u liita ah waxaa laga soo helay inta u dhaxeysa Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug iyo deegaanka Bacaadweyn isla markaana magaalada Gaalkacyo u jirta ilaa iyo 60 Km.

Ciidamada katirsan kuwa Milatariga Ethopia ayaa la sheegay in ay weheliyeen dad Soomaali ah xilliga ay howsha afduubka ah ku dhaqaaqayeen kuwaasi oo la sheegay in ay ahaayeen dadka ka yimid Killilka Shanaad ee dhulka Soomaali galbeed oo iyagu dadka qaar ay sheegeen in ay ahaayeen dad yaqaaney halka ninka la weeraray uu ka deganaa Magalada Gaalkacyo.

Lama yaqaan sababta dhabta ah ee ka dambeysa weerarka ninkani dhaawaca ah hase ahaatee waxaa wararka qaar ay sheegayaan in lala xiriirinayo in uu ka mid ahaa ama uu xiriir la lahaa Jabhada ONLF.

Mar aan booqdey Isbitaalka GMC ee duleedka magaalada Gaalkacyo oo lagu dabiibayo dhaawaca ninkaasi ayaan la ii ogolaan inaan arko, sidoo kale waxaan ii suurtoobin inaan helo magaciisa, hase ahaatee Saraakiisha Caafimaadka iyo dad goob joogayaal ahaa xilliga dhaawaca la keenayay ayaa ii sheegay in ninkaasi uu dhuunta ka dhiigayay sida ruux bireysan, isla markaana la tuhun san yahay in lagu ceejiyay silig.

Si aan xog faahfaahsan uga helo ayaa dadkii arkey qaarkood aan weydiiyay sida ay u arkaan dhaawacaasi waxay ii sheegeen in ay aad uga naxeen isla markaana uga xun yihiin in qof bini’aadam ah sidaa loo jirdilo, waxayna sheegeen in qofkani dhaawaca ah looga tagey sida qof dhintay oo kale oo aan waxba loola harin.

Arintani ay sameeyeen Ciidamada ka tirsan Dawlada Ethopia ayaa waxay dhabar jab ku noqonaysaa maamulka Puntland oo aan lagala idansan dhibaatooyinka ay geysteen Askartaasi, waxayna sidoo kale dhibaato ku noqonaysaa Maamulka Gobolka Mudug oo la daalaa dhacayay ka soo kabashada amaanka Gaalkacyo, iyadoo xilligan ay Ciidamada Amaanku gudaha magaalada ka wadaan dhaq-dhaqaaq amaanka lagu xoojinayo, walow aysan jirin cid ka hadashay ilaa iyo haatan weerarka loo geystay muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool gudaha magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Cawil Maxamuud Cabdi
XKeyse_
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 889
Joined: Wed Jan 28, 2009 12:20 pm

Re: Galkacyo, qaarna kaxaystay, iyo Puntland oo eedeysay Itoobiy

Post by XKeyse_ »

How can the Ethopian army come inside a city of some 20ks and Puntland police and milltary not know about? Gaalkacyo isn't even close to the border, shame on Puntland , this a farce,
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Re: Galkacyo, qaarna kaxaystay, iyo Puntland oo eedeysay Itoobiy

Post by Ducaysane_87 »

dee Puntland somaha Xaaskii ethiopia - ethiopia wixi doonto bii kuu samaynkarta even going to the center of the city of galckayo and taking and raping whoever they want
Amirsade
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1176
Joined: Wed Jan 14, 2009 6:47 am
Location: Villa Ruugcadagii kala Rogaha Raasmaalka

Re: Galkacyo, qaarna kaxaystay, iyo Puntland oo eedeysay Itoobiy

Post by Amirsade »

Col,Axmed Xasan nin geesi ah waaye oo runta ka gaba nin
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Re: Galkacyo, qaarna kaxaystay, iyo Puntland oo eedeysay Itoobiy

Post by Ducaysane_87 »

Amirsade wrote:Col,Axmed Xasan nin geesi ah waaye oo runta ka gaba nin

the fact inuu ruuntaa sheegay wii ficaantahay laakinse why didn't the president Futoole make any statement about this? he must be having a vacation in garowe while ethiopia violate the centre of puntland's cities like Galckayo , Garowe is next
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”