Page 1 of 1

Meeting between Galmudug officials and UN, pics

Posted: Wed Oct 21, 2009 9:05 am
by galia
Minister of Information / Wasaaradda Warfaafinta

Mas’uuliyiin ka socota hay’adda unka oo maantay soo gaaray magaalada
gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug. Sabti, Octoober 17, 2009

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ahne Afhayeenka Galmudug Mudane Axmed Maxamuud Baasto
ImageImageImageImageImageImageImageImageImageImageImage
Waxaa galabtay garoonka diyaaradaha magaalada gaalkacyo ka soo dagay wafdi ka socda unka oo ka yimid washington (USA), islamarkaana soo gaaray magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wafidiga maantay waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada gaalkacyo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dawlad goboleedka galmudug iyo masuuliyiin ka socotay Puntland.

Waxaana horkacayay mas’uuliyiintii Galmudug ee maantay soo dhaweysay mas’uuliyiintii ka socotay UNka Wasiir ku xigeenka warfaafinta ahne afhayeenka Galmudug Mudane Axmed Maxamuud Baasto iyo gudoomiyaha gudiga abaaraha Galmudug Calidaahir Maxamuud Xirsi iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Dhinaca Puntlanda waxaa wafdigii maantay soo dhaweeyay ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka mudug Axmed Cali Salad iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Intaas ka dib waxaa la tagay goobtii lagu soo dhaweynayay mas’uuliyiintii ka socotay hay’adda unka oo ahay hoteelka taar city oo ku yaala waqooyiga magaalada gaalkacyo.

Waxaana shir ka dhacay hotelka taar citay wada yeeshay xubnaha galmudug iyo xubnaha Puntlaanda oo isku dhinac ah iyo mas’uuliyiintii ka socotay unka oo uu horkacayay pro.Water cevi oo ah madaxa UNka
uqaabilsan dhinaca qaxootiga iyo abaaraha iyo madaxa unhcr Bettocco iyo ku xigeebkiisa Mino iyo madaxa u qaabilsan unka arimaha xuquuqul insaanka Chen.

Shirkaasi waxa ay kaga hadleen mas’uuliyiinta galmudug iyo buntland in dadka qaxootiga iyo kuwa barakacayaasha ee ka soo hayaamay guryahoodii ku yaalay magaalada muqdisho oo si xoogan ugu dhibaataysan deegaanada gobolka mudug iyo dadkii ay waxyeelada ba’an u gaysatay abaartii daba
dheeraatay in ay dhamaatood ay u baahanyihiin gurmad bani’aadantinimo oo deg-deg ah taasoo xiliyadii abaaraha iyo dhibaatooyinkii jiray ay gaabiyeen hay’adaha samafalka gaargaarkii looga baahnaa.

Mas’uuliyiintii galmudug ka socotay waxay kaloo u cadeeyeen mas’uuliyiintii unka in deegaanada galmudug ay ka jirto nabad buuxda hay’aduhuna goor walba ay ka hawlgali karaan islamarkaana la siinayo
damaanad qaad buuxda.

Waxaa kaloo ay sheegeen Maamulka Galmudug in hay’aduhu ay soo dagi karaan dhamaan deegaanada galmudug kana furankaraan xafiisyo.

Ugu danbayntii Madaxdii ka socotay UNka waxa ay cadeeyeen in ay tagidoonaan meelaha ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ah iyo kuwa ay aafaysay abaarta daba dheeraatay islamarkaana ay gar-gaar la soo
gaaridoonaan.

Nuuradiin Cismaan Maxamed (abuuakram)
Nuuradiin5@hotmail.com ama abuuakram1@gmail.com
Galmudug-galkacio-somalia