SDWO (London 17/10/09) Ciidanka booliska Hargeysa, ayaa tacadi fool-xun oo isugu jira aflagaado, cay iyo garaacis gurigeeda ugu dhex gaystay hooyo Aniisa Xaaji Caabi Cawad oo ka mid ah xildhibaanada kaydka ah ee Golaha Wakiillada ee xisbiga UCID.
Marwo Aniisa Xaaji Caabi oo shalay qaar ka mid ah warbaahinta ugu waramaysay gurigeeda oo ku yaala xaafadda Idaacadda ee degmada 26-ka June, ayaa sheegtay in ciidamo boolis ahi si sharci-darro ah gurigeeda xoog ugu galeen, isla markaana ay kula kaceen tacadi ka baxsan anshaxa bini’aadanimada, islaamnimada iyo dhaqanka suuban ee Somaliland. Ciidamadaas oo maalintii Salaasadii gurigeeda xoog ku galay, iyagoo wax fasax ah u sidan, kadibna ay ula dhaqmeen si aad u fool xun, iyagoo u gaystay aflagaado, gacan ka hadal iyo bililiqaysi ay kaga qaateen hanti lacag iyo alaab isugu jirta kadibna inta ay isku jabiyeen xabsiga u taxaabeen.
Marwo Aniisa oo ka mid ah hooyooyinka agoomaha ah ee raggoodii ku geeriyoodeen halgankii hubaysnaa ee ururkii SNM, waxay sheegtay in ciidammada boolisku galalafeen gurigeeda, kadibna ay waday lacag gaadhaysa $700, moobil qaali ah iyo alaab kale, taas oo ay ku tilmaantay tallaabo arxan-darro ah oo aan loo quudhi karin hooyo aan waxba galabsan. Waxaanay xustay in dhibaatada ciidanka gurigeeda galay u geysteen inay xasuusisay qaabkii ciidammadii Taliskii Siyaad Barre ula dhaqmi jiray shacabka Somaliland.
“Waxaanan geyin, waxaanan qaadan karin, waxaan munaasibkayga ahayn, waxaan marwonimadayda, xishmadayda iyo hooyanimadayda ahayn ayaa i gaadhay oo igaga yimi ciidan ku sheeg anigu ciidan umaan arkayne wax dhaqan xun. Waxa i soo weeraray ciidan aad u tiro badan oo hubaysan, kuwaas oo si argagax leh iigu soo galay, kadibna i garaacay oo nabaro i gaadhsiiyey. Askartaasi way ku jireen laba saddex si fiican iila hadlay oo i lahaa walaal na raac, lakaiin kii ugu akhlaaqda xumaa inta uu kadinka aqalkayga soo istaagay ayuu waxaan marwo iyo hooyo toona loo quudhin oo fal-dambiyeed fool-xun ah igula kacay, isagoo wax walba igula hadlay, waxaanay caayayeen diintayda, Nebigayga iyo Malaa’igtayda,” ayey tidhi Marwo Aniisa Xaaji Caabi, waxaanay intaa ku dartay, “Waxaanu gayno maaha, waxaanu qaadan karnana maaha, waxaannu ku xasiloonaan karnana maaha, waxaannu dalkayaga aanu jeclayn iyo ciidayada aanu u halganay ee aanu ku naf iyo maalba waynay inay naga soo gaadhaan oo munaasibkayaga ay noqdaan maaha.”
Marwo Aniisa waxay sheegtay in aflagaadii, caydii iyo gacan-ka-hadalkii ay u gaysteen ciidankii gurigeeda weeraray ka sakow laga dhacay hanti isugu jirta lacag iyo alaab qaali ah.
“Waxaas oo dhan waxa ii dheer dhac, waxa la iga xaday $700 (toddoba boqol oo doolar) oo miiska Tv-ga saran iyadoo ku jirta waraaqdii aan Dahabshiil kaga soo qaatay, kadibna laga qaatay, waxaanan warqadii ay lacagtu ku jirtay oo madhan ka helay dhulka. Waxa kale oo la iga qaatay moobil aad u qaali ah oo walaalkay oo Ingiriiska joogaa habbeenkaas ii keenay,” ayey tidhi Hooyo Aniisa Xaaji Caabi.
Marwa Aniisa Xaaji Caabi oo ka waramaysay sababta ciidammadu gurigeeda u wareereen, waxay sheegtay inay ciidammadu u socdeen dacwad kaga timi shirkadda korantada shida ee Soltelco oo ay macaamilo dhinac nalka ahi u dhaxaysay, balse dacwadaasi tahay mid madani ah oo aan xaq loogu lahayn inay ciidamo xoog ku galaan gurigeeda.
Hooyo Aniisa Xaaji Caabi waxay ugu baaqday xukuumadda, gaar ahaan Madaxweyne Rayaale, Wasiirka Daakhiliga, Badhasaabka Gobolka Hargeysa iyo Taliyaha Ciidanka Booliska inay si degdeg ah sharciga u horkeenaan askartii xad-gudubka iyo gabood-falka kula kacday
Source: Jamhuuriya
Police storm Mp houseAniisa Xaaji Caabi Cawad
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
original dervish
- SomaliNet Super

- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Police storm Mp houseAniisa Xaaji Caabi Cawad
^^^^^^ SHOCK,HORROR SOMALILAND ACTING IN A UNDEMOCRATIC MANNER!
KHALID,I THOUGHT YOU WERE MORE POLITICALLY SOPHISTICATED THAN THAT.
RIYALE GOVERNS IN THE INTEREST OF THE BUSINESS ELITES AND ETHIOPIA.THESE ARE THE TWO MOST IMPORTANT CONSTITUENCIES IN ALL OF SOMALILAND.
WHY DO YOU WASTE SCREEN SPACE CHATTING ABOUT CONSTITUTION,RULE OF LAW AND DEMOCRACY.DEMOCRACY IS WHAT MELES SAYS IT IS.
SILANYO WAS FORCED TO SIGN HIS POLITICAL DEATH WARRANT BY A MINOR ETHIOPIAN ARMY OFFICER.
RIYALE WILL CONTINUE FOR YEARS TO COME,DON`T WORRY ABOUT THOSE RUFFIANS IN FACKING STREET,THEY ONLY TURNED OUT BECAUSE A RUMOUR SPREAD,THAT THERE WAS FREE KHAT ON OFFER.JUST LIKE IN PAKISTAN/INDIA,PEOPLE TURN OUT FOR POLITICAL RALLIES TO GET FREE CURRY ETC.
KHALID,I THOUGHT YOU WERE MORE POLITICALLY SOPHISTICATED THAN THAT.
RIYALE GOVERNS IN THE INTEREST OF THE BUSINESS ELITES AND ETHIOPIA.THESE ARE THE TWO MOST IMPORTANT CONSTITUENCIES IN ALL OF SOMALILAND.
WHY DO YOU WASTE SCREEN SPACE CHATTING ABOUT CONSTITUTION,RULE OF LAW AND DEMOCRACY.DEMOCRACY IS WHAT MELES SAYS IT IS.
SILANYO WAS FORCED TO SIGN HIS POLITICAL DEATH WARRANT BY A MINOR ETHIOPIAN ARMY OFFICER.
RIYALE WILL CONTINUE FOR YEARS TO COME,DON`T WORRY ABOUT THOSE RUFFIANS IN FACKING STREET,THEY ONLY TURNED OUT BECAUSE A RUMOUR SPREAD,THAT THERE WAS FREE KHAT ON OFFER.JUST LIKE IN PAKISTAN/INDIA,PEOPLE TURN OUT FOR POLITICAL RALLIES TO GET FREE CURRY ETC.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 709 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 33 Replies
- 2150 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 0 Replies
- 487 Views
-
Last post by military-mind
-
- 15 Replies
- 3431 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 21 Replies
- 3525 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 14 Replies
- 1340 Views
-
Last post by sahal80
-
- 5 Replies
- 685 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 14 Replies
- 1620 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 5 Replies
- 2704 Views
-
Last post by LAFO-LAFO