Cape Town – South Africa (SMC) - Galabnimadii shalay ee salaasada ayaa 4 nin oo burcad ah kuna hubeysan bastooaldo ay soo weerareen dukaan ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah oo ku yiilay xaafada Khayelitsha ee ku taalla duleedka Magaalada Cape town.
Burcada ayaa rasaas ooda kaga qaaday laba dhalin yaro ah oo dukaanka ku jiray halkaana waxa ay ku dileen alle ha’u naxariistee marxuun Cabdi Xuseen Xalane oo ku magac dheeraa (Goobe) oo ay rasaastu kaga dhacday dhinaca wadnaha, waxayna dhaawaceen saaxiibkii Cabdikariin Abshir oo ay isagana rasaastu uga dhacday dhabarka hase ahaatee uu dhaawaciisu yahay mid fudud.
Durbadiiba kooxihii Burcada ahaa ayaa goobta ka baxsaday iyagoo aan dukaankii waxba ka boobin, dhacdadan ayaa u eg mid ka mid ah dilalka qorsheeysan ee lagula kaco muwaadiniinta soomaalida ah ee ku ganacsata goobaha uu amaankoodu aadka u liito.
Waxaa isla markiiba usoo gurmaday soomaali kale oo iyaguna meel an sidasi uga fogeyn ku lahaa ganacsiyo kale oo dhaawicii halkaasi ka qaaday, booliska ayaa goor dhambe soo gaaray goobtaasi oo meydkii marxuun cabdi xuseen u qaaday isbitaal halkaasi u dhawaa waxayna boolisku ku wargeliyeen eheleda marxuunku inay kasoo doontaan Isbitaalka si ay meydka marxuunka u aasaan maanta.
Cilmi Xuseen Coloow oo u waramay kuna sugnaa dukaankii uu dilka iyo dhaawacuba ka dhacay ayaa sheegay in ay aad uga walaacsanyihiin arintan lasoo daristay wuxuuna sheegay in dukaanka ay dhimashadu ka dhacday uu furnaa 3 sitimaan oo kaliya marxuunka dhintayna uu la joogay iyaga 11 maalmood.
Dhacdooyinkan ayaan ku cusbeyn soomaalida oo waxa dalkan ku nafwaayay soomaali fara badan oo boqolaal gaareeysa, hadana sidaasi oo ay tahay waxaa wadankan kusoo qul-qulaya soomaali fara badan oo in ay wadankaan yimaadaan kusoo qarash gareeya kumanaan dollar iyo waliba in ay halis u galiyaan naftooda sidii ay wadankan ku iman lahaayeen.
Waayo waxa ay soo maraan waddo aad u dheer oo bad iyo bariba leh’ oo ay kusoo rafaadaan mararka qaar waxa ay mutaan xabsiyo dhaadheer oo ay soomaali badan ku geeriyoodeen qaarna ku indha beeleen halka qaar kale ay ka qaadeen cudurada maqaarka iyo qaaxada, marka ay halkan yimaadaana waxa usii dheer amaan daro iyo shaqo la’aan.
Somaliweyn.org
I dont know if there are any other ethnic group who are killed every month in SA, but the violence against our fellow countrymen shocks me.
Somali: the most hated ethnic group in South Africa
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- SomaliNetizen
- Posts: 303
- Joined: Thu Jan 17, 2008 12:21 pm
Re: Somali: the most hated ethnic group in South Africa
what do you expect from fufu's those somalis should leave south africa somalidu wexey rabaan ineey maal galiyaan wadan eyy laheyn hadhowna weyni unayaan
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 75 Replies
- 10394 Views
-
Last post by bareento
-
- 91 Replies
- 13981 Views
-
Last post by GalliumerianSlayer
-
- 3 Replies
- 1319 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 781 Views
-
Last post by highclass
-
- 14 Replies
- 1412 Views
-
Last post by InaSamaale
-
- 26 Replies
- 2866 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 24 Replies
- 4047 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 35 Replies
- 2448 Views
-
Last post by AwdalPrince