Su'aal Taariikhda Sooomaalida

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

UkMan9
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm

Su'aal Taariikhda Sooomaalida

Post by UkMan9 »

Suaashaydu ............ Waxay Tahay Maxay Somalidu Uga Carartaa.......... Taariikhda Quruxda Badan oo ay leedahay

Markii la raad raaco taariikhda Somalida waxay gelaysaa meel baalal dahaba ku leh taariikhda Adduunka..... waxaa cad in Masaaridii Hore.....
waa Faraaciintee ay ka soo jeedaan Somalida.........
Qabaa'ilada somalida waxaa ugu Taariikh Gaaban DAAROOD ka oo Taariikhdiisu ka soo Bilaabato.....qarnigii 9aad..........
Qabiilada ugu taariikhda dheer Somalida waxaa ka midka ah...... AJUURAAN..........DIR..........HAWIYE........

Maxaa marka kalifay in Qabiilada Taariikhda fog lehi ay isku dayaan inay Baaba'shaan Taariikhdaas Qotada dheer leh oo ay ku tartamaan sidii ay taariikhdooda usoo gaabin lahaayeen iyagoo sheeganaya inay yihiin QURAYSH........

Fadlan........Somali ku qora....si kuwa aan Englishka aqoon u Akhriyaan...... idinkoon i caayina soo jawaaba......
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: Su'aal Taariikhda Sooomaalida

Post by sheekh-Farax-zero »

sxb

Somalidu Taariikh ma laha,, farciintana haka been sheegin.
UkMan9
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm

Re: Su'aal Taariikhda Sooomaalida

Post by UkMan9 »

ACWRWB.........

sheekh-Farax-zero ................. lolz

Sxb sida magacaagu sheegayo ZERO .......ayaad ka tahay waxaan ka hadlayo...... bal google galoo soo baar baar Taariikhdii hore ee somalia.....

.........bal dadoow waxaan ka hadlayo tusaale yar aan idin tuso........ ISAAQ........ waxay sheegtaan inay ka soo jeedaan Quraysh..... iyagoo maraya Abtirsiinyaha SHIIKH ISXAAQ.......... waxaana lagu qiyaasaa inuu soomaaliya soo galay qarnigii 10 aad...... mar marna waxaa la qoraa dhammaadkii qarnigii 0aad........ haddaan bal taas raacno....... waa 885 - 950 AD........

Haddii marka aan taas rumaysano.........bal sidee ARAWEELO ku noqotay Ebla Awad oo u dhiganta somali......CEEBLA CAWAD..... taariikhdeedana ay ku qiyaaseen 15 AD....... ISaaq na sheegtaan inay ahayd........Boqorad Isaaq ah oo waqtigaas wax xukamaysay...... Soo eeg Website ka hoose......

AD......waxay u taagan tahay kalmado laatiin ah ( Anno Domini) oo macnaheedu yahay Waqtigii Ciise.... mar marna ay dhahaan After Death of Crist kadib dhimashadii Masiix(Nabi Ciise SCWS).........


http://harowo.com/2009/01/30/queen-araw ... -araweelo/

Markaad website kaas soo akhrido bal taariikhahaan ka soo warama......

WSWRWB.........
maxamed khaliif
Posts: 105
Joined: Thu Sep 22, 2005 11:54 am
Location: muqadishu
Contact:

Re: Su'aal Taariikhda Sooomaalida

Post by maxamed khaliif »

Arawella was warsangeli Quen .

Soomaalidu waa dad dhow mafoga mana laha taariikh sii dheer waxay ku midoobeen markay is dhexgaleen oo is guurguursadeen ,Hadii ay noqoto taariikh iyo halyeynimo Darod-ka ayaa soo ciyaari jiray kaalinta ugu weyn ilaa horaantii 1991 oo wadanka oo dhan laga qori jiray ,fowdadu markay bilaabatayna waa lakala yaacay oo dadkii oo dhan sharafdarro ayaa ku dhacday kuwaa qaxay oo dibedaha aaday .
UkMan9
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm

Re: Su'aal Taariikhda Sooomaalida

Post by UkMan9 »

Ac....wr.........wb.......

Sxb Somalidu taariikhdeedu ma Dhowa....... ee Tartan Carab noqosho ayaa wada waalay.........yar iyo wayn.....
sidaan hore u qorayba.......DAAROOD ka ayaa ugu taariikh gaaban...... markii dib soomaalida taariikhdeeda loo raaco.....

Isaaq ayaa Horay u bilaabay inay taariikhdooda soo gaabiyaan oo Daarood ka Waqti ka gaaban sheegtaan......haddana DIR ayaa bilowday

Tusaale yar haddaan ku siiyo....qaladaadka dhaca........

Harti.....oo ka socda DAAROOD........ Harti....Hantiile.........Koonbe......Kablalax......Daarood...
Waa 3 markii labada magac ee Daarood iyo Harti laga reebo.......wuxuu guursaday.....Gabar Qabiilka Arab ah....
Isaaqna Daarood ka waa ka danbeeyey...sida ayaamahaan danbe sheegayaan bal Ogoow..........

Sidee Marka uu ka danbeeyey Daarood......Qarni ama Labo...... Qabiil Farcama oo badan u noqon karaa......Daarood oo Awoowo 3aad jooga

Jawaabtu waa arin Macquulka ka Fog.....wax macno ah ma samaynayso.........

Dir.........hadaad eegto......Daarood oo markaa yimi ayaa guursaday Gabar Qabiilka Dir ka ah....... iyaduna Macquulka ka fog......
inay yimaadeen Daarood ka bacdi...........
User avatar
jamols2
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 596
Joined: Tue Feb 24, 2009 9:31 am

Re: Su'aal Taariikhda Sooomaalida

Post by jamols2 »

saxib waxaan aheen islam kahor wax lagu faano oo lasheego maha islamna jahilnaminada ayuu nagasaaray hadaan somali nahay 8-) .
somali wey iskadeesay wixi hore markii ilahay islam nokeenay wana kufaraxsanahay inuu awoowaheey darood ciyalkiisa kalexdeen jidkaas :up: .
waan ogahay inaan carab ku abtirsan walaal just like somalida kale oo shekada badan:mrgreen:

hadaan rabno inaan kufaano geesi in history ilaheey Ahmed Gurre buu nasiiyay oo muslim ah wana nin layaab leh somalina udagaalamay :som: :up: :up: :up: :up: :up: .
User avatar
Cabdiciise*
Posts: 118
Joined: Wed Aug 31, 2005 6:50 pm
Location: Caluula, Home of the Brave

Re: Su'aal Taariikhda Sooomaalida

Post by Cabdiciise* »

Why are u posting this stuff here, Ukman9

Go find a better place, u lifeless fukk
User avatar
abdi342
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 250
Joined: Sat Nov 01, 2008 9:14 pm

Re: Su'aal Taariikhda Sooomaalida

Post by abdi342 »

Ukman9

Waad ku mahadsan tahay qoraalkaadii qiimaha badnaa ee taariq ka cararida Soomaaliyeed. Waxaan kuu sheegayaa walaal waxaan aamin sanahay
ineynaan Qabaa`ilo badani aheen Soomaali.. Waxaana kaaga daliil ah aniga nin weeyn baan ahey in mudo ahna isaga dhex gooshey aduunka
daafihiisa walaahey ebid indhaha saarin nin wadankiisa uu u dhashey diiranaya ama lacag siisanaya. Sheekada taariq wey ka weyn tahay.

1989 marki xajka laga soo laabtey baan tegey Mogadishu waxaan joogey ilaa Feb 1991 walaahi indhaheeyga baan ku arkayey niman go huwan oo
camuudka ifka burburinaya. Saqafyadi guryaha baa la diiranayey, tubooyinki dowladu leheed ee biyaha baa lagala baxeyey dhulka, kaawadihi
sidoo kale oo dibadahaa loo iibgeeyey,Intaas dabadeed baan wadanki ka tegey.

Soomaaliya waxaa jooga dad aan asal u leheen wadanka xagee ka timi tariq? Tan taariiqda faraaciinta waad ku qaldantey hadaad kala jeedo Fircoonki
laftiisa. Dad adeegayaal u ahaa baa jirey oo ilaa waqtigan xaadirkaa loo yaqaan ASWAAN kuwaas baa la yiraah Soomaali bey ahaayeen asalkooda
laakiin cadeymo lama hayo.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”