Ciimada Amaanka Burco Oo Maanta Gacanta-ku-dhigay Ninan Ku Hawlanaa Falal Is-garxin Ah Iyo Walxaha Is-qarxinta Oo Dhamaystiran
Burco (Oodweynenews)- Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Md. Jaamac Cabdilaahi Warsame [Biin], ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidanka amaanku hawlgal ay sameeyeen ku soo qabteen dad ku hawlaan falal la xidhiidha is-qarxin la-la damacsanaa xarunta gobolka Togdheer ee Burco, kuwaas oo lala soo qabtay walxo badan oo iskugu jira waxyaabaha qarxa iyo qalabkii lagu farsamaynayey.
Waxaa kale oo Gudoomiyuhu sheegay, in hawlgal kan lagu fashiliyey dadkaa is-qarxinta maaganaa ay fududaysay talaabooyin baadhitaano ah oo ay ciidanka boolisku maalmihii ugu dambeeyey ka wadeen magaalada Burco, ka dib markii la helay wararka la xidhiidha jiritaanka dad ku hawlan in falal ar-gagixiso ah laga fuliyo goobaha mihiimka ah ee ku yaala magaalo madax-da Gobolka Togdheer ee Burco.
Md. Jaamac Cabdilaahi Biin waxaa uu sidan ka sheegay mar uu maanta u waramayey laanta af-ka somaliga ee idaacada BBC-da. “Waxaa la qabtay oo la daba-socday niman budheeyey nin yidhi muslimku xaqa ah ku dagaalamo, xaq darrada-na ah iska daayo, oo dadka lugaha iyo gacmaha la jarayaana waa xaaraan ee ah la iska daayo. Sidaas awgeed daba galkaygu waxaa uu ahaa in la soo qabto labadaa nin, waxaana saaka subaxnimadii la soo qabtay mid ka mid ah kaas oo ay ciidanka amaanku ugu galeen gurigiisa kuna jabiyeen, waxaana loogu tagay qalabkii wax lagu qarxinayey oo dhan.” sidaas waxaa yidhi Guddoomiyaha Togdheer.
Waxaana uu intaas raaciyey Gudoomiyuhu hadalkiisa oo uu yidhi “Waxaa qabashadda ninka gacan weyn ka siiyey booliska dadweynaha reer Burco, waxaana ay shacabku aad ugu mushquuleen in waxani ahaa wax aanay filayn, imikana waxaan leeyahay shacabka dadka waxaa sita ee dhibaatada wada ee muslimka gubaya ha la qabto.”
Gudoomiyuhu waxaa uu mahadnaqay dadweynaha reer Burco oo ku tilmaamay muwaadiniin dalkooda jecel “Dadweynaha reer Burco waxaan ugu mahadnaqayaa sida wanaagsan ee ay u la shaqeeyeen ciidanka booliska, immikana waxaan leeyahay [reer Burco], haday taasiba dhacday waxyaabo kale oo badan ayaa jiree dadyahow idinkaa is oge oo is arki kara bileyskiina la shaqeeya waxaana tihiin muwaadiniin dalkooda jecel” Gudoomiyuhu waxaa intaas ku daray inay qabteen nin kale oo isagana baadhisi ku socoto kaas oo looga shaki qabo in uu qayb ka yahay falal ar-gagixiso ee la la damacsanaa.” Ayu yidhi Gudoomiye Jaamac Biin.
Dadweynaha reer Burco ayaa ilaa maanta si weyn ugu hawlanaa hadal-haynta dadka loo qabtay falalkaas is-qarxinta ah, iyaga oo dareenno cadho leh ka muujiyey kuna baaqay in tallaabo adag laga qaado dadkaas.
Qabadasha nimankan ayaa ku soo beegantay xilli dhawaan magaalada Haragaysa laga qabtay nin isaguna haysta qalab fara badan, oo ka kooban walxaha loo adeegsado falalka is qarxinta.
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland
Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com
http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=11304
Ciimada Amaanka Burco Oo Maanta Gacanta-ku-dhigay Ninan Ku H
Moderator: Moderators
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
-
Dhaga Bacayl
- SomaliNet Super

- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: Ciimada Amaanka Burco Oo Maanta Gacanta-ku-dhigay Ninan Ku H
Excute them in public. No trial should be granted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 488 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 20 Replies
- 1133 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 4 Replies
- 851 Views
-
Last post by samatar133
-
- 2 Replies
- 413 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 0 Replies
- 237 Views
-
Last post by A.A.GULLEID
-
- 6 Replies
- 794 Views
-
Last post by zingii
-
- 0 Replies
- 275 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 317 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 19 Replies
- 3438 Views
-
Last post by hargaysaay