Guddi-Hoosaadka Arrimaha Gudaha Ee Golaha Wakiillada Oo Soo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Guddi-Hoosaadka Arrimaha Gudaha Ee Golaha Wakiillada Oo Soo

Post by MrPrestige »

Guddi-Hoosaadka Arrimaha Gudaha Ee Golaha Wakiillada Oo Soo Gunaanaday Baadhitaano Ay Ku Samaynayeen Xubnaha Komishanka Cusub Iyo Natiijada Baadhitaankaas Oo Loo Gudbiyay Golahaasi



Hargaysa (Oodweynenews)- Guddi-hoosaadka arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta soo gebegabeeyay kulan albaabadu u xidhnaayeen oo labadii maalmood ee u dambeeyay la lahaayeen xubnaha loo xulay Komishanka cusub ee Doorashooyinka.

kulamada guddi hoosaadka Golaha Wakiiladu la yeesheen xubnaha komishanka cusub ee todobadda ah, ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay ku baadhayaan islamarkaana ay ku hubsanayaan xubnahaasi in ay buuxiyeen shuruudihii looga baahan ee ka mid noqoshada Komishanka doorashooyinka.

Guddid Hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Wakiilada, ayaa wax ka waydiiyay xubnahan cusub ee loo soo xulay Komishanka doorashooyinka, Cv-yadood, Aqoontooda waxbarashado iyo waayo aragnimadooda dhinaca shaqo ee ay soo qabteen.

Ma jiro Wax war ah oo ka soo baxay kulamadaasi labadii maalmood ee u dambeeyay Guddid arrimuhu ay la yeesheen xubanah komishanka cusub iyo natiijada naaqishaadooda la xidhiidha xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka.

Guddida Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiilada ayaa malintii arbacadii kulankii u horeeyay la yeeshay afar xubnood oo ka mid ah xubnaha komishanka doorashooyinka, halka ay shalay saddexdii xubnood ee soo hadhay ay la yeesheen kulan kale.

Gudoomiyaha Guddi Hoosaadka Golaha Wakiilada Md. Siciid Cilmi Rooble ayaa sheegay maruu warbaahinta la hadlayay in natiijada ka soo baxay baadhitaanka iyo qiimaynta ay ku sameeyeen Komishanka doorashooyinka ay talo soo jeedin ahaan uu gudbin doonaan Golaha Wakiilada Maalinta sabti ah.

Xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka oo kala ah: Raabbi Shariif Cabdi Maxamed, Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood), oo ay soo xuleen Golaha Guurtidu,Cali-Khadar Xasan Cismaan oo Xisbiga Kulmiye xulay, Cabdifataax Ibraahim Sh. Xassan, oo uu soo magacaabay Xisbiga UCID iyo Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) iyo Faarax Abiib Aadan, oo madaxweyne Rayaale soo magacaabay, waxaanu Golaha Wakiiladu u ballansanyahay in ay cod u qaadaan xubnahaasi.



C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland

Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com

http://www.oodweynenews.com/display_pag ... leid=11566
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”