Raadiyaha Sweden ayaa maanta sii daayay Warar lagu kalsoonan karo oo sheegaaya in liiska Argagaxiisada ee Qaramada Midoobay laga tirtiray isla markaana la soo afjaray xayiraada mudada dheer saarna.
Waxaana sidoo kale durbadiiba Dowlada Wadanka Sweden ay Bangiga Al-Barakaat qaybta wadankaas wixii ka dambeeya maanta aan loo aqoonsan doonin Argagaxiiso isla markaana ay Dowlada Wadanka Sweden xirrir dhow la yeelan doonto.
Talaabadan ay ku dhaqaaqday Qaramada Midoobay ayaa ah mid muujinaaya in Ururka Midowga Yuruub u sidoo kale liiska Argagaxiisada ka tirtiro Bangiga Al-Barakaat.
Ma jirto faahfaahin dheeraad oo ay Qaramada Midoobay ka bixisay talaabadan ay ku dhaqaaqday,waxaana lagu wada in Saraakil ka tirsan Qaramada Midoobay ay ka hadlaan.
Mudo 8-sano ah Bangiga Al-Barakaat ayaa waxaa u ku jiray liiska Argagaxiisada ee Qaramada Midoobay ka dib marki ay soo baxeen tuhuno muujinaaya in xirrir ay Muulkiileyaasha Bangigaas la leeyihin Kooxaha Argagaxiisada ayna maalgeliyaan.


^^^Sweden Branch