Xaflad loo Sameeyay Xuska 10-guuradii Aasaaska Dugsiga Sunshine First School, Daawo Sawirada+ SAWIRO
Hargeysa (Oodweynenews)- Xaflad ballaadhan oo lagu maamuusayey xuska sannad-guuradii 10aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay dugsiga gaarka loo leeyahay ee sunshine first school ayaa lagu qabtay hudheelka Summer Time ee Magaalada Hargeisa.
Xafladaas oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay, waxa ka soo qayb galay xildhibaano ka tirsan goloha wakiilada jsl, Gudoomiyaha waxbarashada gobolka hargeisa, Aqoonyahano culima-u-diin, waalidiin, iyo ardayda dugsiga sunshine.
Mulkiilaha iyo maamulaha guud ee dugsiga sunshine Marwo, Amran Xuseen Xassan oo ugu horayn munaasibadaa ka hadashay, ayaa sharaxaad dheer ka bixisay taariikhda iyo marxaladihii uu soo maray dugsigu iyo xaalada uu imika marayo iyadoo dhinaca kalana ammaan weyn u soo jeedisay macalimiinta iskuulka iyo waalidiinta ardayda oo ay ku tilmaantay qaar si joogto ah uga war haya waxbarashada ubadkooda.
Marwo Amran waxa kale oo ay mahadnaq gaar ah u soo jeedisay sadex macalin oo ay tidhi wax ay ila bilaabeen wakhtigii aan dugsiga furay oo ahayd 1999 ilaa hadana ila shaqeeya.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay xildhibaan siciid cilmi rooble oo ka mid ah waalidiinta ardayda dhigata dugsiga ayaa ugu horayn hanbalyo u diray maamulka, macalimiinta iyo ardayda dugsiga sunshine waxaanu xusay in waxbarashada iskuulka gaarka ah ka tayo wanaagsan yahay dugsiyada dawliga ah,
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Marwo faatumo siciid oo ka mid ahayd waalidiinta ardayda dugsigaasi iyada oo hanbalyo u soo jeedisay dhamaan macalimiinta, ardayda iyo maamulka dugsiga iyada oo sheegtay in dugsiga sunshine yahay dugsiga kaliya ee tayadiisa waxbarashadiisu ay tahay mid aad u saraysa.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Pro. Xasan Aw Daahir iyo gudoomiyaha Gobolka hargeisa Mudane xasan oo ugu danbayntii shahaadu halkaasi ku gudoonsiiyey sadexda macalin ee dugsiga la bilaabay maalintii la furay kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin macaliin mudo dheer la soo shaqeeyey dugsigaasi ilaa hada ka shaqeeya dugsigaas kuwaas oo kala ah Cabdi jamaac dhinbill, Yuusuf Cumar Xuseen, Basra Cabdi Xuseen.
Oodweynenews.com/Office
http://www.oodweynenews.com/display_pag ... leid=11267
Xaflad loo Sameeyay Xuska 10-guuradii Aasaaska Dugsiga Sunsh
Moderator: Moderators
- MrPrestige
- SomaliNet Super
- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 937 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 218 Views
-
Last post by sheldibow
-
- 0 Replies
- 384 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 14 Replies
- 1452 Views
-
Last post by Adali
-
- 1 Replies
- 399 Views
-
Last post by afisoone
-
- 11 Replies
- 16382 Views
-
Last post by LaY-D_LicK
-
- 0 Replies
- 387 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 41 Replies
- 20888 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 0 Replies
- 920 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 7 Replies
- 741 Views
-
Last post by AbdiWahab252