Xukuumada Somaliland oo Ka Qayb Gashay Shirweyne Caalami ah oo lagaga hadlayay Cimilada Adduunka
Sweden(Oodweynenews)-Caasimada dalka Sweden waxa lagu soo gebagebeeyay shirweyne caalami ah kaas oo lagaga hadlayey cimilada adduunka iyo sidoo kale faqriga waxa weeye shir la qabto sannadkiiba mar waana kii afraad waxa ugu horeysay sannadkii 2006,
Shirkaas waxa ka soo qayb galay dad aad u badan oo gaadhayey ilaa iyo 4000 oo qof kuwaas oo isugu jira 1500 oo hay’dood oo caalami ah, waxa kale oo ergo soo dirtay ilaa 125 dal oo adduunka ah. Shirka waxa si wada jir ah u wada qabta EU iyo kolba dalka haya madaxnimada Yurub.
Dawlada Somaliland waxa uga qayb galay ku xigeenka wakiilka Somaliland ee dalka Sweden isla markaasna ah ku xigeenka dalada guud ee Jaaliyadaha Somaliland ee Sweden , Mudane Hussein Wadadyare, waxa wakiilku uu ka dhex ololeeyay shirkaas isaga oo maalin iyo habeenba la kulamayey qaar ka mid ah ergooyinka, kuwaas oo u ka dhaadhicnayey qadiyada Somaliland, mar tvsomalilandeurope Hussein telifone ku waraystay waxa uu u sheegay in shaqadu meel fiican u marayso, aanu aad iyo aad ugu faraxsan yahay qadiyada Somaliland oo meel fiican maraysa, muddane Hussein waxa uu ku amaanay in dawlada Somaliland ee hogaaminayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kahin uu maanta adduunka si fiican u baray Jamhuuriyada Somaliland, taas oo u xusay cid kasta oo uu la kulamay in ay garanayeen Somaliland sidoo kalena beesha caalamku aad ugu faraxsan tahay siyaada xukuumada, taas oo meesha ka saaraysa haddalo mucaaradku ku dhaliilan xukuumada oo ay yidhaahdan beesha caalamka waxba lama gaadhsiin, oo lamaba socdaan qadiyadeena.
Hussein waxa kale oo aad u amaanay wasiirka wasaarada arimaha debedda mudane Abdillahi Mohamed Duale kaas oo ku tilmaanay wasiir shaqo badan, sidoo kale waxa uu isna amaan u soo jeediyey Dr. Mohamed Aar danjiraha wareega ee Somaliland kaas oo talooyin fiican iyo warbixino tayo leh u soo diray.
Hussein Wadadyare Madaxdii uu la kulamay oo aad u fara badnaa waxa aan halkan hoose idiinku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah sidoo kale waxa tvsomalilandeurope danjire Hussein leeyahay shaqo fiican baad qabatay sidoo kale waxa aan kula talinaynaa Jaaliyadaha debadu in fadhiga ka kacaan oo ay qadiyada Somaliland dardar geliyaan.
KAMANZI Stanislas - Minister of Natural Resources, Rwanda
BARROSO José-Manuel - President of the European Commission
MITCHELL Gay - Irish Member of the European Parliament
BUZEK Jerzy - President of the European Parliament
DE GUCHT Karel - European Commissioner for Development and Humanitarian Aid
WALLSTRÖM Margot - Vice President in charge of Institutional Relations and Communication
MITCHELL Gay - Irish Member of the European Parliament
BILDT Carl - Minister for Foreign Affairs, Sweden
COMPAORÉ Blaise - President of Burkina Faso
ODINGA Raila - Prime Minister of Kenya
KOROMA Ernest - President of Sierra Leone
DUVIVIER PIERRE-LOUIS Michèle - Prime Minister of Haiti
JOHNSON-SIRLEAF Ellen - President of Liberia
SONJICA Buyelwa Patience - Minister of Water and Environmental Affairs of the Republic of South Africa
IGBUZOR Otive - Director of ActionAid Nigeria
SOROS George - Chair of Soros Fund Management LLC
YUNUS Muhammad - Founder of the Grameen Bank
OBAID Thoraya - Executive Director of the United Nations Population Fund (UNFPA)
WAJED Hasina - Prime Minister of Bangladesh
Xukuumada Somaliland oo Ka Qayb Gashay Shirweyne Caalami ah
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- MrPrestige
- SomaliNet Super
- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 431 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 567 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 2 Replies
- 640 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 4 Replies
- 1302 Views
-
Last post by Alphamale1
-
- 74 Replies
- 3446 Views
-
Last post by biko
-
- 2 Replies
- 379 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 19 Replies
- 4893 Views
-
Last post by lander24
-
- 0 Replies
- 243 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 2 Replies
- 15 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 3 Replies
- 419 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero