Suldaan-Cali Cumar Saalax- Sacad Yoonis arrives at Ceerigabo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Suldaan-Cali Cumar Saalax- Sacad Yoonis arrives at Ceerigabo

Post by MrPrestige »

Image


Ceerigaabo(Oodweynenews) Suldaankan guud ee beelaha Yoonis Ismaaciil (H/Yoonis) ayaa maalmo yar kaddib markii uu kasoo kicitimay carriga Ingiriiska oo uu deggan yahay isagoo kazoo degey haroonka diyaaradaha Egal International Airport ee magaalada Hargeysa wuxu maalintii khamiista(maanta) gaadhey magaala-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.halkaas oo suldaanka si weyn oo aan kala hadh lahayn loogu soo dhoweeyey, iyadoo dadweye iyo gaadiid tiro badani kaga hor tageen qiyaastii dhawr iyo toban kilometer meel dhinaca galbeed ka xigta magaalada Ceerigaabo kaddibna sidaas lagu soo geliyey gudaha magaalada Ceerigaabo.


Image


Haddaba soo dhowaynta Suldaan-Cali Cumar Saalax oo bulshada ka qayb qaadatay aan lasoo koobi karin ayaa dhinaca madaxda dawladda ee soo dhowayntan ka qayb qaadatay waxa ka mid ahaa Wasiir-xigeenka Caddaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo). Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre. Taliyaha ciidanka qaranka gobolka Sanaag Suld-Muuse Jaamac Delef.

Dhinaca madax-dhaqameedyada beelaha reer Sanaag ee iyaguna soo dhowayntan ka qayb qaatay ayaa waxa ka mid ahaa Wakiilka Suldaanka Guud ee beelaha H/Yoonis-bari Siciid Suldaan Cali Ducaale, Boqor-Maxamed Nuux Aadan, Wakiil-Maxamed Boqor Axmed,

Chief-caaqil-Jaamac Ismaaciil Muuse Chief-Caaqil-Xuseen Xasan Cali Chief-Caaqil-Saalax Maxamed Xirsi Chief-Caaqil-Maxamed Cabdi Soofe Chief-Caaqil-Axmed Xasan (Axmed-khayr) Caaqil-Axmed Iddiris, Guddoomiyaha beelaha H/yoonis-bari C/naasir Cali Jaamac Guddoomiyaha beelaha Harti Siciid Maxamuud Ismaaciil iyo madax-dhaqameedyo kale oo fara badan.

“Waxaynu maanta halkan kusoo dhowaynaynaa Suldaan-Cali Cumar Saalax oo aniga saaxiibkay ah, iskuulkana aannu isku xilli ahayn, Hargeysana labadayada guri isku dheggan yihiin maantana suldaankeennii ah”. Sidaas waxa yidhi Wasiir-Tallaabo oo munaasibadda soo dhowaynta suldaankan ka hadlay. Isagoo intaas kusii daray “Waxan kaloo u magad naqayaa hawlwadeennadii soo abaabuley soo dhowayntan, idinkoo magaceenniina kor u qaaday”.


Image



Suldaan-Cali Cumar Saalax oo isaguna fagaarahan hadal kooban oo mahadnaq ah ka jeediyey ayaa yidhi “Dhammaan madax-dhaqameedyada beelaha ito madaxda dawladda guud ahaan reer Sanaag waxan idinku salaamayaa salaanta islaamka, salaam kaddibnawaxan si weyn idiinkaga mahad celinayaa sida lama illaawaanka ee aniga iyo weftigayga aad halkan (Ceerigaab) noogu soo dhowayswwn ee aad meel fog noogaga hor timaaddeen, waana mid aanan marnaba illaawi doonin oo aadna aad ugu mahadsan tihiin”.

Waxana Suldaanka lagu soo wareejiyey dhammaan suuqyada magaalada Ceerigaabo iyadoo markii danbena lagu dejiyey suldaanka iyo weftigiisa guri weyn oo halkaas (Ceerigaabo) looga sii diyaariyey.


Image


Oodweynenews.com

Ceerigaabo



http://www.oodweynenews.com/display_pag ... leid=11188
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Suldaan-Cali Cumar Saalax- Sacad Yoonis arrives at Ceerigabo

Post by MrPrestige »

:sland: :sland: :sland:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”