Vampire Stabs 8Year Old Girl And Sucks The Blood Out Of Her.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Vampire Stabs 8Year Old Girl And Sucks The Blood Out Of Her.

Post by zingii »

Gabar yar oo duleedka Hargeysa uu Dhiigga kaga jaqay Nin aan la aqoonsan & Booliska Somaliland oo ka hadlay

Arbaco, 28 October 2009 (HOL): Nin aan la aqoonsan oo la sheegay in uu Dad-qal yahay, ayaa shalay Gabadh yar oo da’deedu ilaa 8 jir tahay ku dal-dalooliyay Mindi, isla markaana Dhiigga ka jaqay deegaanka Xaabaale oo ilaa 15 Km dhinaca Koonfureed ka xiga Magaalada Hargeysa.

Image

Gabadhan yar oo lagu magacaaby Rooda Ibraahim Xuseen, ayaa la sheegay in waqtiga uu Dad-cunku helay ay la joogtay Adhi. “Inanta yar oo Adhi la joogta, ayaa waxa ku soo baxay Nin dad-qal ah oo Mindiyo sita, markay aragtay ayay ka baxsatay, isaguna wuu eryaday, waxayna ku dul kuftay Oodo qodxa leh. Dabeed wuu qabtay, si ayna u qaylin ayuu afka qabtay oo uu dhawr meelood oo jidhkeeda ah ayuu Middiyo ka galiyey, sida qoorta, gacanta iyo meelo kale. Ciddiyihiisa ayuu ku mudmuday, waxaanu ka jaqay dhiigga.” Sidaa waxa tidhi Gaasira Xaabsade oo ayeeyo u ah Rooda Ibraahim Xuseen oo ah inanta yar ee dad-qalku waxyeelada u gaystay. Waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, “Markaa waxa dhacday maanta [shalay] abbaaro saddexdii galabino, ayaan inanta yar ku soo baxay iyada oo meel jiifta oo wejigeeda iyo gacmaheeda dhiig ka socdo, kadib waxaan ula soo cararay cusbitaalka, iyada oo hooyadeed iyo aabbaheed joogeen magaalada Hargeysa. Markii ay hooyadeed oo magaceedu yahay Caasha Maxamed aragtay inanteedii yarayd oo dhiig ka socdo, ayay suuxday oo koomo gashay welina sidii ayey tahay,” ayay tidhi ayeeyo Gaasira Xaabsade.”

Dhinaca kale, taliyaha booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad ayaa ka hadlay arrintan. “Inanta yar cusbitaalka ayaa la keenay, arrintaana waanu ku hawlanahay, waxyaabahan kale ee maalmahan la isla dhexmarayey ee la leeyahay bahalbaa magaalada soo galay, waxba kama jiraan, cid wax noqotayna ilaa imika inantaa yar ayuun baanu haynaa.” Ayuu yidhi Taliyuhu.

Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland ayaa labadii maalmood ee laga soo gudbay dalka ka masaafurisay laba nin oo Itoobiya u dhashay, kuwaas oo qaba Cudurka Juudaanka. Dhacdooyinkan ayaa ku soo beegmay waqti ay dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa maalmahanba isla dhex marayeen in Bahallo dadka cuna iyo dad-qal ay soo baxeen, kuwaas oo cabsi badan ku abuurtay dadka magaalada ku dhaqan. Hase ahaatee, Saraakiisha Ciidamada Booliska oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in ilaa hadda aanay jirin cid arrimahaasi la soo derseen, marka laga reebo Inantan yar.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Vampire Stabs 8Year Old Girl And Sucks The Blood Out Of Her.

Post by Cali_Gaab »

It's been posted a couple times before.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Vampire Stabs 8Year Old Girl And Sucks The Blood Out Of Her.

Post by zingii »

Vampires in Somalia?

what tha heezy. :|
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”