
“Waxaanu Madaxweynaha u soo jeedinaynaa in aan waxba laga bedelin saami-qaybsiga Beelaha”
Ceerigaabo (Ogaal)- Ururka Waxgaradka Beelaha Muuse Ismaaciil (Habaryoonis) ee Gobolka Sanaag, ayaa soo saaray baaq la xidhiidha xulista Xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka.
Baaqan oo ay ku saxeexan yihiin Xubnaha Ururkani, ayaa nuxurkiisu yahay mid la xidhiidha xubnaha Madaxweynuhu magcaabayo ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Wuxuna baaqaasi u qornaa sidan;
“-Annagoo tixraacayna habka saami-qaybsiga beelaha Somaliland ee soo jireenka ah laguna soo dhaqmayey intii Somaliland jirtey.
-Annagoo tixraacayna mar walba xubintayada komishanka in ay ahayd mid soo jireen aannu leenahay ee aanay maanta ahayn mid cusub, xilligii ugu danbayseyna uu ahaa xubintaas Maxamed Ismaaciil (Kabaweyne).
-Iyadoo ay caddahay xilligan in uu jiro loollan aan la garawsan karin oo xubintayadaas lagula jiro.
-Iyadoo beel kastaaba halka ama xubinteeda ay joogto iyadu tirsanayso, taasoo sida aynu ognahay xataa mas’uulka xilka laga qaado mid kaloo reerkooda ah la keeno halkiisii.
-Annagoo marnaba aan tanaasul ka bixinayn xubintayadaas una aragna in ay tahay geed ka go’an
-Waxannu Madaxweynaha Somaliland usoo jeedinaynaa in aan waxba iska beddelin habka saami qaybsiga beelaysan ee Somaliland kusoo dhaqmaysey.
Guddoonka Ururka;
1. Siciid Cabdalle Guuleed (Guddoomiye)
2. C/qani Jaamac Guuleed (Kuxigeen)
3. Yuusuf Nuur Cali (Xoghaye).”
Baaqan ayaa ku soo beegmaya xili lagu jiro soo xulista Komishanka Qaranka ee Cusub isla markaana looga fadhiyo hirgalinta Doorashooyinka so socda
Ogaal+SanaagNews
http://sanaag.org/details.asp?id=1138&dt=news