M/weyne Rayaale oo Guurtida iyo Mucaaradka dib ugu celiyay xubnihii ay Komishanka u xuleen.
Muxuu M/weynuhu ku sababeeyay dib-u-celinta xubnaha cusub?
UCID oo isla xalayba bedelay xubintooda la soo celiyay iyo xubinta cusub ee lagu bedelay
Guddoomiyaha Guurtidu muxuu ka yidhi soo-celinta xubnihii uu magacaabay?
Hargeysa (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay Golaha Guurtida iyo labada xisbi Mucaarad dib ugu celiyay dhamaan xubnihii ay u soo xuleen Komishanka cusub ee Doorashooyinka.
Inkastoo aanay jirin war rasmi ahaan Madaxweynuhu ka soo saaray arrintaas, haddana sida uu ku sheegay qoraal uu u gudbiyay dhinacyadaas, waxa uu soo celintiisa ku sababeeyay arrimo kala duwan. Madaxweynuhu xubinta xisbiga KULMIYE u xulay Komishanka cusub oo ah haweenay lagu magacaabo Ilhaan Maxamed Jaamac, waxa uu soo celinteeda sida la sheegay ku sababeeyay inay ka tirsan tahay guddiga Fulinta Xisbigaas, kana qaybgashay, waxna ka abaabushay Shirweynihii labaad ee xisbigaas.
Halka xubinta UCID hore ugu magacaabay Komishanka oo ah Garyaqaan Mahdi Maxamed Guulleed (Khadar) uu ku sababeeyay in dhinacyada ay khusaysaa heshiis ku ahaayeen in xubno cusub loo soo xulo Komishanka, sidaa darteedna xisbi ahaan ay xubintaas soo bedeshaan maadaama uu ka tirsanaa Komishankii is casilay.
Warku wuxuu intaa ku daray, in xubnaha Guurtidu soo magacowday ee dib ugu celiyayna uu ku sababeeyay in aanay buuxin shuruudaha Xeerku tilmaamay qaarkood, balse si gaar ah looma sheegin qodobada aanay buuxin.
Murashaxa Madaxweyne Kuxigeenka xisbiga UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xassan oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in aanay ku qancin sababaha Madaxweynuhu u cuskaday soo celinta Khadar Maxamed Guulleed, maadaama uu dhowaan uu ku biiray Komishanka Doorashooyinka. Hase yeeshee, waxa uu sheegay inay u aqbaleen si loo dardar geliyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada oo dhowr jeer dib u dhac ku yimi, isla markaana ay bedeleen xubintoodaas, xubin cusubna u soo xuleen Guddiga Doorashooyinka. Prof. Maxamed-Rashiid Sh. Xassan waxa uu sheegay inay xisbi ahaan xalay magacaabeen xubintooda cusub, isla markaana ay xalayba Madaxweynaha u gudbiyeen. Waxa uu sheegay in wakiilkooda Komishanka ay u magacaabeen Cabdifataax Ibraahim Sh. Xassan oo ka mid ah aqoonyahanada Qurba-jooga ah ee reer Somaliland.
Geesta kale, ka hor intii aanu Warkani rasmi u soo bixin mar Wargeysyada Ogaal iyo Geeska Afrika ay wada-jir shalay Guddoomiyaha Guurtida isaga oo ku sugan Xafiiskiisa wax kaga waydiiyeen waxa ay dhinacooda kala socdaan soo-celinta xubnaha uu hore u magacaabay, ayaa ku jawaabay oo yidhi, “Anigu Warkaa ah in la soo celiyay ma hayo. Golaha Guurtida ayaa nala yidhaahdaa oo laba xubnood ayaanu magacownay, wax nagaga soo noqdayna ma jiro ee waxaanu ku rejo-weynahay in ay u gudbiyaan Golaha Wakiilada.” Mar aanu sii waydiinay waxay ka yeelayaan haddiiba la soo celiyo. Waxa uu sheegay inay go’aan ka qaadan doonaan marka ay soo gaadho soo-celintu.
KULMIYE oo ka hadlay soo-celinta Xubintiisa Komishanka
“Ma jiro Sharci Madaxweynaha awood u siinaya inuu kala shaandheeyo xubnaha Komishanka loo xulayo”
Guddoomiyaha KULMIYE
“Xubintayada dib baanu ugu celinay Madaxweynaha” Axmed-Siilaanyo
Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in Madaxweyne Rayaale dib ugu soo celiyay Ilhaan Maxamed Jaamac oo ay xisbi ahaan u xuleen Komishanka Doorashooyinka.
Guddoomiyaha oo qoraal jawaab-celin ah u diray Madaxweynaha, waxa uu sheegay in aanu jirin Sharci Madaxweyne Rayaale awood u siinaya kala shaandhaynta Guddiga Doorashooyinka, isla markaana ay taasi tahay waajibaadka golaha Wakiillada. Qoraalkaa jawaab-celinta ahi waxa uu u dhignaa sidan; “Tixraac warqaddaada sumaddeedu tahay JSL/M/GXK/009, ee ku taariikhaysan 10/10/09, kuna saabsan soo celinta dhinacaaga ka timi ee Xubinta Xisbiga KULMIYE u soo xulay KDQ Marwo Alhaan Maxamed Jaamac.
Haddaba, Mudane Madaxweyne, kuma hayno shuruucda dalka meel awood kuu siinaysa inaad kala shaandhaysid xubnaha loo xulayo KDQ, taasoo cidda keliya ee sharcigu awood u siiyey tahay Golaha Wakillada JSL.
Sida ku cad waraaqdaada xogta aad u cuskatay inaanay Xubintaasi (Alhaan) buuxin shuruudaha, maaha mid ku salaysan xog-ogaalnimo Laga bilaabo Shirweynahayagii Hargeysa March, 2008, iyo kii Golaha Dhexe ee Xisbigayaga Burco August, 2008, waxa jira xubno muhiim ah oo ka mid ahaa Guddiga fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ka tegay Xisbiga, kuwaas oo qaarkood Ururo furteen, qaarkoodna Xisbigaaga ku biireen, qaar kalena danohooda gaarka ah uga tageen Xubinnimadii Xisbiga, kuwaas oo ay ka mid ahayd Alhaan Maxamed Jaamac, eeg lifaaqa la socda qoraalkan.Mudane Madaxweyne, waxaan kaa filayaa inaad ku qanci doonto qoraalkeygan.
Sidoo kale, Mudane Madaxweyne waxaan kaa rajaynayaa in laga fogaado wax kasta oo caqabad ku noqon kara habsami-u-socodka heshiiskii lixda qodob ka koobnaa.
Waxaan kaa rajaynayaa inaad Xubnaha Komishanka sida ugu dhakhsaha badan ugu gudbiso Golaha Wakiillada si ay waajibaadkooda sharci uga gutaan.”
Dhinaca kale, Guddoomiye Axmed-Siilaanyo oo xalay fiidkii u waramay qaar ka mid ah Saxaafadda Maxaliga ah, waxa uu caddeeyay inay xisbi ahaan Madaxweynaha dib ugu celiyeen Ilhaan Maxamed Jaamac. Waxa uu sheegay in talaabadani wax u dhici karto heshiiskii dhowaan laga gaadhay khilaafaadkii dalka ka taagnaa. “Umadda reer Somaliland way ogayd heshiiskii dhowaan la galay ee ahaa qaabkii loo geli lahaa si dhakhso ah sidii doorasho iyo xor iyo xalaal ah loo qaban lahaa, loona fulin lahaa heshiiskii ay soo qadimeen dalalka saaxiibka la ah Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Waxa uu sheegay in kulamo saxeexa heshiiskaa ka dambeeyay ay yeesheen Madaxweynaha iyo Madaxda Mucaaradku, isla markaana ay wadahadalkoodaa iyo heshiiskaba sal u ahayd bedelka xubnaha Komishankii hore, lana sameeyo guddigii bedeli lahaa xubnahaa hore.
“Anigoo huba in qolooyinka kale oo dhamina u gudbiyeen (Madaxweynaha), annagu xisbi ahaan xubintayadii aanu magacownay waxaanu Madaxweynaha u gudbinay 7.10.2009, xisbiga kale ee Mucaaradka ah (UCID) iyo Guurtiduna iyana waa u gudbiyeen. Laakiin, ilaa saacadaa aynu joogno xisbiga UDUB ee Madaxweynuhu wakiilka ka yahay, cid uu magacaabay ma hayno, mana jirto cid uu magacaabay. Iska dhaaf cid uu magacaaboo, wuxuu muddo markuu haystay noogu soo jawaabay inuu saddexdayadab nagu soo celiyo xubnihii aanu magacownay oo uu yidhi, ‘Sharciyadii ma aydun buuxin xubnahaa la magacaabay.’ Marka koowaad, waxaad moodaa Madaxweynuhu inuu meel iska dhigay oo uu ka baxay mabda’ii lagu wada shaqaynayay ee niyad-samida iyo wada-shaqaynta ahaa ee la isku ogaa inaanu wada fuliyo.
Marka labaad, ma jiro Sharci Madaxweynaha siinaya inuu isagu kala reebo oo kala sifeeyo xubnaha la magacaabayo oo uu isagu sheego xubinta uu diidayo iyo xubinta uu magacaabayo, Sharciga meel ay kaga taalaa ma jirto. Cidda xubnaha la magacaabay ogolaan karta ama diidi kartaa waa golaha Wakiillada, isagana (Madaxweynaha) keliya waa la sii marinayaa. Isagu (Madaxweynuhu) hadduu kuwayaga shaandheeyo, isaga kuwiisa yaa ka shaandhaynaya? Annagu awoodaa meel uu ka keenay garanmayno waxaananu leenahay; Madaxweynuhu wuu ku gardaran yahay inuu soo celiyo xubnaha aanu magacownay. Marka saddexaad, annagu waxaanu magacownay gabadh la yidhaahdo Ilhaan Maxamed Jaamac. Gabadhaasi waa gabadh ay Tacliinteedu heer sare tahay – markii uu maanta (shalay) nagu soo celiyay wuxuu ku sababeeyay inay xisbiga KULMIYE ka mid ahaan jirtay oo ay ka qaybgashay ama abaabulaysay Shirweynihii aanu laba sanno ka hor ku qabanay magaalada Hargeysa,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Wuxuuna intaa ku daray; “Waxaanu caddaynaynaa in Ilhaan Maxamed Jaamac oo ah gabadh baayac-mushtar ah, iskuulo leh oo hawlo badan Ceerigaabo ku lihi ay danaheeda xisbiga uga baxday waqtigaaba, maantana aanu barinay inay danaha qaranka dartii ugu soo noqoto. Waanu caddaynaynaa inay xilligaa ka baxday, waxaananu haynaa caddaymihii, qoraaladeedii iyo kuwii aanu ku aqbalayba.”
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu codsi iyo talooyin u jeediyay Madaxweyne Rayaale, wuxuuna yidhi; “Waxaanu leenahay, inaad soo celisaa waa marmarsiiyo, awood iyo xaqna uma lihid. Madaxweynow waxaanu ku leenahay niyadsamidii aynu ku wada shaqaynaynay ee heshiiskaasi ku qotomay ayaynaan bedelin. Waa inaad heshiiskii fulisaa, waa inaad xubnahan gudbisaa, haddii aad dhaliil u haysana raaci faaladaada iyo wixii aad ka qabto, laakiin cidda ku shuqul leh hawshaa u gudbi baanu ku leenahay, waqti dambena yaanu inagaga lumin.”
Guddoomiyaha oo la waydiiyay inay Madaxweynaha dib ugu celiyeen Ilhaan Maxaned Jaamac, waxa uu sheegay inay isla shalayba Madaxtooyada dib ugu celiyeen.
“Caqliga saliimka ahi ma sheegayo in Shirkad Ganacsi wax ka sheegto Urur ama shaqsi aanay waxba ka dhaxaynin”
Shirkadda DAALLO oo beenisay War laga baahiyay
Hargeysa (Ogaal)- Shirkadda Duullimaadyada ee Daallo Airlines ayaa beenisay War shalay lagu baahiyay Wargeyska Maalmaha oo lagu sheegay in Guddoomiyaha Shirkaddaasi sheegay in Ururka Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya ay Lacag baad ah doonayaan inay ka qaadaan Shirkaddooda.
Qoraal uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Shirkaddaas Muniir Xaaji Cabdilaahi oo la xidhiidha jawaab ay Shirkaddu ka bixinayso warka wargeysku faafiyay ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Tixraac maqaalka ay qortay wargeyska Maalmaha ee ku saabsanaa Shirkadda Daallo Airlines iyo Alshabaab, waxaan idin la socodsiinaynaa in arrintaas ay ka muuqato been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay sameysteen shakhsiyaad aan la garanayn waxa ay u jeedaan. Waxaad ka arkaysaa maqaalka habka laysku raaciyey labada arrimood ee beenta looma fadhiyaanka ah ee laga dhex sameynayo Shirkada Ganacsi iyo Alshabaab oo aanay waxba ka dhexeyn. Shirkadda Daallo waxay la macamiishaa dhammaan bulshaweynta adduunka, waana Shirkad ganacsi. Caqliga saliimka ahina ma sheegayo in Shirkad Ganacsi ay qof ama Urur aan waxba ka dhaxaynin ay wax ka sheegto, waayo iyada waxa shaqadeedu tahay sidii Service-ka ay umadda u hayso ay u wanaajin lahayd.
Haddaba waxa layaab leh Waregyska maqaalkan faafiyey, isaga oo aan haba yaraatee wax tafatir ah ku samaynin. Arrintaasina waxa Shirkaddu ay u mari doontaa sifo sharci ah si meel-ka-dhacaas lagu sameeyay ay uga daba-tagto, kuna hesho magdhawgeedii. Ugu dambayntii waxa aanu Wargeyska Maalmaha u sheegaynaa inay ilaaliyaan ethics-ka (anshaxa) iyo milgaha saxaafaddu ay leedahay.”
Laba Wasiiru-dawle oo isku khilaafay oo isku beeniyay Saxaafadda horteeda
“Markii wax layga waydiiyay arrinta Safiirka Somaliland ee Faransiiska, waxaan ku idhi la xidhiidha cidda uu Lacagtiisa u igmaday oo Wasiiru-dawlaha Caafimaadka ah”
Wasiiru-dawlaha Khaarajiga
“Waxaan idiin caddaynayaa inaanu jirin wax lacag ah ama xisaab ah oo marnaba la iigu dhiibay Fagadhe”
Wasiiru-dawlaha Caafimaadka
Hargeysa (Ogaal)- Laba Wasiiru-dawle oo ka wada tirsan Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, ayaa shalay muran xooggani ku dhex maray Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Magaalada Hargeysa, ka dib markii ay isku af-garan waayeen ka-hadalka War la xidhiidhay Wakiilka Somaliland ee Faransiiska Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo xanuun haleelay loo dhigay Cusbatal ku yaala Magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Labada Wasiiru dawle ee Wasaaradaha Arrimaha Dibedda Siciid Maxamed Nuur iyo Caafimaadka Axmed Cali Shire, ayaa shalay isku maan-dhaafay War laga baahiyay Xanuun la soo dersan Wakiilka Faransiiska ee Somaliland Mr. Fagadhe. Kaas oo uu Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibeddu sheegay in Mr. Fagadhe dalbaday in Xuquuqdiisa iyo dhaqaalaha loogu xawilo Wasiiru-dawlaha Caafimaadka Axmed Cali Shire oo waqtigaa ku sugnaa Hoolka uu Shirka jaraa’id ku qabanayay Siciid Maxamed Nuur. “Waxaan Saxaafadda u sheegayaa in Wargeyska Jamhuuriya uu ila soo xidhiidhay habeenimadii Khamiistii oo ay igu yidhaahdeen, waxa jira eedayn lagu eedaynayo dawlada Somaliland oo la xidhiidha Nin masuul ah oo dawladda ka tirsan oo dayacan oo xaalad xumi hayso, kuna jira Cisbitaal.
Waxaan ku idhi, Weriyihii ila soo xidhiidhay waxaan ku idhi, arrintaas waxay ila egtahay arrintaasi dacaayad dad lidi ku ah dawlada Somaliland ay sameeyeen, wax ka jiraana aanu jirin.” Ayuu yidhi Siciid Maxamed Nuur oo ka hadlayay Warkan oo uu baahiyay Jamhuuriya iyo sida uu uga jawaabay isagu. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaanan ku idhi Wargeyska, haddii aan runta idiin sheego ninkaasi waa nin masuul ah, Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe). Waana Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska, wuu bukaa, hore ayaa loo qalay oo dawladdu qorshe dhaqaale ayay u samaysay. Qorshahaas dhaqaale bil walba wuxuu leeyahay waxaanu ugu xawilay Baanka Somaliland xaruntiisa Hargeysa, Baanka ayaanu masuul uga dhignay inuu lacagtaasi u diro. Hase ahaatee, waxaan u sheegay inay arrintaasi bedeshay Warqad uu noo soo diray Fagadhe oo sheegaysay in Lacagtii aanu Wasaarad ahaan u maamuli jirnay uu yidhi lacagtaasi waxaan u soo igmaday oo iiga wakiila oo iiga qaadaya oo ii dabo-gelaya Wasiirul-dawlaha Caafimaadka Axmed Cali Shire. Markii Jamhuuriya ay I weydiiyeen lacagtaasi inaan tafaasiil ka siiyo, waxaan ku idhi la xidhiidha ciddii uu soo igmaday. Balse, waxa dhibaatada keenay waxa weeye Jamhuuriya ayaa waxay tidhi, Wasiirul-dawlaha Arrimaha dibadu wuxuu nagu yidhi haddii aanu lacagtii Axmed Cali Shire u dirin isagaa lunsaday arrintaasi oo been ah kumanaan odhan arrintaasi.”
Dhinaca kalese, Wasiiru-dawlaha Caafimaadka Axmed Cali Shire oo isna halkaa ku sugnaa, ayaa beeniyay hadalka uu sheegay dhiggiisa Arrimaha dibeddu ee ah in lagu wareejiyay Lacagtii Mr. Fagadhe, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi, “Horta, marka hore Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiisku waa nin bukaan ah oo hadda dhakhtar ku jira ilaahay waxaanu uga baryaynaa inuu caafiyo. Maxamuud Saallax Nuur (Fagadhe) wuxuu ka tirsan yahay Wasaarada Arrimaha dibada, mushaharkiisa iyo arrintiisana waxa lagala xidhiidhayaa Wasaarada Arrimaha dibedda. Laakiin waxaan Wasiirka hortiisa ka beeninayaa qoraalkan Jamhuuriya daabacay, oo uu Wasiirul dawluhuna yidhi, sidaasi umaan odhan. Waxaan idiin caddaynayaa inaanu jirin wax lacag ah ama xisaab ah oo marnaba la iigu dhiibay Fagadhe oo gacantayda soo galay horayso iyo dambaysaba. Ma aqaano lacagta Fagadhe qaato ee loo diro.
Meel uu lacag ka qaadanayana waligay ma joogin. Waxa dhibaatadu tahay in Wargeyskaasi qoray weydiiya Axmed Cali Shire inuu lacagtii gaadhsiiyay wakiilka iyo inuu leexsaday.”
Wasiirul dawlaha caafimaadku wuxuu sheegay in dad badan oo dalka gudahiisa iyo dibadaba kala soo xidhiidhay ay weydiiyeen halkuu mariyay lacagtii Wakiilka Somaliland ee Faransiiska oo ku jira cisbitaal ku yaala Paris. Md. Axmed Cali Shire, wuxuu sheegay in Warqadda Wakaalashada ah ee Fagadhe aanay ku caddayn xiliga laga bilaabayo iyo xaddiga Lacagtu inta ay tahay midnaba. Labadan Wasiir midna muu sheegin inay dabo galayaan lacagtaasi halkii ay ku dambaysay iyo in wax gaadheen midna.
Laascaanood: Nin Aabbihii dilay oo xukun dil ah lagu fuliyay
“Markii ninkan la qisaasay aanu waydiinay sababta uu Aabihii ku dilay wuxuu nagu yidhi..”
Ku-xigeenka Xeer-Ilaaliyaha Gobolka Sool – Xog waran gaar ah
Laascaanood (Ogaal)- Maxkamadda Gobolka Sool ee Magaalada Laascaanood ayaa shalay meel fagaare ah dil toogasho ku fulisay nin la sheegay in ay ku caddaatay in uu dilay Aabihii badhtamihii sanadkan.
Ku-xigeenka Xeer-Ilaaliyaha Gobolka Sool Aadan Salaad Seed oo isaga oo ku sugan Magaalada Laascaanood uu Wargeyska Ogaal Khadka Telefoonka wax kaga waydiiiyay sida uu Xukunkaasi u dhacay, Aayadaha loo cuskaday, sababta keentay in Ninkani uu dilo Aabihii iyo arrimo kale.
Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi, “Waxa saaka (shalay) dil toogasho ah lagu fuliyay gacan-ku-dhiigle Axmed Maxamed Cawaale, kaas oo 25-kii May 2009 si naxariis-darro ah u dilay Aabihii Marxuum Maxamed Cawaale, una adeegsaday oo qudha kaga jaray Toorri. Gacan-ku-dhiiglahan oo ay dilkiisa isku raaceen Maxkamadaha kala duwan oo ku xukumeen Dil toogasho ah. waxaanay Eheladiisii isku raaceen oo kale in loo qisaaso marxuumkii uu dilay. Madaxweynuhuna wuu soo saxeexay dilka Axmed Maxamed Cawaale.” Waxaanu xeer-ilaaliye xigeenka Gobolka Sool uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaana goob-joog ka ahaa fulinta dilkaas, Aniga oo ahaa ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee Gobolka Sool, Guddoomiye-xigeenka G. Sool, ahna ku simaha Guddoomiyaha, Maayarka Laascaanood, taliyayaasha Ciidanka Booliska, Qaranka iyo Asluubta iyo isu-duwaha Diinta iyo Aw-qaafta..Waxaana qisaastan oo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan Laascaanood iyo ehelada Qoyska. Xukunkan waxa loo cuskaday Qodobka 434 ee Xeerka Ciqaabta guud iyo Aayadaha Quraanka ah ee 178aad iyo 179aad ee Suuratul-Baqara iyo Aayadda 45aad ee Suuratul-Maa’ida.”
Mar aanu waydiinay in waxa ay ka ogyihiin sababta kalliftay in ninkan qisaasta lagu fuliyay uu dilo Aabihii iyo inay waydiiyeen, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Markii aanu waydiinay waxba noomuu sheegin ee wuxuu yidhi si aan ahaa ma garanayo ee Ilaahay baa igu sababay. Hase ahaatee, qoyskiisu waxay noo sheegeen in ninkan dilka lagu fuliyay markii hore uu rabshoole ahaa.”
Hargeysa: Duruufaha Biyo-la’aanta iyo dayaca danyarta
Khadar Jaamac Dirir
Hargeysa (Ogaal)- Caasimada Hargeysa waa Magaalo ay dhawaanahan la deris noqdeen Biyo-la’aan xooggan aan mid la mid ah hore looga dareemin Xaafadaha Magaalada qaarkood. Taas oo ay dadweynaha Hargeisa ku dhaqani ay ka bixiyeen dareeno kala duwan.
Inkasta oo ay Degmooyinka iyo Xaafadaha Magaaladu ka siman yihiin Biyo-la’aanta, haddana way u kala nugul yihiin. Xaafadaha danyartu degaan ayaa ah kuwa ugu jilicsan dhinaca harraadka, biyo-la’aanta iyo duruufaha kale ee ku gedaaman Nolosha waqtigan.
Xaafadda State House-ka ee Magaalada Hargeysa waa mid ka mid ah Xaafadaha la taag-daran Biyo-la’aanta Magaalada. Dariiqyada cidhiidhiga ah ee Xaafaddaasi waxa buux-dhaafiyay Jirikaamo ama Weelka kale Biyaha lagu dhaansado oo dadweynuhu kula eersanayaan goobtii Biyo ugu dhaw.
Goor duhurnimo ah ayaan mid ka mid ah Qasabaha Biyaha ka ag-dhaw Xaafadaas kula kulmay Hooyo ii sheegtay in Ubadkeeda ka u wayni uu 7-da jir yahay, isla markaana dhibbane u ah Biyo-la’aanta saamaysay Nolosha Magaalada, magaceedana ku sheegtay Maryan Xasan. “Waxaan halkan (Qasabadda) imi Lixdii subaxnimo ilaa imikana waaniga oo waan joogaa, mana jiraan wax Biyo ah oo aan helay. Waxaanan ka imi Ilmo yar oo Naaska jaqaya.” Ayay ku calaacashay Hooyadaasi.
Dhibta Biyo-la’aantu saamaynta ay ku yeelatay dadweynaha ku dhaqan Hargeysa, ayay ka mid tahay in dadka qaarkood ay Biyaha ka dhaansadaan Dooxa Hargeysa oo nadaafad ahaan ansax ku ahayn cabbitaan iyo isticmaal toona. “Waxaan Dooxa imi abbaaro 3:30 galabnimo, hase ahaatee, waxaan kala kulmay wax I yaab geliyay. Waxaan arkay Ceelkii aan Biyaha ka dhaansanayay oo ay isku haystaan Ey iyaga laftoodu harraaddan. Iyada oo ay taasi jirto ayaanay haddana noo muuqan wax ay Xukuumaddu ka qabanayso Biyo-la’aanta.” Sidaa waxa ku tiraabtay gabadh Magaceeda iigu sheegtay Hodan oo aan kula kulmay badhtamaha Dooxa Hargeysa oo ay waqtigaa u joogtay Biyo-dhaansi.
Mar aan sii waydiiyay inay jirto wax xidhiidh ah oo ay cabashada biyo-la’aantooda la xidhiidha kala sameeyeen Xukuumadda, ayay iigu jawaabtay iyada oo diifta Biyo-la’aantu ka muuqato, “Wallaahi, ilaa hadda cid aanu kala hadalay ma jirto..Balse, Maahmaah Soomaaliyeed baa tidhaahda, Nin fadhigaaga arkaya loo ma saro kaco.”
Dadka Xaafadda State House-ka ayaa sheegay in Biyo-la’aanta soo foodsaartay ay keenayso dhibaatooyin horleh haddii aanay Xukuumaddu tallaabo ka qaadin arrintaa. Waxaanay Xukuumadda u jeediyeen inaanay iska Indho tirin dhibaatada ka taagan Xaafadaha ay ka mid tahay Xaafaddaasi.
Si kastaba ha ahaatee, iyada oo jireen biyo-la’aan baahsan oo si aad ah looga dareemay guud ahaan Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafadaha danyarta, ayaa haddana waqtigan waxa bilaabmay Roobab keeni kara xannuunada qaarkood inay ka dillaacaan Xaafadaha isku raranta ah ee danyarta Magaalada. Waxase Xukuumadda la gudboon inay hoos u eegto xaaladaha ka jira guud ahaan Dalka, gaar ahaan Xaafadaha la deriska ah Xafiisyada ay Xukuumad ahaan u shaqo tegaan.
http://ramaasnews.com/news.php?readmore=1856
M/weyne Rayaale oo Guurtida iyo Mucaaradka dib ugu celiyay x
Moderator: Moderators
- MrPrestige
- SomaliNet Super
- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 270 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 4 Replies
- 462 Views
-
Last post by Highland
-
- 0 Replies
- 91 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 771 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 0 Replies
- 221 Views
-
Last post by sahal80
-
- 38 Replies
- 3280 Views
-
Last post by sahal80
-
- 7 Replies
- 1261 Views
-
Last post by FatheroftheCamel
-
- 4 Replies
- 491 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 1 Replies
- 229 Views
-
Last post by vinshor