16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Post by LiQaaye_TDH »

Watch the Pictures here!

http://hadhwanaagmedia.net/detail.asp?id=3753


Burco (Buraoonline) 25.10.09 Munaasibad loogu wanqalay Degmada cusub ee Dhoqoshay oo ka tirsan Gobolka Togdheer, ayaa Khamiistii inna dhaaftay lagu qabtay Xarunta Degmadaas ee Dhoqoshay. Isla markaana waxa ka qaybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Masuuliyiin Xisbiyada Siyaasadda ka socday, Madax-dhaqameedyo, dadweyne tira badan iyo Marti-sharaf kale.
Maamulka iyo dadweynaha Degmada Dhoqoshay, ayaa Masuuliyiinta iyo Marti-sharafta Xafladda ka qaybgalay si weyn oo kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyey Dhoqoshay, iyaga oo kaga horyimi Fardo, Sacab, Mashxarad iyo Ciyaaraha dhaqanka. Waxaana ugu horeyn xafladda Degmada loogu wanqalay hadal duco ah ka jeediyay Sheekha Magaaladda Sheekh Yuusuf Xaaji Aadan. Maayarka Degmadan cusub Khaliif Cismaan Aadan ayaa isaguna hadallo soo dhawayn iyo qaabilaad ah halkaa ka jeediyay, waxaanu u mahadceliyay guud ahaanba Masuuliyiinta iyo Martisharafta Munaasibadda ka soo qaybgalay.

Maayar Khaliif, waxa uu si gaar ah u hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo uu si gaar ah ugu hambalyeeyay bixinta iyo magacaabidda Degmada cusub ee Dhoqoshay. Iyo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi iyo Wasiirka Madaxtooyada Xasan Macalin oo uu sheegay inay si gaar ah ugala shaqeeyeen suurtagalnimadii Degmadan.

Intaa ka dib waxa hadallo kala duwan Madasha ka jeediyay, isla markaana codbaahiyuhu u wareegay Masuuliyiinta kala duwan ee Xafladda ka qaybgalay. Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Axmed Cali Ubaxle oo halkaa ka hadlay, ayaa in ay waajib tahay dadka reer Somaliland inay iyagu isku tashadaan oo aanay wax walba Xukuumadda ka sugin, hase ahaatee, ay dedaal wax soo saar muujiyaan, dhulka Beertaan nabadgalyadoodana ilaashadaan, si ay horumar u gaadhaan. "Way fiican tahay inaad nala xisaabtantaan haddii aanu dawladdii nahay, laakiin wax walba ka hor waa inaad nabadgalyada ilaashataan." Ayuu yidhi Wasiirka Warshaduhu.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xasan Macalin, oo ka mid ahaa Wasiirada Madasha ka hadlay, ayaa si weyn u hambalyeeyay Degmadan cusub ee Dhoqoshay oo uu sheegay inay tahay meesha kaliya ee aanay Ciidamadii Siyaad Barre cagaha dhigin wakhtigii SNM ay is hayeen, iyada oo ahayd Xarun ay deganaayeen Ciidamadii SNM ee dawladda la dagaalamayay, halka ay Xoogaggii Xukunkii Siyaad Barre ka weerareen meelo badan oo kale oo ay SNM daganayd, sida Baligubadle oo kale.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Muuse Muxumed (Muuse-Madoobe), ayaa hambalyada uu Wasiirada kala sinnaa, ka sokow, waxa uu dadka reer Dhoqoshay u balanqaaday inay Wasaarad ahaan wax ka qabanayaan, isla markaana dayactirayaan Ceel dadka Deegaanka Dhoqoshay Biyaha ka cabi-jireen oo jabay, si ay u koobnaato ama looga baxo baahida Biyood ee Deegaanka. Waxaanu xusay in dawladdu wana u qabatay, wixii karaankeeda ahna u qaban doonto Degmada Dhoqoshay.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, oo Degmadaas laga soo doortay, kana mid ah Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna halkaa ka hadlay, isla markaana si weyn ugu hambalyeeyay Masuuliyiinta iyo Marti-sharafta kale ee Munaasibadda Degmada Dhoqoshay loogu-wanqalay ka soo qaybgalay. Waxaanu u mahadceliyay cid kasta oo suurtagalisay inay Dhoqoshay Degmo noqoto, waxaanu si gaar ah u xusay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Ku-xigeenkiisa, Wasiirada qaarkood.

Xildhibaanku waxa uu sheegay inay dadka reer Dhoqoshay ku raagtay magaacaabista Degmadu, sugayeenna muddo dheer oo ka soo bilaabantay wakhtigii SNM, mar kastana loo balan-qaadayay, hase ahaatee, ay maanta suurtagashay inay Dhoqoshay Degmo noqoto. Waxa uu ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda ay leedahay inay dadka reer Dhoqoshay iskaashi iyo wax-wada qabsadaan.

Taas oo uu Xildhhibaan Maxamed ku tilmaamay waddada horumarka lagu gaadhayo, loona baahan yahay inay iska kaashadaan, dhinacyada, nabadgalyada, Biyaha, Caafimaadka, Wax-beerashada iyo dhinac kasta oo nololoshoodu ku xidhan tahay, taa marka ay sameeyaanna cid kastaa wax la qaban doonto. "Hadba sida aad u camirtaan, isla markaana kor ugu qaadaan ayay ku xidhan tahay soo jiidashada bulshada kale iyo Magaalooyinka dariskiinu." Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali.

Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale, oo Madashaa ka hadlay, ayaa wer-wer ka muujiyay xaaladda nabaad-guurka oo ay sababeen Abaaro si is-daba-joog ah ugu soo noq noqday dalka, isla markaana daba-dheeraaday iyo gubidda dhirta. Sidaa daraadeedna waxa uu u soo jeediyay dadka reer Dhoqoshay inay ilaaliyaan deegaankooda oo aanay Dhirta jarin, si ay uga badbaadaan Xaalufka aan laga soo waaqsan Karin ee hadda jira.

Maayarka Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer Maxamed Xasan Axmed (Dhaga-laab), oo soo dhaweeyay Degmadan cusub ee Dhoqoshay, waxaanu dadka reer Dhoqoshay u balan-qaaday inay u samayn doonaan sahamin iyo qorshaynta qaabka Magaaladda. Waxaanu uga digay in qorshaynta dhulku dhib badan tahay, isla markaana marka qorshahaas la wado ay suuragal tahay inay waddo Guri dhisan ku hagaagto."Markaa qorshaynta ayaa dhibkaa leh ee waxaan idinka codsanayaa inaad u dulqaadataan, si ay magaaladdiinu u noqoto mid qurux-badan oo qaab magaalo leh." Sidaa ayuu yidhi Maayarka Burco.

Guddoomiyayaasha Heer Gobol ee Xisbiyada UDUB iyo KULMIYE, ee Gobolka Togdheer Sahal iyo Ayaanle, ayaa iyaguna halkaa hadallo mahad-naq iyo hambalyo ah ka jeediyay, waxaanay sheegeen inay soo dhawaynayaan tallaabo kasta oo lagu horumarinayo Degmada cusub ee Dhoqoshay.

Ugu dambayntii qaar ka mid ah Cuqaasha iyo Odayaasha Degmada Dhoqoshay, oo Xafladdaas kaa hadlay, ayaa u mahadnaqay Cid kasta oo gacan ka gaysatay Degmadaas iyo cid kasta oo Xafladda loogu wanqalay Dhoqoshay ka soo qaybgashay. Iyaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ay ku tilmaameen Xildhibaanka kaliya ee dib ugu soo noqda, isla markaana suurtagaliyay Dhismaha Dugsi hoose/dhexe oo laga dhisay Magaaladda Dhoqoshay, kaas oo ay ka faa'iidaysteen Ubadka Deegaanka oo si fiican Dugsigaas wax ugu barta.

Magaaladda Dhoqoshay ee Khamiistii loogu wanqalay Degmada-nimada, oo dhinaca Koonfur kaga beegan Magaaladda Burco, qiyaas ahaanna u jirta 130KM, ayaa ka mid ahayd Magaalooyinkii xudunta u ahaa Halgankii hubaysnaa ee Ururkii SNM, iyada oo hooy u ahayd 1988-kii boqolaal qoys oo ka mid ahaa dadweynihii ka barakacay Gobolada Togdheer, Sanaag, qaybo ka mid ah Sool iyo Saaxil, waxaanay ku xamishay baaxadda qaxoontigaas dhulka Magaaladdu ku taallo oo ah meel Biyaha qani ku ah.

Sida uu sheegay Cabdi Seeteeye oo ka mid ahaa Qurba-joogga Deegaanka, Degmada Dhoqoshay waxa ay ka mid ahayd Magaalooyinka ay dawladdii Ingiriisku aasaastay kun sagaal boqol iyo kontomaadkii, halkaas oo uu sahamin ku sameeyay Gumaystihii Ingiriis, isaga oo xusay in calaamadihii uu kaga tagay ka mid yahay Riig uu Ingiriisku taagay oo aan la garanaynin nooca loogu talagalay Biyo iyo Baadrool midka uu soo saarayo.

Buraoonli9ne
Last edited by LiQaaye_TDH on Mon Oct 26, 2009 7:28 am, edited 1 time in total.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: 16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Post by LiQaaye_TDH »

Qaloocan
JaamacQabar
libaaxle
Xaydh ducato
Nasiye
maxamed ugaas
Dhagax-dheer
Candho-dhexe
Sibidhley
Dhoqoshay
Heere

its will control 11 Villages :up:
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: 16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Post by sheekh-Farax-zero »

Candho-dhexe
:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:

Image
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: 16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Post by Keyse_0208 »

Liqaaye, i found some more Pics of Dhoqoshey looks like a great little place, everyone seems to be on horses. :up:

Image

Image

Image

Image
Last edited by Keyse_0208 on Mon Oct 26, 2009 12:38 pm, edited 1 time in total.
User avatar
rich-boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1635
Joined: Wed Jan 30, 2008 6:26 am
Location: Paris Seine saint denis Banlieue Nord gros

Re: 16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Post by rich-boy »

fuckin hell nothing but blik niggas up there how come they all got horses
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: 16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Post by Keyse_0208 »

rich-boy wrote:fuckin hell nothing but blik niggas up there how come they all got horses
thats why they call them 'SoloMadow' i think thats the sub clan that settles there, if liqaaye can confirm

Image
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: 16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Post by MrPrestige »

Keyse_0208 wrote:
rich-boy wrote:fuckin hell nothing but blik niggas up there how come they all got horses
thats why they call them 'SoloMadow' i think thats the sub clan that settles there, if liqaaye can confirm

Image


damn @ :lol: Dhoqoshey is mainly settled by GNSNM's people reer Dahiir , not Solomadow if i am not mistaken , i think i can spot GNSNM there :lol: .
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: 16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Post by LiQaaye_TDH »

Keyse_0208 wrote:Liqaaye, i found some more Pics of Dhoqoshey looks like a great little place, everyone seems to be on horses. :up:

Image

Image

Image

Image
Keyse Inaader... Thanks for this, but im the one who took those pictures last year when i went there, can you see the 4by4 where it says VIP on it? Thats our Car.. There was wedding happening there, thats why those guys were on Horses, Dhoqoshey is very famous for their horses!

Dhoqoshey is settled by 90% Reer Daahir- Guuled Omar my Abtiyaal big them up :up:
1_londoner
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8904
Joined: Mon Apr 09, 2007 11:48 am

Re: 16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Post by 1_londoner »

Very Nice... :up:
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: 16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Post by Keyse_0208 »

Liqaaye, are you that guy who goes by the name Suldan, who has his own blog on his visits to east-s/land.?
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: 16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Post by GENERAL_SNM »

Its a Reer Dahir town through and through. :up:

Ps, Walle my Dads got a few horses in that region aswell, even had them on the outskirts of Burco back in the day... :up:
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: 16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Post by Cumar-Labasuul »

Masha'allah, allah maxay dadkii qubteen sidi reer berbera ayey noqdeen. :lol:
User avatar
rich-boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1635
Joined: Wed Jan 30, 2008 6:26 am
Location: Paris Seine saint denis Banlieue Nord gros

Re: 16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Post by rich-boy »

shut ur mouth man reer berbera are light skin
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: 16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Post by Cumar-Labasuul »

rich boy are you reer berbera, wa runta aad bey u cadyihiin :lol:
User avatar
rich-boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1635
Joined: Wed Jan 30, 2008 6:26 am
Location: Paris Seine saint denis Banlieue Nord gros

Re: 16th Habar Jeclo Degmo my home Town (DHOQOSHEY)

Post by rich-boy »

im not from berbera the most of the reer berbera i meet where light skin nigga u dont know what u talkng about people from bulxaar are the blikest
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”