Dhaqdhaqaaqa Gancsiga Xoolaha ee Sayladda Burco oo Kor u Kacay
Burco (Oodweynenews)- Dhaqdhaaqyada sayladda xoolaha ee magaalada Burco ayaa kor u kacay toddobaadkii u dambeeyey, kadib markii uu diiray dhoofka xoolaha nool oo beryahan dambe aad u liitay.
Sicirka qiimaha lagu kala iibsanayo adhiga ahminka ah waxa uu hadda marayaa inta u dhexaysa $50 - 58 doollar, waxana maalin walba sayladda Burco lagu kala iibsadaa xoolo aad u badan.
Saciid Cali Daad oo ka mid ah dilaaliinta sayladda xoolaha Burco, ayaa Jamhuuriya u sheegay inuu maalmihii dambeeyey si xoog leh kor ugu kacay iibka xoolaha nool, kadib markii ay suuqa soo galeen dhawr shirkadood, gaar ahaan shirkadaha Indha-deero iyo Al-jaabiri.
Mr. Daad waxa uu sheegay in maalintii sayladda lagu kala iibsado adhi gaadhaya 1500 - 2000 neef, sicirka la kala siistaana yahay inta u dhexaysa $50- 58 dollar neefkiiba, isla markaana maalinba maalinta ka dambaysa xoolaha sayladda yimaad sii kordhayaan.
Xoolaha nool ee lagu iibsado sayladda Burco oo isugu jira geel iyo adhi waxa loo dhoofinayaa dibadaha, gaar ahaan dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo xoolo tiro badan loo dhoofiyo sannad kasta bisha Carrafo ee hadda foodda innagu soo haysa.
Sannad kasta xilligan oo kale waxa kor u kaca xoolaha lagu kala iibsado guud ahaan sayladaha dalka Somaliland , gaar ahaan sayladda Burco, iyadoo qiimaha neefka xoolaha ahna aad kor ugu kaco.
Xoolahan waqtigan lagu kala iibsanayo sayladda Burco waxa loogu talogalay in xilliga Xajka loo dhoofiyo dalka Sucuudiga.
Sidoo kale, waxa iyana sayladda xoolaha ee Burco si caadi ah uga socda iibka adhiga qalliinka, waxana xilligan sayladdu xaamiga tahay ka xoogsada dad iyo gaadiid tiro badan oo dhaqaale fiican ka soo galo.
Mr. Keyse Axmed Digaale oo shalay booqday sayladda Burco, ayaa ku tilmaamay goob camiran oo uu ka socday dhaqdhaqaaq xooggan oo lagu kala iibsanayey xoolaha nool.
Si kastaba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqa ganacsiga xoolaha ee ka socda sayladda Burco ayaa u ekaa mid aad uga duwan muuqaalladii toddobaadyadii ka jiray halkaas.
TogdheerNews..Burco.
http://www.oodweynenews.com/display_pag ... leid=11742
Dhaqdhaqaaqa Gancsiga Xoolaha ee Sayladda Burco oo Kor u Kac
Moderator: Moderators
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 359 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 247 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 3 Replies
- 274 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 4 Replies
- 738 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 4 Replies
- 510 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 5 Replies
- 587 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 20 Replies
- 2816 Views
-
Last post by Ka darag
-
- 0 Replies
- 296 Views
-
Last post by Deqa111
-
- 10 Replies
- 1005 Views
-
Last post by X.Playa