Siyaasiyiinta Somaliland ugu may hambayn shacabkooda siday ugu liseen.
Written by Khadar shiine
Oct 08, 2009 at 04:42 PM
Jamhuuriyadda Somaliland waa dal yar oo aan la aqoonsan, kuna yaala geeska Afrika oo holoc ka kacaayo, taas oo xasilooni darradaas khatar ku keeni karto xasiloonida, kala dambaynta iyo nabadgalyada ay Somaliland beesha caalamka kaga kasbatay amaanta badan. Hadii aan loo midoobin ka hor-tagida dhib kasta oo ku iman karta nabada iyo horumarka dalkan curdinka ah.
Somaliland waxaa ay hada ka soo baxday wakhti badan oo uu ka taagnaa khilaaf siyaasadeed oo booraan khatar ah ku ridi gaadhay, muranaddaas oo guud ahaan shacab-weynaha reer Somaliland walaac xoog weyn ku yahay habeen iyo maalin.
Dhinacyadii uu khilaafka siyaasadeed u dhexeeyey intii mudada ahayd, islamarkaana dhawr jeer oo dhex-dhexaadin laga galayna lagu fashilmay. Ayaa aakhirkii ku heshiiyey lix qodob oo ay ku dhex-dhex-dhexaadiyeen beesha caalamka ee danaysa hanaanka dimuqraadiyada ee ay Somaliland ku dhaqanto iyo dawlada aynu jaarka nahay ee Ethiopia. Maqalkaas iyo qodobadaa dibeda laga keenay ay waxa ay si xoog leh uga jeclaan lahaayeen inay noqodaan kuwo aynu dhex-dhexdeena ka dhashay laakiin nasiib darro weyn ayey shacabka u tahay in kasta oo uu khilaafkii taagnaa u noqday xumad jabin.
Lixdan qodob oo ay ka mid ahaayeen in la bedelo komishanka doorashooyinka, in lagu dhaqmo natiijadii ka soo baxday Server-kii diiwan-gelinta iyo in madaxweynaha loo kordhiyo oo kaliya inta Serverka dib loo saxayo, isla markaana doorashooyinka soo socda lagu galo diiwan-gelintaas ayaa ahaa mid ay si isku mid ah u soo dhaweeyeen labada xisbi mucaarid ee UCID, KULMIYE, xukumada xisbigeeda UDUB, heshiiskan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee dusha laga keeno Somaliland islamarkaana hal bacaad lagu lisay ka dhigay wixii ay Somaliland dhaqanka iyo caadada u ahaa ee ay ku nabad iyo caano maashay, isla markaana ku dhamaysan jirtay marka uu khilaaf noocan oo kala ahi soo kala dhex-galo dhinacyada had iyo jeer ku hir-dama majaraha u qabashada xukunka iyo siyaasada dalka.
Intii uu khilaafka siyaasadeed ka aloosnaa dalka waxa uu umada Somaliland la soo daristay walaac weyn oo ay is-waydiin jireen bal halka uu ku dambayn doono mustaqbalkoodu. Sida oo kale waxaa ay ka fikiri jireen in muranadani ay dalka dhaxal-siin karaan bur-bur iyo dagaalo sokeeya oo la mid ah kuwii dhawr iyo sagaashankii ka dhacay Somalilland.
Dareenkaa baqdinta leh ee dadyowga reer Somaliland la soo daristay, waxaa u dheerayd rajo-xumo ay u hayeen siyaasiyiinta uu khilaafku u dhexeeyo, oo iyagu caadaystay in ay war-baahinta (media) isku mariyaan muranka u dhexeeya erayo cay, af-lagaado ah, kuwaas oo aan u tudhayn dalka islamarkaana looga aabe yeelayn dhegaha bulshadda xalaasha ee u dan-qanaya jiritaanka qaranimada iyo madax-banaanida Somaliland ee la aduunka oo dhan laga ogyahay dhibaatadii iyo sidii loo soo dhiciyey.
Dadkani maaha kuwo u dul-qaadan kara muranada siyaasadeed ee had iyo jeer soona noq-noqda ee dhex-mara kuwan isku caleemo saaray inay umada hogaamiyaan ee u ham iyo digle sidii uu mid waliba ugu fadhiisan lahaa kursiga looga taliyo dalka. Siyaasiyiintan oo ka kooban mucaaridka iyo muxaafidkaba ayey dadka inta badan u dhuun daloola isla markaana falanqeeya siyaasada Somaliland, waxaa ay u arkaan kuwo aan wax dan ah ka lahayn horumarinta dalka iyo u adeegida shacabka dhibaatada abaareed halkaysay waxaana ay tilmaamaan in ay mar kasta ay ka horeysiiyaan danta guud tooda gaarka ah.
Heshiiskan oo qanciyey labadii dhinaca ee khilaafku u dhexeeyey, islamarkaana ay Golaha Guurtida Somaliland-na ay ku saleeyeen mudo kordhintoodii ay u sameeyeen xilkii sii dhamaanayey ee madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ayaa hadana waxaa ay shacab badan oo reer Somaliland aaminsan yihiin in aanu dawo lagu daweeyo u noqon doonin khilaafkii siyaasadeed, hanjabaadihii iyo af-lagaadooyinkii aan looga tudhi jirin dhegaha shacabka.
Siyaasi ogow cida aad doonayso inay cod ku siiso oo ay ku soo doorto, inay yihiin shacabka reer Somaliland ee u dhashay Ilaahay-na ku abuuray lixda Gobol Jamhuuriyada Somaliland ka kooban tahay iyada oo aad sidaas ugu baahan tihiin codkooda. Waxa aan idiin soo jeedinayaa siyaasi laba mid kala daaya in aad dadka marka aad baahan tihiin waydiisataan cod oo aad tidhaahdaan waxaas ayaan idiin qabanaye ee na doorta idinka oo wax aad u qabanaysaana aan nay jirin, marna aad dushooda isku dul-qabsataan iskuna dul-caydaan idinka oo waxba kala xishoonayn ugana tudhayn dhegaha bulshada aad isku sheegaysaan in aad tihiin madax-doodii.
Ugu dambayntii, waxaa aan hadalkaygan ku soo af-meerayaa siyaasi ugu maydaan hambayn shacabka Somaliland, sidii ay idiin ku liseen, markaa waxaan leeyahay waar ka daaya dhibaatada shacabka xalaasha ah ee aad mar-kasta wer-wer, walaac aad ku beeraysaan oo Alle ka baqa oo ka daaya shacabkan la ogaa sidii ay ku hantiyee la soo noqoshad madax-banaanida qaranimada Somaliland ee dhiiga badan ku taatay.
Qalinkii: Wariye Khaddar Ali Hussein [Khadarshiine]
khadarshiine@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland
Siyaasiyiinta Somaliland ugu may hambayn shacabkooda siday u
Moderator: Moderators
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 495 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 0 Replies
- 301 Views
-
Last post by KacdoonSool
-
- 16 Replies
- 1523 Views
-
Last post by saacJabshee
-
- 0 Replies
- 288 Views
-
Last post by TheLoFather
-
- 4 Replies
- 487 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 3 Replies
- 405 Views
-
Last post by Murax
-
- 0 Replies
- 573 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 4 Replies
- 14105 Views
-
Last post by Lite-Somali
-
- 3 Replies
- 771 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 3 Replies
- 754 Views
-
Last post by KyrieJama