Xeer Ilaalinta Guud Ee Qaranka Oo Diiday Dhaqaajinta Dacwadi

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Xeer Ilaalinta Guud Ee Qaranka Oo Diiday Dhaqaajinta Dacwadi

Post by MrPrestige »

Xeer Ilaalinta Guud Ee Qaranka Oo Diiday Dhaqaajinta Dacwadii Ka Dhanka Ahayd Saddexda Xisbi Iyo Maxkamada Sare Oo La Filayo Inay Go’aan Ka Soo Saarto


Hargaysa (Oodweyne)- Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa diiday dhaqaajinta dacwadii ka dhanka ahayd saddexda xisbi qaran ee uu todobaadkii hore u gudbiyay Muwaadin u dhashay Dalka oo magaciisa la yidhaahdo Maxamuud Jaamac Axmed.

Muwaadinkan oo ay warbaahinta kala duwan u waramay ayaa sheegay in Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Mudane: Xuseen Cabdi Qaalib ( Dheere ) uu Maanta diiday dhaqaajinta dacwadan isagoo u cuskaday in aanay xeer ilaalintu takhasus u lahayn dhaqaajinta dacwad noocan oo kale ah.



Muwaadinkan oo ah arday culuumta sharciga ka barta Jaamacada Al Niilayn ayaa intaa raaciyay in uu Xeer Ilaaliyaha Guud u sheegay inay sharci ahaan takhasus u leeyihiin inay dacwad dambiyeed ku oogaan ash-khaas balse aanay awood u lahayn inay dacwad noocan oo kale ah ku oogaan hay’adaha Qaranka, isagoo xusay in ay arrinkan awood u leedahay Maxkamada Sare ee Jamhuuriyada Somaliland.

Waxa kale oo uu sheegay Maxamuud Jaamac Axmed oo ah ardayga dacwadan dalbaday in uu Xeer Ilaaliyaha Guud Mudane: Xuseen ( Dheere ) uu diiday jawaabtiisaa uu bixiyay inuu qoraal ku siiyo maadaama uu muwaadinkani todobaadkii hore uu u gudbiyay codsi qoran.

Dhinaca kale waxa uu xusay Muwaadinkani inuu isla markiiba codsi Furid dacwad ka dhan ah saddexda xisbi Qaran uu u gudbiyay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mudane: Maxamed Xirsi Ismaaciil ( Oomane ) oo uu ku lifaaqnaa sababaynta dacwada ee loo gudbiyay xeer ilaalinta, iyadoo uu muwaadinku cadeeyay inuu Gudoomiyaha Maxkamada Sare u sheegay in qoraalkiisa ka jawaabi doono barri inshaa Allaah.

Qoraalka uu muwaadinkani maanta u gudbiyay Gudoomiyaha Maxkamada Sare waxa uu u qornaa sidan:

بسم الله الرحمن الرحيم”

Date: 26/10/2009

Ku: Gudoomiyaha Maxkamada Sare JSL

Ujeedo: Codsi Furid Dacwad Ka Dhan Ah Saddexda Xisbi Qaran

Ka Dib Markii: aan warqad codsi ah aan u gudbiyay xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Taariikhdu markay ahayd: 19/10/2009 oo aan kaga codsanayay inay dacwad dambiyeed ka dhan ah saddexda xisbi Qaran ay dhaqaajiyaan.

Haddaba xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane: Xuseen ( Dheere ) waxa uu ii sheegay in aanay takhasus iyo awood u lahayn inay dacwad noocan oo kale ah dhaqaajiyaan maadaama ay ka dhan tahay hay’ado qaran, oo aanay ka dhan ahayn ash-khaas, kaasoo ii sheegay inay awoodaasi leedahay Maxkamada Sare, isagoo diiday inuu jawaabtiisaasi igu siiyo wax qoraal ah.

Sidaa daraadeed: waxa aan si xushmad iyo maamuusba leh idin kaga codsanayaa inaad darastaan dalabkayga oo aad dhaqaajiysaan dacwadan, si aynu u xoojino sharciga una soo celino haybadii ay lahayd waaxda garsoorka ee ka dhigaysa meesha ay ku so oaf jaranto dhamaan wixii khilaaf ah ee wadanka ka taagan, laakiin haddii aynu arrinkaa ku dhaqaaqi wayno waxaynu jidaynaynaa in khilaafaadka taagan lagu kala baxo xooga muruqa maadaama aynu ka shaqaysiin waynay xooga sharciga.

Waxana codsigan kuugu lifaaqan dalabkii aan u gudbiyay xeer ilaalinta Guud ee Qaranka, taasoo ay ku cadahay nuxurka dacwadaydu.

ALLAA MAHAD LEH

MAXAMUUD JAAMAC AXMED: Arday dhigtay Culuumta Sharciga Jaamacada AL Niilayn”

C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland

Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”