Munaasibadan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban-qaabiyeen Jimciyadda Soyaal ee ay ku Bahoobeen Mujaahidiinti iSNM ayaa lagu qabtay Maanta Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee MagaaladaHargeysa, waxaana ka soo ayb galay Masuuliyiin ka socotay Xukuumada, Saddex xisbi ee KULMIYE, UDUB iyo UCID, xubno ka mid ahaa saraakiishii SNM iyo dadweyne kale oo tiro badan.
Munaasibada oo ahayd mid masuuliyiintii iyo dadweynihii ka soo qaybgalay si weyn uga warameen qiimihii iyo taariikhdii ay lahayd maalinta shuhadada SNM, waxaanay ku dheeraadeen waxyaabihii keenay halgankii ururkii SNM, taasi oo ay ku sheegeen inuu ka dhashay dhibaatooyinkii dadweynaha reer Somaliland uu ku hayay Taliskii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Bare.
Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa aasaaseyaashii ururkii SNM, oo xafladaasi ka hadlay ayaa wuxuu yidhi “Maanta kuma jirno maalmihii lacabsanayey ee markaan Guri Sucuudiga ah inta aanu kiraysano habeenqudha marka aanu ku shirno aynu ka bixi jirnay, maanta dalkeenii ayaynu joognaa wax weyn inaga xun yihiin, waynu hagaajisanaynaa. Nanadgelyada yaan la isku cabsiin ma aha wax laba qof iyo kooxi ay hayso eeummadda ayaa keentay iyadaanay u taalaa inay nabad gelyadeedailaashato, horumarkeedana ilaashato.”
Mujaahid Maxamed Xaashi wuxuu ku dooday inaanu dalku ahayn mid aan ku filnayn Agoomihii ay ka tageen mujaahidiintii SNM, waxaanu yidhi “Dalkeenu maanta mid ku filaan kari waaya maaha Agoontii laga dhintayiyo dadka naafada ah. wax ka badan baynu qabsan karaa oo aynu kafilaynaa, abaaro ayaa ina haya biyo xidheeno ayaynu samayn karnaalacag aynu biyaheena ku xidhno ma aynu waayin. Taariikhdii halgankawaa la qorayaa, isla markaana waxa loo saari doonaa guddiyo, ciidamadaayaa darajo la siin karaa. Kuwa agoonta iyo naafada ah ayaa loo qabankaraa waxay u baahan yihiin. tacliintooda ayaa wax laga qaban karaa. Maaha in Lixle Hooyadii wax loo doon doono.”
Maxamed Xaashi wuxuu baaq u diray Masuuliyiinta JimciyadaMujaahidiinta ee Sooyaal, waxaanu yidhi “Sooyaal arrinteeda waxa lagabilaabay meel xun oo waxa la yidhi yaanay siyaasiyiintu ka qeyb galin,maxaa u diidaya haddii uu siyaasigu SNM ahaa, waa in la galaa oosadexda Xisbi walba Mujaahidiinta ku jiraa meel uga soo wada jeestaan,oo taariikhdii la wada ilaaliyaa.waxaan odhan lahaa Sooyaal dib haloogu noqdo. Madaxda Sooyaal ha magacaabeen Guddi SNM isugu jirta ooka soo shaqaysa sidii taariikhda loo qori lahaa, oo Sooyaal loogashaqayn lahaa sidii ay wax u noqon lahayd.”
Maxamed Xaashi wuxuu sheegay in lala xisaabtami doono wixii looqabtay dadkii u soo kifaaxay halgankii dalka iyo ubadkii ay katageenba.
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, oo ka hadlaymunaasibadaasi ayaa ka waramay taariikhdii Halgankii dib u xorayntaSomaliland ay soo martay. Waxaanu sheegay haddii aanu halgankaasijireen inaanu suuqyada dalka aanu dhex yaaleen dahabku.
“Waxaanuilaahay maanta uga baryaynaa waa shuhudadii ku geeriyootay halgankiidalka.maalintan xuskeeda waxa ugu mudan ee aynu xusaynaa waa agoomahahalkan fadhiya,naafada, dhaawaca iyo dhammaan mujaahidiintii SNM.Halkan waa la sheegay maalintan 17-ka October ee sanadkii 1984-kiidagaalkii Burco-duuray taariikhdeeda wax kale oo jiray maalmo kale oodagaalo ka culusi ay dhaceen. Laakiin maalintani waxay kaga duwantahay waa maalintii tiro badan oo mujaahidiin qiimo badan lihi ay goobku wada dhimatay oo uu Hoggaaminayay hoggaamiyihii ugu mudnaa ragiihoggaamiyeyaasha ahaa ee SNM Maxamed Xaashi Lixle, sababtaa darteedayaa maalintan looga dhigay maalin mujaahidiintii oo dhan la wadaxuso.waxa kale oo ay ahayd maalintii u jeestay ridistii taliskiihorarka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre,”ayuu yidhi Mujaahid MaxamedKaahin.
Maxamed Kaahin, oo ka hadlayay ragii ka hadhay dagaalkii Burco Duurayoo joogay munaasibadan ayaa xukuumada ugu baaqay inay dadka kale kaaqoonsato, waxaanu yidhi “Halkan hadal ayaa laga soo jeediyay oo SNMwaa loo calaacalayay, Anigu kollay raga SNM u calaacala ma ihi,dawladu ha garato qiimahooda ragan, maanta xafladan haddii aanuhalgankii SNM jirin dahabka suuqa wadhanina ma jireen, halkana(Somaliland) sidaasi looma qurux badnaadeen.Waxaan leeyahaymujaahidiinta iyo naafada haddii wax la idiin qaban waayo hoosta haiska cunina’e ee ku faana inaad naafonimadiina dal dhan ku xorayseen.”
“Haddii shalay Madaxweyneyaal jireen oo ay gawaadhi is daba dhigijireen, oo ay maanta qaar joogaan oo ay gawaadhi is daba dhigaanwaxaasi ma yimaadeene’e waxa quruxdaasi iska leh ragii raggii iyohablihii dalka xoreeyay, waxaan SNM leeyahay waxaad garateentaariikhda intiinii.Taliskii kali taliska ahaa ayaad ummadda ka korqaadeen nin xilkiisii garan waayayna yaanu idin canaanan.Afhayeenka KULMIYE oo daba socday hadal ka soo yeedhay dawlada oo ahaain meel loo wada jeesto wuxuu yidhi “Haddii maalin Siyaad Barre laguodhan lahaa xuquuqda bini’aamiga dhawr, oo dadka rasaasta ka daa,xabaalahaas Mako-durduro may jireen, halgankii Soomali soo qabsadayiyo dhibtii soo qabsadayna may jireen.mushkilada maanta Xamar kajirtaana may jirteen. Markaa aynu iska ilaalino nin aynu wax udhiibano Anigana ha ahaado ama xisbigaygabee mid UCID ka yimid haahaado nin inta wax loo dhiibay lahaa nala ogolaada.”iskala fagadhyidhi.hoog bay ummaddu ka soo martayoo xabaalaheenu waa makoduruduro.”
Maxamed Kaahin, wuxuu soo jeediyay in mudnaanta la siiyo sidii wax lootari lahaa agoomihii iyo Naafadii SNM, waxaanu yidhi “Anigu waxaanodhan lahaa Dekada Berbera ayaa ku filane’e ee iyaga ha loo daayo,saaxiibaydayada xukuumadana waxaan odhan.”
Wasiirka Waasaarada Arrimaha dibada Somaliland Md. Cabdilaahi MaxamedDucaale, oo xafladaasi ka hadlay ayaa ka waramay taariikhdiihalgankii SNM hoggaaminaysay ee dib u xoraynta dalka. Waxaanu ilaahayuga baryay mujaahidiintii u shiiday halgankii dalka inuu ilaahaynaxariistii jano ka waraabiyo.“Somaliland iyo SNM-ba ma joogto meel ay ka calaacalaan, waynu ognahaywixii dalka ka dhacay iyo sidii looga gil gishay, maanta waxaan idiinsheegayaa inaynu nahay dal yar oo curdin ah.wax badan oo weyn ayaainoo qabsoomay oo calan baa inoo taagan,”ayuu yidhi Md. Ducaale.
Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland uu wali ka socdo halgan ay kuxaqiijinayso midhihii halgankii dib u xoraynta oo ah inay ka midnoqoto qaramada caalamka. Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlayXoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax iyoAfhayeenka Xisbigaasi Md. Cali Maxamed Yuusuf kuwaasi oo ka waramaymuhiimada uu leeyahay halgankii dib u xoraynta dalku, waxaanaysheegeen in Somaliland ay joogto meel lagu faani karo.
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland
Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com








http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=11416