Faroole to visit Arab and African nations

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Faroole to visit Arab and African nations

Post by sheekh-Farax-zero »

Bosaso(AllPuntland)- Warar hoose oo maalmihii ugu dambeeyey laga helayo Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in uu Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud oo dhawaan doonayo in uu safaro ku kala bixiyo dalal kala gedisan oo ay ku jiraan dalalka Africa iyo Carbeed.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa si rasmi ah loo ogeyn socdaalkiisa, balse xubno aad ugu dhaw ayaa xaqiijinaya in uu Madaxweynuhu martiqaadyo ka helay dalal kala gedisan oo faragalin weyn ku leh gudaha dalka Soomaaliya, waxaana lasheegay in ay kala hadlayaan xaalado kala gedisan.

Madaxweynaha ayaa lugu waramay in uu udhoofayo dalka Masar, magaalada Qaahira, markii uu casumaad ka helay Hogaamiyaha dalkaasi Maxamed Xusni Mubaarak oo ay ka wada hadlayaan xaalado badan oo ay ugu horeeyaan Burcad Badeeda Soomaalida.

Mr, Farole ayaa wararka aadka ugu dhaw ayaa sidoo kale sheegaya in uu Madaxweynuhu marka uu tago dalka Masar, uu la kulmayo Jaaliyadaha Soomaalida ee dalkaas oo uu kala hadlayo xaaladaha dalka Soomaaliya.

Saraakiisha ku dhow Madaxweynaha ayaa ka gaabsaday sheegida Magacyadooda, waxa ayna intaasi ku dareen in socdaalkan uu dhacayo dhamaadka bishan October, oo ah marka uu furmo Kalfadhiga baarlamaanka Puntland, lana filayo in uu furitaankiisa iska xaadiriyo Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa noqonayaa kii ugu horeeyey oo uu ku gaarayo dalalka Bariga dhexe, gaar ahaana dalka Masar oo lugu tiriyo in uu ku jiro dalalka faragalinta tooska ah ku leh xaaladaha qalafsan ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya, waxaana lafilayaa in ay siyaasad badan soo qaadaan.

F. C. Maxamed
AllPuntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”