Muxuu Daaran Yahay Safarka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ugu Ambabxay Dalalka Itoobiya iyo Kenya
Hargaysa (Oodweynenews)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabeayaa maanta socdaal ugu kicitimay dalalka Kenya iyo Itoobiya, halkaas oo la sheegay inuu kula kulmi doono wakiilada dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo dimuqraadiyada, kuwaas oo la sheegay inuu Gudoomiyuhu ka helay marti qaad rasmi ah sida lagu sheegay warsaxaafadeed xisbigaas ka soo saaray socdaalka Gudoomiyaha.
Waxa kale oo warsaxafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID C/naasir Cismaan Yuusuf (Qodox) lagu sheegay inuu Gudoomiyuhu Magaalada Addis abab kula kulmi doono safiirka ingiriiska u fadhiga Itoobiyaha iyo madax dalkaasi.
War-saxaafadeedkaas oo dhamaystirnina waxa uu u qornaa sidan:-
“Xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCIDwaxa uu manta ku soo qaadanayaa warsaxaafadeedkiisan safar uugudoomiyaha xisbiga UCID ahna musharaxa jagada madaxweynenimadaxisbiga UCID uu ugu kicitimay wadamada Ethiopia iyo Kenya, Maanta oo aytaariikhdu tahay 11/10/09 abaaro 10:00 subaxnimo waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada hargaysa ka dhoofay gudoomiyaha xisbiga ucidisaga oo martiqaad rasmi ah ka helay wadama donors ka ee xaruntoodutahay magaalada Nairobi ee dalka kinya, martiqaadkan ay wadamadadonors ku u fidiyeen gudoomiyaha xisbiga UCID.
Wuxuu kala hadli doonaa qodobadan soo socda, xogwaran ku saabsan xaalada wadanku manta uu maraayo sidii loogu diyaargaroobi lahaa arimaha doorashada iyo in aydiyaariyaan kharashka ay badanaa ku bixiyaan arimaha doorashooyinka oodhan 75% in aanay xagooda ku baaqanin oo ay sida ugu dhakhsaha badan udiyaariyaanin dhaqaale wadanka soomaliland la siiyo maadaama wadanku xoolihii aydhoofin jireen la joojiyay ,dhaqaalaha aduunka ee hoos u dhacayna uusaamayn wayn ku yeeshay wadankain ha,yadda UNDP xafiis cusub ka furtaan gobolka togdheer gaar ahaanmagaalada burco si ay mashaariic xaga horumarinta ah ay ka hirgaliyaanmagaalada burco iyo gobolada bariba ,maadaama aanay hada wax mucaawimo ahi aanay gaadhin wadamada bariga, iyada oo magaalada burcana ay badibaka tahriibeen dhalinyaradii inta soo hadhayna in loo sameeyo mashaariic horimarineed, ille dhaqaale iyo shaqo abuuriseedin soomaaliland laga qaado number 4KA xaga securet levelka ah ee aysaareen qaramada midoobay qaraxii argagixiso ee magaalada hargaysa kadhacay 29/10/2008 ka dib oo ay ku soo celiyaan levelkeedii hore eexaga sucuretka maadaama ay soomalailand ka nabadgalyo fiican tahay wadamo badan oo ka mid ah dunida.
Qodobadas iyo kuwo kale oo ku saabsan arrimaha soomaaliland ayay kawada hadli doonaan gudoomiyaha muddada uu ku sugan yahay safarkiisanWaxa kale oo uu gudoomiyuhu uuu la kulmi doonaa muddada uu joogomagaalada Nairobi ,safaarado badan oo reer yurub ah , safiirkamaraykanka (USA) u fadhida magaalada Nairobi,iyoaqoonyahanka,ganacsatada ,waxgaradka reer soomaaliland eek u suganmagaalada nairobiintaas ka bacdi gudoomiyuhu waxa uu soo mari doonaa wadanka Ethiopiahalkaas oo uu kula kulmi doono safaaradaha ingiriiska (UK) iyowaliba madax sarsare oo ka tirsan wadanka Ethiopiawaa markii labaad ee madaxda sarsare ee xisbiga UCID ay martiqaadka helaan wadamada donorska sanadkan gudihiisa.”
oodweynenews.com/Office
Muxuu Daaran Yahay Safarka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ugu Amba
Moderator: Moderators
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 537 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 0 Replies
- 393 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 389 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 14 Replies
- 681 Views
-
Last post by metamorphosis
-
- 3 Replies
- 614 Views
-
Last post by afisoone
-
- 4 Replies
- 484 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 2 Replies
- 502 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 344 Views
-
Last post by kaliil
-
- 14 Replies
- 1078 Views
-
Last post by fagash_killer