Shirkada Daalo Iyo Ururka Al-Shabaab Waxba Kama Dhexeeyaan

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Shirkada Daalo Iyo Ururka Al-Shabaab Waxba Kama Dhexeeyaan

Post by MrPrestige »

Muniir X.Cabdilaahi-Maamulka Daallo

Hargeysa 0ctober 11, 2009 (Haatuf)-Shirkada diyaaradaha ee Daalo ayaa beenisay inaanay waxba ka jirin war lagu faafiyey wargeyska Maalmaha cadadkii shalay Sabatidii soo baxay, warkaas oo sheegayay in shirkada DAALO iyo ashkhaas ka tirsan ururka xag-jirka ah ee Al-Shabaab ay eedo uga jeedisay wararkaas oo lagu daabacay wargeyska maalmaha cadadkiisii shalay oo ka soo baxa caasimada Hargeysa.

Hadaba qoraal uu arrintaas ka soo saaray maamulka shirkada Daalo, oo uu ku sexeexan yahay Muniir X Cabdilllaahi, oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadaasi oo xalay la soo gaadhsiiyey xarunta wargeyska Haatuf, ayaanay shirkada Daalo si cad qoraalkaas ugu muujin arrimaha ku saabsan shirkadooda iyo Alshabaab ee ay ku jawaabayeen, isaga oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan:-

“Tixraac maqaalka u qoray wargeyska Maalmaha ee ku saabsanaa shirkaddda Daalo Airlines iyo Alshabaab, waxaan dinla socodsiinaynaa in arrintaas ay ka muuqato been abuur aan sal iyo raad toona lahayn oo ay samaysteen shakhsiyaad aan la garanayn waxa ay u jeedaan. Waxaad ka arkaysaa habka la isku raaciyey labada arrimood ee beenta looma fadhiyaanka ah ee laga dhex samaynayo shirkad ganacsi iyo alshabaab oo aanay waxba ka dhaxayn.

Shirkada daalo waxay la macaamishaa dhammaan bulshaweynta aduunka, waana shirkad ganacsi , caqliga salimka ahina ma sheegayo in shirkad ganacsi qof ama urur aan waxba ka dhaxaynin ay wax ka sheegto, waayo iyada waxa shaqadeedu tahay sidii Servic-ka ay ummada u hayso ay u wanaajin lahayd.

Hadaba waxa la yaableh wargeyska maqaalkan faafiyey, isaga oo aan haba yaraatee wax tafaftir ah ku samaynin. Arrintaasna waxa shirkaddu ay u mari doontaa sifo sharci ah si ay meelka dhacaa lagu sameeyay uga daba tagto, kuna hesho magdhawgeedii. Ugu dambayntii waxa aanu wargeyska maalmaha u sheegaynaa in ay ilaaliyan Etics-ka iyo milgaha saxaafadu ay leedahay.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”