Hargaisa oo cabsi ka qabta Garonka laga samynyo gobalka Cayn

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Hargaisa oo cabsi ka qabta Garonka laga samynyo gobalka Cayn

Post by sheekh-Farax-zero »

:lol: :lol: :lol:

Hargeysa(AllPuntland)- Hogaamiyaasha Maamulka Gobalada Waqooyi Galbeed ee dalka Soomaaliya ayaa walaac balaaran ka muujinaya xaaladaha waqtigan ka taagan gobalada Sool iyo Cayn, kuwaas oo ku aadan arrimaha ka soo baxay shirkii magaalada Nayrobi ee xarunta dalka Kenya iyo arrimaha lugu dhaqaaqayo ee ka soo horjeeda mawqifka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe oo ah mucaaradka Daahir Riyaale kaahin ayaa wax laga walaaco ku sifeeyey talaabadii lugu sheegay in garoon diyaaradeed laga asaasayo Magaalada Buuhoodle, kaas oo lugu wadayo dagaalada looga soo horjeedo maamulka la baxay Somaliland, isagoo sheegay in ay qatar garoonkaasi ku yahay Somaliland, waa sida uu hadalka udhigaye.

" Hadii aan laga hortagin Garoonkaas, waxaa laga maarmaan in ay shaqada iskaga tagaan Daahir Rayaale iyo Kooxdiisa, maadaama uu Cadow soo galay Somaliland, oo la bilaabay in garoomo laga dhisto" Ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay magaalada Hargeysa.

Wargeysyada magaalada Hargyesa ka soo baxa ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey lugu daabacay warar ku saabsan shirkii ku soo dhamaaday dalka Kenya, kaasoo ay ku kulmeen Siyaasiin, Waxgarad iyo Aqoon-yahano loogana hadlay xaaladaha qalafsan ee ka taagan Sool iyo Cayn, gaar ahaana sidii looga saari lahaa ciidamada mudada gacanta ku hayay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, ayadoo Siyaasiinta Maamulka Somaliland ay walaac ku aadan dhismaha garoonkaasi.

Garoonka ay ka hadlayaan Madaxda maamulka la baxay Somaliland ayaa la xaqiijiyey, in dhismihiisu yahay mid aan waqtigan dhaweyn, isla markaasna ay bilaabeen Dad isku xilqaamay dhismaha garoonkaas, ayagoo lasheegay in ay lug ku leeyihiin Siyaasiin udhalatay gobalka Cayn ee Puntland.

Muran dhuleedka udhaxeeya Maamulka la baxay Somaliland iyo Dawladda Puntland ee Soomaaliya ayaa soo badanayay hadal heyntiisu mudooyinkii ugu dambeeyey, waxaana dhinacyada laga dareemay saan-saan colaadeed oo ku aadan xaaladaha magaalada Laascaanood oo laga qabsaday dawladda Puntland 15-Octobar-2008-dii.

F. C. Maxamed
AllPuntland
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: Hargaisa oo cabsi ka qabta Garonka laga samynyo gobalka Cayn

Post by sheekh-Farax-zero »

S. Buuhoodle waxa lagu tilmaamaa meel aan maamul adag oo Somalilnd ahi ka jirin arrimahaasina waxa lagu sababeeyaa arrimaha in maamulka Somaliland diciif ku noqdo, arrimahaasi sideed u aragtaa?
''Faisal waraabe''=
Somaliland muddadii ay jirtayba ciidamo iyo maamulo ayaa jiray mushahar ku qaadanayay, cidan aan ka yarayn 350 askari badhasaab iyo maayar ku magacaaban deegaankaasi ayaa mushahar ka qaata Somaliland mana aha in ummada la khiyaameeyo, oo marna la yidhaahdo gobol banu ka dhignay buuhoodle marna ay noqoto meel cadowga Somaliland saldhig ka dhigto sidaa darted waxaanu leenahay hadaanu madaxweyne Rayaale ka difaaci karayn Somaliland cadowga ku soo dhuumanaya dalka gudahiisa waa in isaga iyo xukumadiisu-ba ay ummada amaanadeeda u soo celiyaan xilkana iska casilaan, si ay shacabku markaasi u difaacdaan qaranimadooda
:lol: :lol: :lol: :lol: :lol:

http://www.somaliweyn.org/pages/news/Oc ... Oct32.html
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”