Xukuumada Somaliland oo Sheegtay in Cid kastoo Xasuuq gaysatay aan laga hadhi doonin
Wasiirka warfaafinta Somaliland Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ayaa ka hadlay war uu khamiistii Wargeyska Geeska Afrika, baahiyay oo sheegayay inuu Sheekh Shariif Gen. Maxamed Cali Samatar ka difaaci doono, dacwadda kaga socota dalka Maraykanka ee la xidhiidha xasuuqii uu u gaystay shacabka Somaliland.
Ilo xogogaala oo ku sugan dalka Maraykanka, ayaa wargeyska u sheegay in kulanka Samatar iyo Sheekh Shariif oo ka dhacay magaalada Menneopolis ee dalka Maraykanka ay si mug leh ugaga wada hadleen dacwadda ku socota. Haddaba, Wasirka warfaafinta Somaliland Md. Axmed Xaaji Daahir, ayaa warsaxaafadeed uu xalay soo saaray, waxa uu Sheekh Shariif iyo cid kastaba uga digay inay isku dayaan carqaladaynta dacwadaas, waxaanu warsaxaafadeedku u qornaa sidan: “Waxa jirta dacwad la xidhiidha tacaddiyadii iyo xasuuqii ka dhacay Somaliland oo lagu soo oogay Maxamed Cali Samatar oo ahaa Madaxweyne-xigeenkii iyo Wasiirkii Gaashaandhiga eeTaliskii Siyaad Barre , taasoo haatan hortaala Maxkamadku taala dalka Maraykanka oo lafilayo in dhawan ay bilowdo dhagaysiga dacwadiisa. Dacwadan oo ah mid caalami ah ayaa waxa mar kastoo la damco in la dhaqaajiyo soo baxa madax ka mid ah Maamulka Somaliya oo u tafaxayta sidii ay dacwadaasi u horjoogsan lahaayeen , iyagoo adeegsanaya magaca xukuumada Somalia.
Haddaba, xukuumada iyo bulshada reer Somalilandba meel kasta ha joogaane’e waxa ka go’an wakhti kasta oo ay qaadato inaan laga hadhayn cid kasta oo lug ku lahayd xasuuqii loo geystay dadka reer Somaliland sanadihii siddeetameeyadii gaar ahaan Maxamed Cali Samatar, oo ahaa Masuulkii sida tooska ah ugu caddeeyay BBC-da inuu isagu ahaa Janaraalkii amarka ku bixiyay in lagu duqeeyo diyaarad iyo madaafiic Magaalada Hargeysa, iyadoo uu shacbiguna ku dhex jiro.
Waxa kale oo aanu xasuusinaynaa Raga u halgamaya inay hor joogsadaan dacwada Maxamed Cali Samatar iyo kuwa kale ee la midka ahba inay yihiin kuwo lid ku ah xuquuqda bini’aadmiga iyo Xeerarka kale ee caalamiga ahba, sidaas awgeed aanay ku guulaysan doonin si kasta oo ay iskugu dayaan inay ku duudsiyaan xaqa ay u leeyihiin dhibaneyaashu inay daba galaan kuwii ku tacadiyay xuquuqdooda.
War-saxaafadeedkani wuxuu si gaar ah ugu dhiirigelinayaa ururada xuquuqul insaanka ee dacwadan gacanta ku haya inaanay marnaba ka daalin in mar uun Caddaalada horgeeyaan eedeysaneyaasha uu Maxamed Cali Samatar kow ka yahay, si looga jaro dambiyadii ay galeen.”
Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa
Xukuumada Somaliland oo Sheegtay in Cid kastoo Xasuuq gaysat
Moderator: Moderators
- MrPrestige
- SomaliNet Super

- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super

- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
Re: Xukuumada Somaliland oo Sheegtay in Cid kastoo Xasuuq gaysat
Stop flooding the forum nacasyoho,,, Bophuthatswana or Bantustan have no power to do shiiiiiiiiiit.
- MrPrestige
- SomaliNet Super

- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
Re: Xukuumada Somaliland oo Sheegtay in Cid kastoo Xasuuq gaysat
sheekh-Farax-zero wrote:Stop flooding the forum nacasyoho,,, Bophuthatswana or Bantustan have no power to do shiiiiiiiiiit.
"Waxyaabaha aan ka sheegno kooforta soo tan kama foolxuma? wallaah tani waa dulinimo,,
Puntland wax jirta ma aha ,, i have never been so sad wallaahi"
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super

- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
Re: Xukuumada Somaliland oo Sheegtay in Cid kastoo Xasuuq gaysat
don't you know your so called country Bophuthatswana or NeverLand is owned by Habashi,, Look here
how they are trying hard to proof their loyality to them
Iska Horimaad Hubaysan oo ku dhex maray Ciidamada Ethopia Iyo Dablay Hubaysan oo Lagu daba joogay meel u dhow Tuulada Qaydar-Labiile oo ka Tirsan Degmada Gaashaamo ee Killalka Shanaad ee Dalka Ethopia”
how they are trying hard to proof their loyality to them
Iska Horimaad Hubaysan oo ku dhex maray Ciidamada Ethopia Iyo Dablay Hubaysan oo Lagu daba joogay meel u dhow Tuulada Qaydar-Labiile oo ka Tirsan Degmada Gaashaamo ee Killalka Shanaad ee Dalka Ethopia”
Burco(Somaliland.org)-Wararka laga helaayo ilo-wareedyo muhiim ah oo ku sugan degmada gaashaamo ee killalka shanaad ee dalka Ethopia, ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Ethopia Iyo Xubbno ka Tirsan sida la sheegay Jabhada Xoreynta Ogaadeen ee ONLF ay isku haleeleen iska hor-imaad Hubaysan Meel u dhow Tuulada Qaydar-labiile oo ka Tirsan Degmadaasi Gaashaamo
Xubnahan la sheegay inay yihiin ONLF ta ayaa Ciidamada Ethopia iyo kuwa Somaliland![]()
labadii casho ee ugu danbeeyayba ka baadigoobaayeen deegaano u dhexeeya Xuduudka Labada dawladood oo lagu soo sheegay,
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 15 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 260 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 221 Views
-
Last post by kaliil
-
- 3 Replies
- 454 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 410 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 4 Replies
- 888 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 1 Replies
- 303 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 3 Replies
- 402 Views
-
Last post by HELWAA
-
- 23 Replies
- 949 Views
-
Last post by Phd in naago kudis
-
- 0 Replies
- 322 Views
-
Last post by AsadSL