Goob Lagu Xanaaneeyo Caruurta [OODHFANO] Oo Laga Furay Magaa

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Goob Lagu Xanaaneeyo Caruurta [OODHFANO] Oo Laga Furay Magaa

Post by MrPrestige »

Goob Lagu Xanaaneeyo Caruurta [OODHFANO] Oo Laga Furay Magaalada Ceerigaabo +SAWIRO


Ceerigaabo (Oodweynenews)- Xarun aan hore nooceedu uga jirin guud ahaan Gobolka Sanaag, ayaa shalay laga furay magaalada Ceerigaabo, taas oo lagu xanaanayn doono caruurta Oodhfanada ah iyo weliba kuwa aan helin daryeelka wanaagsan ee ay asiibto nafaqodaradu, waxaana goobtan furay ururka samafalka ee magaciisa la yidhaahdo GARGAARA.

Ururkan oo ah mid isagu iskii isku xilsaaray hawshan ka dib markuu arkay dhibaatada ba’an ee haysata dhalaanka aan lahayn labada waalid {OODHFANADA}iyo kuwa aan haysan daryeelka fiican iyadoo weliba lagula kaco caruuraha yaryar ee aan sida caadiga u dhalan ee loo yaqaan oodhfanada tacadiyo aad u xun xun oo aan xuquuqda aadanaha meelna an ka soo gelin tacadiyadaa oo ay ugu waaweyn yihiin in naftooda xataa qaar la waasiiyo oo ay magaalada ka dhici jirtey in ilmoyaal dhashay inta la dilo oo weliba la qurbo daasado lagu soo rida jirey oo suuqa lagu soo tuuri jirey taas oo ay sababi jirtey iyadoo aanay magaaladu lahayn meel ay geeyaan oo lagu xanaaneeyo.





Hadaba maanta mar aanu booqanay goobtaas cusub ayaa waxaanu weydiiney su’aalo koob kooban gudoomiyaha ururka furay xarunta Mrs:Aasiya C/laahi Cumar waxana ugu horayntii weydiiyey sababta ku keliftey inay furan xaruntan? waxayna ku jawaabtey sidan "waxa nagu keliftey inaanu furno xaruntan markaanu aragnay dhibaatada ba’an ee haysata dhalaanka yaryar ee aan lahayn labada waalid ama loo yaqaano oodhfanada inaanu u furno goob lagu xanaaneyo"



waxaan kaloo weydiinaynay yaa gacan idinku siiyey inaad furtaan goobtan, waxaana ay ku jawaabtay "cid weli gacan nagu siisay ma jirto ururka dhexdisa ayuun baa wada haday tahay waxbarashadooda bisha cas ayaa maanta caruurta nafaqo la’aantu hayso aanu ugu yeedhnay oo siisay buskulka nafaqada iyo faytamiino ururka kalkaalna raashinkay a qaybinayeen bay wax ka siiyeen oo aanu qaybinay waxa kale oo iyana wax naga soo gaadheen maamulka degmada iyo gobolka markaanu la socodsiiney hawsha oo raashinkaa WFP markuu iman jirey door wax looga jaray .



Mar kale waxaan su'aalay xog iyo waxqabad aad gaadheen intaad ku hawlanaydeen shaqadan, waxaana ay ku jawaabtay oo ay tidhi "Waxaanu haynaa xog farabadan waxanu hada gacanta ku haynaa caruur tiradeedu gaadhayso 43 oodhfano ah waxa kale oo noo liisgaraysn oo xafiiska iska liisgareeyey dumaro badan oo uur leh oo aan weli umulin oo halkay talaabo khaldan qaadi lahaayeen halkan keeni doona."

Aasiya Cabdilaahi waxaan sii waydiiyey; ma u malaynaysaan inay markaa joojin doonto xaruntani masiibadii ba’anayd ee caruurta lagu layn jirey ama caruurtii la ubi jirey, waxa ay ku jawaabtay oo ay tidhi "haa aad baa looga raysan doona bi’idnilaah waayo taanu xooga saari doonaba waa taas dad badanina durba waa nala soo xidhiidhayaan markaa waxaanu rajaynaynaa in laga begsan doono hadaba si kastaba ha ahaatee xruntan cusub ee lagu xanaanaynayo cruurta OODHFANADA iyo kuwa aan helin daryeelka dheeliga tiran ayaa u muuqatey mid aad u camiran oo dadku ay aad ugu qulqulayaan magaaladana aad looga dareemayo run ahaantiina maraanu weydiinay dad farabadan oo joogey xarunta sida ay u arkaan xaruntan ayaa dhamaantood aad ula dhacsanaa oo lahaa waa xarun aad loogu baahnaa loona aayi doono."



waxa isla goobta ka socotey qaybinta raashin uu ururku u soo iibshey oo uu gudoonsiinayey hooyoyinkii caruurta raashinkaas oo gebi ahaantiiba ay iyagu jeebkooda ka soo iibsheen .hadaba siday ii sheegen in qofkii dar ilaahay wax ugu darsanaya taakulaynta dadkaa tabaalaysn uu albaabku u furan yahay meel kasta ha ka joogee aduunka kalana xidhiidh :



TALEEFANADA KALA AH

090663022{MOBILE} GUDOOMIYAHA Aasiya C/laahi cumar

090764205{mobile} AGAASIME hindisaar jaama cabdi

EMAIL:----------------------------




By Osman Omar Farah

Oodweynenews/G/sanaag

Cismaancumar@hotmail.com


http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=11404
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”