Barnaamij Aanu Ka Diyaarinay Wax-qabadka Ururka SYS Burco I

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Barnaamij Aanu Ka Diyaarinay Wax-qabadka Ururka SYS Burco I

Post by MrPrestige »

Barnaamij Aanu Ka Diyaarinay Wax-qabadka Ururka SYS Burco Iyo Kaalinta Uu Kaga Jiro Dadaalada Horumarinta Dhalinyarta Gobolka Togdheer + SAWIRO




Hargaysa (Oodweynenews)- Ururka SYS [Soamliland Youth Society] waa Urur ka mid ah Ururada ugu wax-qabadka ballaadhan Gobolka Togdheer, waxaana xaruntiisu ku taalaa magaalo madaxda Gobolka ee Burco. Waxaana wax-qabadkiisa ugu badani la xidhiidha horumarinta baahiyaha asaasiga ah ee dhalinyarada iyo weliba ta guud ee Bulshada.

Waxaa ii suurta-gashay mar aan dhawaan safar ku tegay magaalada burco in aan booqdo xarrunta guud ee ururka, aniga oo halkaas kula kulmay Gudoomiyaha ururka Cabdifaraax Cali Axmed iyo Progarram Coordinator-ka Ururka Maxamed Aadan Xaaji Diiriye, waxaana labadoodaba aan ka xog-waraystay inay ka waramaan jeedadii ay u asaaseen Uruka, wax-qabadyada kala duwan ee ay fuliyaan, waxyaabaha ilaa hadda u qabsoomay iyo arrimo kale badan oo badan.

Ugu horayn Gudoomiyaha Ururka SYS Cabdifaraax Cali Axmed ayaan waxa aan su’aalay in uu ka xog-bixiyo sababtii ay u asaaseen Ururkooda iyo weliba wakhtigii ay sameeyeen waxaana uu ku jawaabay oo uu yidhi “Ururkana SYS [Somaliland Youth Society] waxaa la as-aasay 2001-dii, waxaana uu leeyahay Afar waaxood oo waa-weyn, kuwaas oo ay ka mid yihiin; waaxda waxbrashada, ta caafimaadka iyo wacyi-gelinta HIV/AIDS-ka, ta xuquuqal iinsaanka iyo ta Ciyaaraha. Haddii aan ka hadlo ujeedooyinka aanu u asaasnay Ururka waxaa ugu muhiimsanaa markii aanu aragnay baahida ay dhalinyaradu u qabaan in loo sameeyo Urur si uu uga jawaabo duruufihii adkaa ee wakhtigaa jiray oo ay ka mid ahayd waxbarasho la’aantii wadankan ka taagnayd, isku xidhnaan la’aantii xagga dhalinyarta ka jirtay, baahidii ay dhalinartu u qabto. Markii la arkay dhibaatada maandooriyaasha ee aadka ugu badanaysa dhalinyarta dhexdeeda, ayaa waxaanu markaas go’aansan-nay in aanu Ururka as-aaso, annaga oo markaas muhiimada siinaynay sidii wax uga qaban lahayd baahiyaha aan soo sheegay.” Ayuu yidhi Cabdifataax Cali,


Image

Waxaana uu intaa raaciyey isaga oo ka hadlay himilada uu Ururku hiiganayo, “Himilada ugu weyn ee ururku leeyahay waxa ay tahay in la arko dhalinyarada Gobolka Togdheer oo ka xor ah, mukhaadaraadka, jahliga [aqoon la’aanta], qabyaalada iyo waxa la midka ah ayay riyada iyo himilada Ururku yahay. Waddada aanu u maraynaa waxa weeye in aanu u marno ciyaaro, iskuulo wax lagu barto, goobo lagu madadaaloodo oo ay aqoontooda iyo macluumaadka isku waydaarsadaan, in aanu wacyi-gelinta bulshada kor-u-qaadno.”

Gudoomiyaha waxa aanu sii waydiinay sida ay urur ahaan uga hawl-galaan wax ka qabashada muskilada tahriibka, waxaana uu u ku jawaabay “ Waa runtaayoo arrinta ugu darran ee dhalinyarta Gobolka togdheer haysataa waa Tahriibta, sida aad ka warhaysana magaalada Burco ama Gobolkan togdheer waa meesha ugu daran ee dhalinyartu ka tahriibaan, waxaana sabab u ah arrimo badan oo ay ka mid yihiin duruufaha waxbarasho la’aanta, shaqo la’aantii oo aad u xoogan oo laga yaabo in qofka dhalinyarta ahiba aanu helin fursad uu burco kaga shaqeeyo, oo xitaa meel uu wax ka barto ayaaba cidhiidhi ku ah oo dhawaan ayaaba Jaamacada Burco la furay. Waxaana aanu arrintaa tahiibka aanu ka samay barnaamijyo wacyi-gelin ah oo aanu dhalinyarta ugu sheegayso khatarta ay leedahay tahriibku, in ay dad badan galaafatay oo ay ku dhinteen, in xitaa marka la tahriibo ee Yurub la tago in qofku sida Burco uun uu meel iska fadhiisanayo oo wax badan oo meesha yaalaaba aanay jirin.”

Cabdifataax waxa uu ka xog-waramay muskilada qaadka oo uu tilmaamay inuu u baahan yahay awood weyn oo wax lagaga qabto,"Waxaa kaloo aafo ah oo iyana jirta mushkilada Qaadka, oo runtii ah wax u baahan awood weyn oo wax lagaga qabto oo meel kasta Gobolka wuu ka soo gelayaa, wakhti kastana wuu soo gelayaa. Markaa arrintaana aad ayaanu dhalinyarta ugu wacyi-gelinaa, oo xitaa maamulka Gobolka waanu kala hadalnay in wakhi go’an loo sameeyo sida in labada duhurnimo oo kale la soo geliyo. Xaruntan-na waxaanu u samaynay bal in aanu xitaa dhalinyarta kaga mashquulino qaadka, oo intii ay qayili lahaayeen inay ku ciyaaraan oo ay wax ka daawadaan ayaanu u samaynay.”

Su’aasha ugu dambaysa ee aan Cadbifataax waydiiyey waxa ay tahay waxa uu u soo jeedinayo guud ahaan dadweynaha u dhashay Gobolka Togdheer ee daafaha caalamka ku kala nool, waxaana uu ku jawaabay oo uu yidhi “Horta marka hore guud ahaan bulshada reer Somaliland waxaan u soo jeedin lahaa kuwa dibada jooga iyo kuwa gudaha joogaba, waxa weeye waxaa lagu jiraa wakhti adag oo waddanku u baahan yahay cid wax u qabata, wax-qabadkuna maaha wax weyn oo la qabto ee xitaa waxaa ka mid ah qof qudha oo aad kala talisay in uu qaadka iska daayo, waxaan ku dhiiri-gelin lahaa in ay ka qayb-qaataan mashaariicda la wado ee wadanka lagu horumarinayo, oo ay weliba aad u taageeraan Ururada dhalinyarada ee arrimahaas ku mashquulsan, oo runtii taageerada la siiyaa ay aad u yartahay, waana in ay ogaadaan haddii aan dhalinyarta la geerin in mustaqbalka wadanku uu lumayo. Waa in la dadaalo oo la is kaashado oo dhibaatooyinkaas faraha badan wax laga qabtaa.”

Waxa uu si gaar ah ugu soo jeediyey dadka reer Togdheer ee Qurbe-jooga ah, “Waxaan si gaar ah ugu soo jeedinayaa oo aan ka codsanayaa qolyahaa Jaaliyadaha ah in ay dhalinyarada taageeraan oo ay wax la qabtaan, waayo way yihiin barnaamijyada ay xaggaas ka keenaa, metelan qofku marka uu soo noqonayo wuu iska soo degayaa
Image

Maxamed Aadan Xaaji Diiriye waa Program coordinator-ka Ururka SYS, oo aan isna kula kulmay xarunta ururka ee magaalada Burco, ayaa waxa aan wax ka wadiyey waxayaabaha ay Urur ahaan qabtaan ama qabteen waxaana uu ku jawaabay oo uu yidhi “Ururka SYS waxa la asaasay 2001-dii ilaa wakhtigaas ururku waxa uu ku guulaystay in uu wax ka qabto oo uu hawlig-geliyo xarunta weyn ee dhalinyarta ee magaalada Burco oo la yidhaaso ‘Burco Touth Multi purpose center,’ oo u adeegta dhalinyarta gobolka Togdheer gaar ahaan Burco. Waxaana xaruntu qabataa waxbaabo badan oo ku saabsan adeega dhalinyarta, waxa xarunta ku yaala Garoon weyn oo loogu talo-galay in dhalinyartu ku ciyaarto Kubadda gacanta [Pasket ball] iyo Valy ball-ta, waxaa yimaada dhalinyaro badan oo daafaha magaalada Buco ka kala yimaada.”

Image


Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Xaruntu waxa kale oo ay qabataa waxa ay bixisaa waxbarasho bilaash ah oo la siiyo caruurta yar-yar ee aanu waalidkoodu lacagta iskuulka ka bixin karayn iyo wabarashada dadka waa-weyne ee aan jaanis u helin inay yaraantoodii wax bartaan. Xarunta waxa ay leedahay maktabad lagu akhisto buugaagta oo waxaa yaala buugaag badan oo kala duwan, isla markaana dhalinyaro badan oo reer burco ah ayaa ka faa’idaysta.”

Image

Maxamed Aadan waxa uu intaa ku ladhay oo uu yidhi “Waxaa kaloo xarunta yaala qalabka jidh-dhiska oo dhalinyaro badan ayaa ka faa’idaysta, waana meesha keliya ee magaalada Burco ay yaalaan qalabka lagu jimicsada. Xaruntu waxa ay bixisaa oo kale doodo iyo barnaamijyo kala duwan oo dhalinyarta loo qabto, kuwaas oo ku saabsan hadba waxa taagan ama kor loogu qaadayo waxbarashada, wacyi-gelinta AIDS-ka, xaruntu waxa ay dhalinyarta siisaa la talin ku tacaluqa sidii dadnimadoodu u dhismi lahayd. Xaruntu waxa ay u doodaa dhalinyarta ama ka qayb-qaatadaa sidii dhalinyartu shaqo u heli lahayd, sidii ay wada wanaagsan ee horumarka ah ugu hagaagi lahaayeen. Xaruntu waxa ay dhalinyarta ka wacy-gelisaa isticmaalida qaadka, Sigaar iyo wixii la hal-maala. Xaruntu waxa ay samaysaa barnaamijyo ku waajahan joojinta qaadka iyo sidii dhalinyartu uga qayb-qaadan lahaayeen ilaalinta nabada iyo sugideeda.” Ayuu yidhi Maxamed Aadan Xaaji Diiriye.

Image


Maxamed Aadan waxa uu sheegay in xarunta ay taageero ka gaystay Hay’ada UNICEF, UNPOS, Somali Teacher Association oo ah Jaaliyad degan London ayaa iyaguna dhinaca buugaagta ka taageeray, inkastoo laba Hay’adood laftoodu ay bugaag badh naga taageereen.

Waxa kale oo uu sheegay in ay dhalinyarta gobolka Togdheer ay si weyn uga wacyi-geliyeen khatarta tahriibka, isla markaarna inay xooga saareen sidii ay dhalinyarta iyo madaxda Gobolkan isugu xidhi lahaayeen, si loo yareeyo dhibaatada tahriibka.

Ugu dambayntii waxa uu u soo jeediyey guud ahaan dadweynaha reer Somaliland ee daafaha caalamka ku kala dhaqan in xooga saaran sidii wax looga qaban lahaa baahida dhalinyarta, isla markaana loogu diyaarin lahaa inay ka qayb-qaataan dadaalada loogu jiro horumarka wadanka.


Image


Image


Image






C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland

Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com



http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=11383
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”