Maxaa Laga Yeelayaa Faragelinta Qaawan Ee Jibouti Ku Hayso Deegaanadda Galbeedka Somaliland
Maxaad ka Ogyahay Xaaladda Werwerka Leh Ee Qaarka ka mida Degaanada Galbeedka Somaliland (Warbixin) Qaytii 1aadSida aan la socono Somaliland waxay ku jirtaa marxalad kala guura oo ka duwan tii waqtiyadii dhawaa ka hor, isla markaana ay Shacabka, Golayaasha iyo xisbiyada mucaaradkuba ay werwer ka muujinayeen aayaha Somaliland, Kuna soo afjarantay waanwaan caalami ah oo ay ka qayb qaateen dalalka saaxiibada iyo Deeqbixiyeyaasha oo lagu soo afjaray khilaafkii aloosnaa, laguna jiro naacow qabow siyaasadeed oo leh mustaqbal wanaagsan.
Hadaba Dawlada Jabouti oo iyadu dano gaara ka leh Somaliland ayaa u muuqata inay faro gelin toosa ku hayso qaar ka mid ah Dhulka Galbeedka Somaliland .
Iyadoo aynaan soo koobi Karin xaalada werwerka leh ee ka jirta degaano ka mida Galbeedka Somaliland ayaa arrimaha ka socda midiba mid ka sii daran tahay, waxaa ka mid ah xaalufinta iyo nabaad-guurinta ay Jabuoti ku hayso Beriga Iyo khayraadka badda ee xeebaha Galbeedka Somaliland oo naxdin aad u weyn ah, iyadoo dhamaan Ganacsato reer Jabouti ahi ay hawlahaasi Fuliyaan, oo degaamada Somaliland ka gubaan dhuxasha, ka dibna u rara dhinaca Jabuuti , Faragelintan Tooska ah ee Jabouti ku hayso Galbeedka Somaliland ee Xaalufinta qaniimadda beriga iyo khayraadka badda ee xeebaha Somaliland ayaa u muuqda inaanay waqtiyada dhow joogsanayn, waayo waxaan muuqan awood la tacaali karta, ka dibna ka takhalusi karta.
Waxaa iyaduna ka dhacday in masuulyiin ka tirsan xukuumada Somaliland shaqooyin kala duwan ka u hayey dawladda siiba wasaaradda Kalluumaysiga, laga wareejiyey xilalkoodii maamulayaal kasoo jeeda isla beesha Ciise, taas oo lagu macnaysan karo in aan la doonayn in la ogaado,waxaa ka socda Galbeedka Somaliland, Dawlada Somaliland kama ay hadal arintaasi, taa bedelkeeda la keenay Shirkaddo gurta kheyraadka badda oo si rasmiya xaflad loogu qabtay Seylac Shirkadaas oo ay ka mid tahay Geeska Afrika oo Maamulaheedu Xasan Faarax Cawaale sheegay in ay mashruucan hirgelinayso Dawlada Jabuuti oo ay rabaan in kalluun badan ay u baahan yihiiin oo ay u suuq-yada geeyaan Itoobiya iyo Wadamada Debada, isagoo sheegay in sababta ay Seylac u doorteen ay tahay kalluunka ugu fiican oo ay leedahay, xafladaas oo aan cidi Somaliland ka joogin waxaa ku keli ahaa Xukuumada Jabuuti oo iyadu mashruucan maalgelinaysa.
Arrinta Cajiibka ah waa qabanqaabo xoog leh oo loogu diyaargaroobayo caleemo-saarka Ugaaskaasi oo markii u horeysay muddo aan la garanayn oo lagu caleemo saarayo magaaladaasi, waxaana la filayaa in xafladda caleemo-saarkiisa ay kasoo qaybgeli doonaan masuulyiinta ka tirsan dawladda Jabuuti ee hawlaha noocan ah wada ayaan la odhan Karin way moog tahay Xukuumada Somaliland oo Jabuuti xidhiidhka wanaagsan la leh.
Laga bilaabo tuullada Ceel-gaal ilaa tuullada Lawyacaddo oo ah dhulka soohdinta ah waxaad moodaa inay dadka halkaa degani inay qool ugu jiraan kooxo ka soo jeeda maleeshiyooyinkii sannadkii 1995 ay SNM dagaalka kaga saartay xeebaha galbeedka Somaliland, iyaga oo doonayey inay qaybsadaan, kuwaas oo hadda doonaya inay siyaasad qabow oo nabadgelyo ah ku qaybsadaan degaamadaa, dhamaan madaxda ay Xukuumada Somaliland soo magacowdo ee degaankaasi waa Madax Jabuutiyaan ah oo si toosa amarka ugu qaata Xukuumada Jabuuti Fulinyana waxa ay rabto, Maleeshiyooyinkaa oo ay waqtigaa taageeri jirtay dawladda Jabuuti rag taliyayaal ka ahaa xiligaa ayaa ka mid ah kooxaha isaga dab-qaada ganacsiga ujeeddo badanka ah ee ka socda galbeedka Somaliland, waxayna kooxahaasi dadka degaamadaa ku nool ku beer-laxowsadaan inaanay dhinacooda (Dhinaca Somaliland) ka jirin ama aanay haysan dawlad adag oo wax kala qaban karta dhibaatooyinka nololeed ee haysta, xaaladda guud ahaan duruufaha nololeed ee haysta, sidaa darteed ay iyagu wax u qaban karaan oo ay u samaynayaan mashaariic dhinaca horumarinta iyo daryeelka nolosha ah, iyadoo imikaba mashaariic Kaluumaysi loo samaynaayo.
waxa dhacda in marmar lagu arko Xeebaha Somaliland dhinaca galbeedka saraakiil sarsare oo maraykan ahi oo ay weheliyaan qaar ka tirsan ciidanka reer Jabuuti oo marmar si toosa u soo gala soohdinta dhinaca Somaliland, waxaanay noqotay wax iska caadiya, iyadoo ay Askarta reer Jabuuti ee Somaliland iska soo galaan oo caadi u noqotay, markaad joogtid Xuduuda galbeedka.
Hawlahan ay ka wado Xukuumada Jabuuti qaar ka mida Degaanada Somaliland sida Xaalufinta, sifeynta shaqaalaha dawladeed aan u dhalan Degaanka, shirkadaha Kaluumaysiga iyo kheyraadka guranaya iyo caleemo saarka ugaaska Ciise ayaa ahaa arrin khatar ku ah Jiritaanka Somaliland labaduba dhirbaaxo oo ka dhici karta in Degaankaas u dhow yahay in maamulkeeda uu ka hoos baxo Somaliland.
Faragelinta Jabuuti ay sida toosa ah ku hayso qaybo ka mida Galbeedka Somaliland ,ayaa waxaa ay la macno tahay in ay itaal ugu weyday gudaha Somaliland, ayna u aragto inay sahlan tahay in ay ku qabsato qaybahan galbeed ee Somaliland oo ay weligeedba Jabuuti sheegan jireen, horeyna ay u taageeri jirtay maleeshiyooyin kasoo jeeda dhulkaasi oo dabada ku hayey xukuumada Jabuuti
Marka la isku soo xooriyo xaaladda galbeedka Somaliland waxay tahay mid werwer leh, isla markaana haddii ay xaaladdu sida ay hadda tahay ku sii socoto waxa iman doonta xilli wax kale la arki doono, iyadoo waxyaalaha iman kara ay ka mid yihiin inuu maamulka Somaliland garan waayo meel uu ka soo dabaqabto jiidaha galbeedka oo la arki waayo maamul ka shisheeya Gobolka Awdal.
By Soyaan Yasiin Caraale/ Jabuuti
Haatuf
Maxaa Laga Yeelayaa Faragelinta Qaawan Ee Jibouti Ku Hayso D
Moderator: Moderators
- MrPrestige
- SomaliNet Super
- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 278 Views
-
Last post by Somaliman50
-
- 0 Replies
- 282 Views
-
Last post by afisoone
-
- 1 Replies
- 890 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 8 Replies
- 689 Views
-
Last post by original dervish
-
- 1 Replies
- 293 Views
-
Last post by lilsaf
-
- 7 Replies
- 747 Views
-
Last post by HooBariiska
-
- 24 Replies
- 1018 Views
-
Last post by Copy.&.Paste
-
- 2 Replies
- 208 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 4 Replies
- 596 Views
-
Last post by SuldaanOfSanaag
-
- 8 Replies
- 853 Views
-
Last post by grandpakhalif