Tolow baday ilaalin doonaan?

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Moguul21
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2804
Joined: Tue Jul 15, 2003 7:00 pm
Location: 10,000 lakes
Contact:

Tolow baday ilaalin doonaan?

Post by Moguul21 »

Can you imagine mooryaan patroling Puntland and Somaliland or even Kismayo shores? I can't

Cutubkii labaad oo ka tirsan Ciidamada Badda Soomaaliya oo tababar loo soo gebagebeeyay


Talaado, October 27, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxay tababar u soo gebagebeysay cutubyo ka tirsan Ciidamadeeda Badda Soomaaliya, kuwaasi loo tababaray in ay ilaaliyaan Xeebaha Soomaaliya.

Ilaa 300 oo Askari oo ka tirsan Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa maanta loo soo gebagebeeyay tababar dhinaca ilaalinta Xeebaha ah, waxaana xaflad lagu soo gunaanadayay tababarkaas ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Amiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo ka hadlay munaasabadii tababarkan lagu soo gunaanadayay ayaa wuxuu sheegay in marka la isku daro dufcadan iyo dufcadii ka horreysay iyo macallimiintooda ay hadda Ciidamada Badda Soomaaliya gaarayaan 1000 Askari oo u diyaar ah in ay difaacaan Xeebaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Taliyaha in ay Ciidamada Badda Soomaaliya dhawaan howlgeli doonaan, isla markaana ay la dagaallami doonaan Burcad Badeedka iyo Maraakiibta xaalufiya Kheyraadka Soomaaliya iyo kuwa sunta iyo qashinka ku aasa.

“Ciidamadan wey ku filan yihiin hanashada ammaanka Xeebaha Soomaaliya, tababarka arrintaasna wey qabaan”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo sheegay in Ciidamadan la siiyay tababar aas-aasi ah oo xagga sugidda badda iyo berriga ah.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”