Cali Sugule Qormadii: 4aad Xuska 25-Guurada Maalinta Shuhada

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Cali Sugule Qormadii: 4aad Xuska 25-Guurada Maalinta Shuhada

Post by MrPrestige »

Qormadii: 4aad Xuska 25-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM



By: C/XAKIIM GAAS FAARAX. 26/10/09



Aan iskiin baro Cali Sugule. Wuxuu ku dhashay Gobolka Oodweyne sanadkii 1936, Iskuulka hoose Berbera ayuu ka galey markii danbe Sheekh ayuu uga wareegey isagoo Sheekh Arday ka ah ayey isaga iyo saaxiibadii ku tashadeen inaanay Kubada ciyaarin.





Ma gabade la xidhay la xidhay loo taag waayey tiisiina aanay noqon. somalidu waxay tidhaa xiniinyo lays ma amaahiyo aad buu umada somalida ugu yar yahay inta amuurood ee cali sugule isku darsaday cid ay su raacdaa bal ila eega indheergarad fog gabyaa aan dedin, calaashaan badheedha adkeysi ma daale ah,wadanimo dheeraada, hadimo talis la,aan ficil aan habsaamin, daacadnimo, abaal ma daadshe isku soo wada duuboo inta laysku majeerto Cali Sugule xaqiiqtan waa isku darsaday.


Aan tusaale kale idin siiyo macalinka wanaagsan ardadiisuna waa wanaagsanaataa, abwaniinta maanta lagu dhaarto sida Hadraawe, Gaariye, Abdi Qays, Ibraahin Gadhle, Sangub, adigu maansoolayaasha oo dhan Cali Sugule ayey ka dab qaataan waa dhinbiil hurisay fanka Somalida bal u fiirso riwaayadihiisa mid waliba masiibo ayuu ku daweynayaa.


Aan iskiin baro Cali Sugule wuxuu ku dhashay Gobolka Oodweyne sanadkii 1936, Iskuulka hoose Berbera ayuu ka galey markii danbe Sheekh ayuu uga wareegey isagoo Sheekh Arday ka ah ayey isaga iyo saaxiibadii ku tashadeen inaanay Kubada ciyaarin ee waxbarshadooda iska wataan hadii ay ka fursan weydo ciyaar Somali la ciyaaro sida jaandheer bari iyo wililo saylici dhaanto. Markay aminteedii timi kubadii cali sugule waa diiday intii kalena balantii waa kaga baxeen, maalintaas wuxuu tiriyey heesta caanka noqotay:----

Ninkii sada haysta
lalama sugoo
Somalidu waa ka
saari jirtee
saaxiibadayoow intay
sababteen sanduuqiina
may la qaadi weydeen?!

1954 markii hawd la bixiyey Cali Sugule sidee u dareemay haduu ficiltamay maxaa kala kulmay heestan maalintaas buu tiriyey:--


Guunyada lo'du wow
garaad daran tahay,
gaajiyo ma ogola
haraad gelin,
gowda iyo usha
wey ka gubataa,
hadii aan la guneyn
looma galo,
gujada weyshu
waa ta gaagixisee,
hadii la garaaco
godol male,


Ganbo iyo dumarkaa
gareska xidhee,
guntiga ragu waa
isku geedo hidee,
geyigan tegey gaalku
mow hadhay!?

Gadantay oo caradeenii
wey gedmatee,
aan gaadhnee ma loo
gurmadaa,

geelii iyo adhigii
gamaankii fardaha,
gugoo da'ay geedihii
hawd aan geynee ma loo gurmada?!

Gaashaan qaad xaqiisa lama
gudbo, garkiyo wadnahay na kala
go'an guuldaro weynagaa gacmaha
madhan!

Garaad inama dheera gaaladu
gugeenuna waa gudboon yahay,
guuldaro weynagaa gacmaha
madhan!

Godobtii nin qirtay oo ku gowracay,
gashigii diidan aan wax kaaga
gudbeyn, gadaan gadayaa gar daranaa!

Ayaa guulaheen gargaaraa,
ayaa garanaaya gobanimadoo,
ayey la genbiya gumeystaha?!

Ilaahayow cimrigaaga dheeree Cali Sugule, Mohamed Ahmed Kuluc. Ilaahayow u naxariiso Cabdilaahi Qarshe, Barkhad-Cas. Ingriiskii baa heesahooda ku xidhay. Tixgelin iyo abaal aan la gudi karin buu Cali Sugule u soo galay geyiga Somalidu degto oo dhan aan maanta halkaas ku hakiyo.

Hadii aad tahay qof taariikhda xiiseeya la soco qaybaha danbee Mj. Cali Sugule.


Allaah mahad leh ninkii aaminaa awood leh

Waad mahadsan tihiin.

GAASCO@HOTMAIL.COM

C/XAKIIM GAAS FAARAX
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”