Jaamacadii Ugu Horeysay Ee U Gaar Ah Caafimaadka Kana Soo Je

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Jaamacadii Ugu Horeysay Ee U Gaar Ah Caafimaadka Kana Soo Je

Post by Ducaysane_87 »

Hargaysa (Oodweynenes)- Xaflad balaadhan oo loogu wan-qalayay furitaanka Jaamacad Cusub oo ah tii ugu horeysa ee lagu baran doono culuunta caafimaadka kana soo jeeda dalka Itoobiya oo lagu magaacabo Addis Ababa Medical College, ayaa maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadaas lagaga dhawaaqayay furintaanka Jaamacadan ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland, GudoomiyahaXisbiga UCID, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Edna AadanIsmaaciil,Gudoomiyaha Olalaha Gobollada Bariga ee Xisbiga Kumliye Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, masuuliyiin ka socotay wasaarada waxbarashada, Maamulka Jaamacad cusub ee Addis Ababa Medical College iyo martisharaf kale.



Hormuudka Jaamacad Cusub ee Addis Ababa Medical College Dr.Maxamuud Cismaan oo munaasibaadaasi ugu horeyn ka hadlay ayaa ka xog-maray ujeedadii ay u aasaaseen jaamacada Adis Ababa Medical Collage iyo culuunta lagu baran doono, waxaana uu sheegay in ujeedadii ka dambaysay in uu Hargeysa ka hirgeliyo jaamacadan ay ahayd ka dib markii uu arkay in aanay Somaliland ka jirin Jaamacad u gaarah caafimaadka, islamarkaana ay dhalinyaro badan u socdaalaan jaamacado dibadaha is ay u helaan waxbarasho dhinaca caafimaadka ah, taasina ayku soo dhiiri gelisay in ay jaamacada cusub ee Addis Ababa Medical College ay ka furaan Hargaysa, si ay furad ugu helaan ayuu sheegay Ardayda ka qalinjebisa dugsiyaddasare ee dalka fursadna ugu noqoto inay dalkooda gudihiisa ka helaan aqoontii baraancaafimaadka.



Waxaanu intaas raaciyay Hormuudka Jaamacad cusub ee Addis Ababa Medical College Dr.Maxamuud Cismaan in jaamacadooda ka furan tahay sagaal gobol oo ka mid gobollada dalka Itoobiya, waxaanu xusay in ardayda ka dhamaysta college-kaas ay ka hawl galaan cusbitaalka guud ee Addis ababa.

Dr. Maxamuud Cismaan waxaa kale oo uu sheegay inay ka qalinjabiyeenin ka badan 5000 oo Arday tan iyo intii ay dalka Ethiopia ka laga furay Addis Ababa Medical Collge.



Cabdillaahi Yuusuf ( Sanyare) oo ka tirsan Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada Somaliland oo xafladaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay masuuliyiinta jaamacad Addis Ababa Medical College, taas oo uutilmaamay in ay wax weyn ka tari doonto baahida dalka u qabo in laga hirgeliyo jaamacado lagu barto culuunta waxbrashada.

C/laahi Sanyare waxa uu ka dhawaajiyay in jaamacada cusub ee Addis-Ababa Medical College ay ogolaansho ka haysto Wasaarada waxbarashada ee Somaliland, “Waxaanu bogaadin u soo jeedinaynaa maamulka jaamacadan cusub oo ah mid dadweynuhu baahi weyn u qabeen, haddii aanu nahay wasaarada waxbarashada waxa muhiim ah in aanu sugolahaanshada iyo sharciyadda jaamacada iyadana waanu sugnay. Waxa kaleoo aanu doonaynaa in aanu ka shaqayno sidii loo midayn lahaa manhajkajaamacada lagu dhigayo, waanu dhiiri galinaynaa oo waanu la shaqayndoonaa.” Ayuu yidhi Cali Sanyare



Wasiiru Dalwaha Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada, Axmed Cali Shire oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa ka waramaya baahida loo qabo jaamacada lagu barto caafimaadka iyo sida ay wax uga bedeli karto baahiyaha goobaha caafimaadku u qabaan in la helo dhakhaatiir aqoon leh oo dalka gudihiisa wax ku barta, isagoo Wasiirul dawluhu sheegay inaanu weli adeega caafimaadka helin goobaha miyiga ah ee ka baxsanmagaalooyinka, taas oo uu ku sababeeyo dadka caafimaadka bartay oo aadu yar.



Sidoo kale Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlay xafladaas ayaa si weyn u bogaadiyay maamulka Jaamacad cusub Adis Ababa MedicalCollage, isagoo Gudoomiyuhu sheegay in jaamacadaha dalka Itoobiya ka iminaya ee Somaliland laga furayo ay wax weyn ka bedelayaan tayada jaamcadaha dalka, waxaana sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga UCID uu u mahadanaqay Wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashada oo uu sheegay inay ogolaanshiiyo siiyeen.



dhinaca waxa xafladaas ka hadlay Xaaji Cabdi Waraabe iyo Xubno kale, kuwaaso oo dhamaantood soo dhaweeyay furintaanka jaamacad cusub, ugana mahad-celiyey maamulka jaamacada dadaalka wax-ku-oolka ah ee ay u galeen hirgelinta jaamacadaas.





Halkan Ka Daawo Sawirada Qalfoofka iyo Xubnaha Beni'aadanka ee Loogu talo-galay in wax lagu barto:-











C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland



Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com
User avatar
Dionysus
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 776
Joined: Fri Mar 20, 2009 4:13 am
Location: I am incredibly hospitable -- when I am not shooting at you.

Re: Jaamacadii Ugu Horeysay Ee U Gaar Ah Caafimaadka Kana Soo Je

Post by Dionysus »

Addis Ababa Medical College,
:shock: :shock: :lol: :lol:
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Jaamacadii Ugu Horeysay Ee U Gaar Ah Caafimaadka Kana Soo Je

Post by MrPrestige »

DionGuus whats funny?
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Jaamacadii Ugu Horeysay Ee U Gaar Ah Caafimaadka Kana Soo Je

Post by zingii »

Dionysus wrote:
Addis Ababa Medical College,
:shock: :shock: :lol: :lol:

What a shame. :mrgreen:
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Jaamacadii Ugu Horeysay Ee U Gaar Ah Caafimaadka Kana Soo Je

Post by Goljano Lion »

zingii wrote:
Dionysus wrote:
Addis Ababa Medical College,
:shock: :shock: :lol: :lol:

What a shame. :mrgreen:
Dude there is no shame ,frankly, It's a step in the right direction, because having access to an excellent education, the people in Somaliland will find the way out of poverty.
Does it matter whether Ethiopians fund or not, see the bigger picture, would it make any difference if the Arabs paid for this
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Jaamacadii Ugu Horeysay Ee U Gaar Ah Caafimaadka Kana Soo Je

Post by MrPrestige »

Zingi there is nothing wrong with it
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Jaamacadii Ugu Horeysay Ee U Gaar Ah Caafimaadka Kana Soo Je

Post by zingii »

Sxb, waxaan layaabanahay cadowyada somaliyeed waxa hoosta idinka galiyay
Ee malihi waa qalad in wax la barto. :up:

Illeen wax FREE ah majiraan ee maxay iyagu helayaan markay idiin dhisaan skuulka?
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Jaamacadii Ugu Horeysay Ee U Gaar Ah Caafimaadka Kana Soo Je

Post by Goljano Lion »

zingii wrote:Sxb, waxaan layaabanahay cadowyada somaliyeed waxa hoosta idinka galiyay
Ee malihi waa qalad in wax la barto. :up:

Illeen wax FREE ah majiraan ee maxay iyagu helayaan markay idiin dhisaan skuulka?
sheekedii afweyne iyo cagdheerta ayaad meesha la iminaysa , hadal macquula ku hadal, waryaa, Somaliland,s no 1 problem are the Arabs,not the Ethiopians , Dude Ethiopians are our neighbors and brothers
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Jaamacadii Ugu Horeysay Ee U Gaar Ah Caafimaadka Kana Soo Je

Post by zingii »

Sxb, all i asked was what are they getting in return?

Nothing is free hommiiiieeee.
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Jaamacadii Ugu Horeysay Ee U Gaar Ah Caafimaadka Kana Soo Je

Post by Goljano Lion »

zingii wrote:Sxb, all i asked was what are they getting in return?

Nothing is free hommiiiieeee.
:lol: don't support the ONLF cagdheer which is okay with me
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Jaamacadii Ugu Horeysay Ee U Gaar Ah Caafimaadka Kana Soo Je

Post by Dhaga Bacayl »

zingii wrote:Sxb, all i asked was what are they getting in return?

Nothing is free hommiiiieeee.

Tuition revenue...that is what they will get in return.

Incase you haven't noticed, this is a private college.
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Re: Jaamacadii Ugu Horeysay Ee U Gaar Ah Caafimaadka Kana Soo Je

Post by Ducaysane_87 »

Goljano Lion wrote:
zingii wrote:Sxb, all i asked was what are they getting in return?

Nothing is free hommiiiieeee.
:lol: don't support the ONLF cagdheer which is okay with me

:lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”