Maamulka Soomaliland ee xooga ku haysta Gobalka Sool ayaa waxaa ay dhaq dhqaaq ciidan ka wadaan Gobalka Sool ee Magaalada Lascaanood iyadoo ciidamo horlehna ku soo daabulaya Jiida hore ee ay horay ugu sugnaanaayeen Ciidamo ka amar qaata Maamulka Soomaliland ee sida sharci darada ah ku haysta shacabka Laascaanood.
Dhaq dhaqaaqaan ciidan oo ay wadaan Ciidamada Somaliland ayaa waxaa ay dhoolo tusyo kala duwan ka sameynayeen Wadada dheer ee isku xirta Lascaanod iyo wadada waqooyin iyagoo ciidamo hor leh ku soo daabulayaa gudaha magaalada iyo jiida hore ee ayaa ciidamadu maleeshiyaad ah ay ugu horay ugu badnaayeen
Dhoolotusyadaan ayaa waxaa ay ku wajahan yihiin diyaar garow ay wadaan Ciidamadu iyagoo dhaqaaqa hubka kala duwan laga maqlayo magaalada laascaanood iyo nawaaxigeeda wallow ay jiraan in dhawaan ay imaan doonaan wafti ka socday shirkii dhawaan ay beesha dhulbahante ku yeesheen Magaalada Nayrobi ee Dalka keynya shirkaas oo looga dhawaaqay In dib loo xoreeyo Gobalka Sool oo uu maamulka Somalilanad xooga ku qabsaday 15 Oct 2007.
Xaaladan ayaa kusoo beegmatay xilli dadka deegaamada SSC Waxgaradkooga iyo aqoonyahankooguba ay isku raaceenm xoraynta deegaamada laga haysto iyo midnimo beeleed taasoo keentay in xaaladi soo wajahdo maamulka haysta caasimada Gobalka ee Laascaanood.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in deegaamo dhowra oo ku yaala Gobalka ay oo lagu magacaabo Dhabansaar oo ku taal meel u dhaxaysa Laascaanood iyo Buuhoodle halkaasoo warku sheegayo in ciidamadu ay difaac ka sameysteen,sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in Madaxwaynaha maamulka Somaliland uu kulamo la qaatay qaar kamid dadka deegaankan oo ah kuwa gobolka uga shaqeeya kuwaasoo amaro degdega siiyay sidii ay u waajihi lahaayeen Buuhoodle oo cabsida ugu badan ay hada ka hayso.
Dhaq-dhaqaan Ciidan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Gobalada Sool Sanaag iyo Cayn ay ku soo wajahan yihiin waxgaradkii dhawaan shirku uga socday Naryrobi kuwaas oo ku dhawaaqay Xoraynta Gobalada SSC, taasi oo ay si weyn uga hortimid Dowlad Goboleedka Puntland.
Siciid C/salaan Siciid
E-mail loole15@hotmail.com
Somaliweyn Media Center “SMC”




