Page 1 of 1

Mogadishu: 100 Somali Students Granted Scholarship + PICS

Posted: Wed Oct 14, 2009 1:52 pm
by Somalian_Boqor
Dowladda KMG Soomaaliya oo munaasabad sagootin ah maanta u sameysay ku dhowaad 100 Arday ah oo helay waxbarasho Jaamacadeed oo lacag la’aan ah


Image

Munaasabad ballaaran isla markaana sagootin ah ayaa maanta ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya, iyadoo halkaasina ay goob joog ka ahaayeen 90 Arday Soomaaliyeed ah isla markaana nasiib u yeeshay inay helaan Waxbarasho Jaamacadeed oo lacag la’aan ah taasoo ay ugu deeqday dowladda Yemen.Munaasabaddan sagootinta ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Hiddaha iyo Taclinta sare ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, Wasiirka Waraada Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Safiirka Dalka Yemen ee Somalia, Wasiiro iyo bahda saxaafada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ardaydan u jeediyay dardaaran xoogan isagoo kula dardaarmay inay noqdaan dad si wanaagsan wax u barta, isagoo tilmaamay inay yihiin dadkii berri hogaamin lahaa dalkeena, wuxuuna si gaar ah ammaan ugu jeediyay wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sare isagoo ku tilmaamay Caadil si nadiif ah u soo xulay Ardaydan. Wasiirka oo goobta ka hadlay ayaa isaguna xusay inaan loo eegin Ardadan Qabiil, Qolo iyo Qoys midna isla markaana lagu soo xulay aqoontooda iyo kartidooda, isagoo tilmaamay in dhamaan Ardaydani ay Imtixaan u galeen sidii ay u heli lahaayeen Waxbarashadan Jaamacadeed ee ay ku deeqday dowladda Yemen, balse aan lagu soo xulin si musuqmaasuq ah
“Minxo iibsi dambe waa dhamaaday, Shahaado Suuqa laga iibsado dambe waa dhamaatay, Laaluush bixin dambe waa dhamaatay, Deeq waxbarasho oo la musuq maasuqo waa dhamaatay waxaan u siineynaa si nadiif ah oo alle ka cabsi leh deeqaha Ardaydeena Soomaaliyeed” ayuu yiri Prof. Caddow wuxuuna dhanka kale caddeeyey inay jiraan balanqaadyo deeqo kale oo waxbarasho oo soo socda isagoo ka xusay balanqaad uu sameeyey Dalka Suudaan.
Mid ka mid ah waalidiinta Ardaydan ayaa ku tilmaamay arrin farxad weyn ugu fadhisa in wiilkiisa oo uusan u awoodin waxbarasho Jaamacadeed isla markaana xittaa Ticket-ka diyaaradda ay culeys weyn ku tahay inuu u helo waxbarasho Jaamacadeed, isagoo xusay inuu mar hore dhameeyey dugsiga sare balse uu muddo guriga isaga fadhiyay Jaamacad la’aan maadaama uu awoodi waayay inuu qarash ku bixiyo. Sidoo kale, C/raxmaan Maxamed C/qaadir oo ah mid ka mid ah Ardaydii maanta nasiibka u helay deeqdan waxbarasho ee Jaamacadeed ayaa uga mahadceliyay dowladda sida nadiifka ah ee ay ugu soo gudbisay ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaana wuxuu u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare isagoo sheegay in wasiirku uu yahay Wasiirkii ugu horeeyey ee si daacad ah u soo gaarsiiya deeqaha waxbarasho isagoo tilmaamay inay har iyo habeenba ku dedaali doonaan inay waxbartaan, si ay mustaqbalka u noqdaan hogaanka ummadda isla markaana sida daacada ah ee loo siiyay deeqdan ay ugu shaqeyn doonaan mustaqbalka dalkooda iyo dadkooda.
Ugu dambeyntiina, R/wasaaraha oo aad ula dhacay ruwaayad yar oo ka tarjumeysay sida musuq maasuqa ah ee deeqihii waxbarasho loo adeegsan jiray iyo sida haatan wasiirkan cusub ee Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliintu uu daacada ugu qeybiyay ayaa ku booriyay Majaajiliistayaashii inay badiyaan ruwaayadaha noocan oo kale ah oo bulshada faa’iidada weyn u leh si degana wax u fahansiinaya siyaasiyiinta Soomaalida isagoo uga mahadceliyay soo bandhigidooda.

Image

Image

Image

Image

Image

Re: Mogadishu: 100 Somali Students Granted Scholarship + PICS

Posted: Wed Oct 14, 2009 1:55 pm
by Somaliman50
halyeey ibrahim caddow :up:

Re: Mogadishu: 100 Somali Students Granted Scholarship + PICS

Posted: Wed Oct 14, 2009 1:58 pm
by The Nomad
Stop copy/pasting threads, waryaa :down:

Re: Mogadishu: 100 Somali Students Granted Scholarship + PICS

Posted: Wed Oct 14, 2009 2:18 pm
by Militant
Professor Caddow waa regeedi. :up:

Re: Mogadishu: 100 Somali Students Granted Scholarship + PICS

Posted: Wed Oct 14, 2009 7:28 pm
by FAH1223
Militant wrote:Professor Caddow waa regeedi. :up:
he looks so much older :shock:
i remember seeing him around here when he was at AU, right? damn

Re: Mogadishu: 100 Somali Students Granted Scholarship + PICS

Posted: Wed Oct 14, 2009 7:32 pm
by Militant
Poor guy probably has gotten himself in to more mess than he was up for.

He should quit Shariif's retarded government. That dream is long dead.

Re: Mogadishu: 100 Somali Students Granted Scholarship + PICS

Posted: Wed Oct 14, 2009 8:05 pm
by FAH1223
Militant wrote:Poor guy probably has gotten himself in to more mess than he was up for.

He should quit Shariif's retarded government. That dream is long dead.
he should go back to teaching, does he teach at the mogadishu uni or the local schools

i heard he went back to somalia to build a school right

Re: Mogadishu: 100 Somali Students Granted Scholarship + PICS

Posted: Wed Oct 14, 2009 11:04 pm
by paidmonk
Good on those kids but which warlord will strip them of their hard work?

Re: Mogadishu: 100 Somali Students Granted Scholarship + PICS

Posted: Thu Oct 15, 2009 12:23 am
by galia
Militant wrote:He should quit Shariif's retarded government. That dream is long dead.
And you would all tell us to support al-shabaab :lol:

VIVA to the government of somalia and keep getting stronger :up: :som: :rose:

Re: Mogadishu: 100 Somali Students Granted Scholarship + PICS

Posted: Thu Oct 15, 2009 6:00 am
by Executive
FAH1223 wrote:
he should go back to teaching, does he teach at the mogadishu uni or the local schools

i heard he went back to somalia to build a school right



He used to teach at this university http://www.benadiruniversity.net

I think he was the dean at some point not sure though.