Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadalo Fool-xun Oo Ka Soo Yeedhay Garaad Ay Kasoo Wada-jeedaan Gobolka Sool
Hargaysa (Oodweynenews)- Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faaraxa, ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalo dhaleecayn iyo meel-ka-dhac isugu jira oo Garaad Jaamac Garaad Cali u soo jeediyey dawlada Somaliland, isaga oo garaadku ku andacooday in Somaliland ku soo duushay Gobolada bariga Somaliland ee Sool iyo Sanaag Barri.
Gudoomiye ku xigeenkalabaad ee Golaha Wakiiladu waxa uu sheegay in Garaadku ku hadlay wax aan looga fadhiyin in qofka madax-dhaqameed ahi ku hadlo, isaga oo ku eedeeyey in uu i Garaadku wado kicin iyo abaabul dagaal oo aan haba-yaraatee wax dani ugu jirin dadka deegaankaas ku nool.
Waxana Md. Baashe uu sidan ka sheegay xog-waran kooban oo uu galabta siiyey laanta afka Somaliga ee Idaacada BBC-da, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Garaadku waa garaadkaygii [Garaad Jaamac] waana ana dhegaysanayey hadalkiisii, hadalo badan oo aan looga baran garaadada ayaa ku jiray. Waxa weeye Sool waxa ay ka mid tahay Somaliland oo Garaadkuna waa ogyahay, wuxuum-baanu u qaadanaynaa hadaladiisaa kuwo uu dadka uun ku kicinayo, hasayeeshee wax allaale iyo wax ay faa’ido keenayaan ma jiro.”
Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Shirka lagu qabtay Nairobi waxaanu u aragnaa shir dhaqaale lagaga raadsanayo Hay’adaha Nairobi degan, wax uu u soo kordhinayo Sool, Sanaag iyon Cayn midna ma jirto.”
Mar uu Gudoomiye Baashe ka hadlayay gacan-ku-haynta maamulka deegaanadaas waxa uu yidhi “Waxaa weeye deegaankii ayaanu nahay, deegaanka waxaa jooga Ciidamo dhulbahante ah oo halkaa u dhashay, waxa xukuma ee guud ahana maamulka deegaanka gacanta ku hayaa waa dadkii halkaas u dhashay.”
Waxaana uu intaa ku ladhay oo uu yidhi “Waxa layaabka leh waa hadalada ka soo yeedhe Garaad oo dadka inay sii kala fogayso mooyee, wax allaale wax faa’id o ah oo ay dadka u leedahay ma jirto, colaad ayuumbuu sii kordhinayaa, afka uu ku hadlayaana maaha afkii garaadada looga bartay oo wilaba isaga oo ina Garaad Cali Ah hadaladaa in uu ku hadlaa waa ceeb.”
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland
Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com
Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Oo Si Kulu
Moderator: Moderators
- MrPrestige
- SomaliNet Super
- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 10 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 374 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 395 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 1 Replies
- 384 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 376 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 391 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 2 Replies
- 239 Views
-
Last post by COSTA
-
- 11 Replies
- 64 Views
-
Last post by djibsomali
-
- 2 Replies
- 414 Views
-
Last post by Siciid85