Maamulka Degmada Afgooye oo maamulka Puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Maamulka Degmada Afgooye oo maamulka Puntland

Post by sheekh-Farax-zero »

Maamulka Degmada Afgooye oo maamulka Puntland usoo Gacan-galiey Eedaysane Dhawaan nin reer Puntland ku jar-jaray Garoowe

Mogadishu Saturday 17 October 2009 SMC

Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay Dowlada Puntland maalin ka hor usoo gacan-Geliyeen eedaysane Dowlada Puntland baadi goobeysay bilihii u danbeeyey kaas oo ku eedaysanaa in uu xub-xubin u jar-jaray muwaadin reer Puntland.

Eedaysane Cumar Maxamed Xaaji Cusmaan oo 28 sano jir ah ayaa dowlada Puntland baadi goobeysay bilihii u danbeeyey waxaana laga soo qabtay Degmada Afgooye todobaadkii tagay halkaas oo uu deegaan ahaan u degenaa waxaana soo gacan-geliyey maamulka islaamiga ah ee halkaas ka jira.

Taliska Qeybta Booliska ee Gobolka Mudug ayaa eeaysanhaasi oo diyaarad lagu waday kasoo gelbiyey Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo,waxaana uu xalay ku hoyday Magaalada gaalkacyo halkaas oo saaka laga ka xeeyey loona kaxeeyey dhanka Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Mudug Col. Muuse Axmed C/raxmaan (Xasaasi) ayaa saxaafada u sheegay in xiriir ay lasameeyeen Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay ka danbaysay soo qabashada ee eedaysanahaasi waxaana uu sheegay in uu maanta u gudbiyey dhanka gobolka Nugaal oo uu ku eedaysnaa in uu danbi kasoo galay.

Cumar Maxamed Xaaji Cusmaan waxa uu bishii hore dilay nin u dhashay Gobolka Nugaal ee Puntland kaas oo uu hilibkiisii jar-jaray kabacdina uu ku riday bacmadow,waxaan laga dhex helay Xubnaha ninka ladilay barkad ku tiilay Xaafadiisa,ninkan uu dilay Cumar Shaqaale ayuu u aha waxaana uu ugu shaqeynayey Guri uu ka dhisanayey Garoowe,waxaa sidoo kale Boolisku ay sheegen in ninkani uu Dhacay Lacag gaaraysa 10,ooo$ (Tobon-Kun oo Doolar),oo uu lahaa Marxuumka Dhintay.

Horay ayaa maamulka Puntland waxaa ay Gacanta ku soo dhigeen labo nin oo kale oo ayaguna lagu sheegay in ay Falkaasi ka qeybqaateen,waxaana mid kamid ah lagu soo qbatay Magaalada Gaalkacyo.

Somaliweyn Media Center “SMC”
User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Maamulka Degmada Afgooye oo maamulka Puntland

Post by gemini07 »

Cumar Maxamed Xaaji Cusmaan waxa uu bishii hore dilay nin u dhashay Gobolka Nugaal ee Puntland kaas oo uu hilibkiisii jar-jaray kabacdina uu ku riday bacmadow,waxaan laga dhex helay Xubnaha ninka ladilay barkad ku tiilay Xaafadiisa,ninkan uu dilay Cumar Shaqaale ayuu u aha waxaana uu ugu shaqeynayey Guri uu ka dhisanayey Garoowe,waxaa sidoo kale Boolisku ay sheegen in ninkani uu Dhacay Lacag gaaraysa 10,ooo$ (Tobon-Kun oo Doolar),oo uu lahaa Marxuumka Dhintay.
-------------------------------------------------------------


:shock: Waa wareey . $10,000 buu nin uu jar jaray .Mooryaan :down:
User avatar
abdi342
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 250
Joined: Sat Nov 01, 2008 9:14 pm

Re: Maamulka Degmada Afgooye oo maamulka Puntland

Post by abdi342 »

good job! Ninki nin dilaa waa la dilayaa fakan mayo.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”