Wararkii Wargayka YOOL, Ee Maanta Halkan Ka Akhriso

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Wararkii Wargayka YOOL, Ee Maanta Halkan Ka Akhriso

Post by MrPrestige »

Wararkii Wargayka YOOL, Ee Maanta Halkan Ka Akhriso
Written by YOOL
Oct 30, 2009 at 06:50 AM

Xuska Baroordiiqda Qarxyadii Hargeysa oo Kulmisay Siyaasiyiinta Somaliland iyo Siilaanyo oo Maqnaaday



"Ragga falalkaasi Fuliyay Somalilanders baa u badnaa, dad kalena way inagula jireen waad ogtihiin inay qaar inaga mid ahi Koonfurta (Soomaaliya) ku maqan yihiin"

Madaxweyne Rayaale



"Anagu Xadku wuxuu noo Dhaxeeyaa Soomaaliya, Dal iyo reerna isma qabsadaan. Markii hore waxa jirayn uun Somaliland iyo Soomaaliya Dal Saddexaad kuma dhex jirin"

Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(Yool Munaasibadan ballaadhan oo loogu baroordiiqayo dadkii ku dhintay Qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee la la beegsaday 29-kii Octopar 2008-dii Qasriga Madaxtooyada, Safaarada Ethiopia iyo Xarunta Qaramada Midoobay ee UNDP, ayaa lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada. Qaraxyadaasoo ay ku naf waayeen inta la ogsoon yahay 24 qof, halka dhawr iyo Soddon kalena ay ku dhaawcmeen.

Munaasibadan loogu baroodiiqayey shuhadadii ku geeriyooday iyo kuwii kale ee ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Hargeysa 29-kii Octopar 2008-dii, ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, Mas'uuliyiinta Qaramada Midoodbay, Wakiilka Ethiopia u jooga Somaliland iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Xafladan waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiiro, culmi tiro badan, qaar ka mid ah eheladii dadkii ku dhintay qaraxyadaasi, hase yeeshee waxaan isagu munaasibadaa ka soo qayb gelin Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Shirguddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiilada.

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa xidhmooyin Ubax ah oo loogu baroordiiqayo dadkii dhacadaas ku naf waayey, waxa uu qotomiyey mid ka ah goobihii lala beegsaday Qaraxyadaas oo ah xarunta Madaxtooyada, waxaanu hadalo kooban oo uu halkaa ka yidhi ku xusay khasaarihii shacbiga Somaliland ka soo gaadhay iyo in looga baahan yahay in meel looga soo wada jeesato dhammaan cidii wax yeelaynaysa nabad gelyada aynu ku naaloonayno.

"Kulankani wuxuu ka turjumayaa inaan xusuus u sameyno wixii qarankeena ku dhaca oo qaraxyadani ay ahayd tii ugu darnayd. Dhacdadani waxay ahayd mid lala beegsaday qaranimadeena waliba xili xasaasi ah, oo ay ugu tallo galleon illaahay kama aqbaline'e in Somaliland halkaasi ay ku dunto oo lagu kala tago,maalintani waxay noqon doontaa maalmaha aynu xasuusano, waayo waa inaynu dadkeena xasuusinaa wixii ku dhaca."

"Raga falalkaasi Fuliyay Somalilanders baa u badnaa, dad kalena way inagula jireen waad ogtihiin inay qaar inaga mid ahi Koonfurta (Soomaaliya) ku maqan yihiin oo ay falalkii inaga la inagu fuliyay ku tilmaameen qaar xaqa,run ahaan waxa caalamka Islaamka ka soo baxay fidnad diinta laga fidnaynaayo, waxa inala gudboon inaynu habka loola dagaalamayo kaga dayano dalalka Islaamku siday ula dagaalamayaan." Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Waxaanu intaasi ku daray, "Kutub la akhriyo ayaanu hadda haynaa oo aayadaha iyo axaadiista badhna laga tago badhna la soo qaato oo la leeyahay jihaad baad ku jirtaaye'e xataa Aabahaa iyo Hooyadaa haddii aad disho waa kuu xalaal.markaa dagaalkan inagu socda ma aha in laga aamusee waxa loo baahan yahay in laga hadlo.culimada waxaan u soo jeedinayaa inaynu sameyno fadwo diini ah, oo Wasaarada Diintu ay hormuud u noqoto, oo fadwadaasi lagaga hadlo dagaalkan diin la'aanta ummadeena u horseedaaya."

Md. Rayaale wuxuu u mahad naqay dawlada iyo Madaxweynaha Jabuuti oo uu sheegay inay gacan weyn ka geysteen dawaynta dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi oo intii dhaawacoodu cuslaa loo qaaday dalkaasi.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay inuu beesha caalamka ugu baaqayo in nabadgelyada Somaliland oo la adkeeyaa ay dan badani ugu jirto beesha caalamka iyo dalalka dariskaba sida Itoobiya, Jabuuti iyo dalalka kale ee ku yaala mandaqadaba.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka waranka xuska maalintan ka sokow ka hadlay hadalo ka soo yeedhay saraakiil ka tirsan Maraykanka iyo Qaramada Midoobay, waxaanu yidhi: "Waxaan jecelahay inaan ka hadlo nin Congress- men ah oo shalayto hadlay oo yidhi maamulada Somaliland iyo Garoowe ayay dhibaato u dhaxaysaa. Waxaanu u sheegaynaa Anagu xadku wuxuu noo dhaxeeyaa Somalia, dal iyo reerna isma qabsadaan. Markii hore waxa jirayn uun Somaliland iyo Somalia dal sadexaad kuma dhex jirin. Waxa kale oo aan ka hadlayaa nin qaramada midoobay ka tirsan oo yidhi Dawlada Shariifku nabad gelyo ayay ku talaabsatay, Anagu meeshaasi nabad gelyo kuma aanu arag, malaa nabad gelyada waxa uu u yaqaanaa markay madaafiicdu badato."

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sh. Maxamuud Suufi Maxamuud, culimo kale iyo Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, kuwaasi oo ka waramay sida loogu baahan yahay in bulshada looga digo wixii ku kacaya falal argagixiso.

Dhinaca Kale waxa isaguna xafladaasi ka hadlay sarkaal ka socday Haayada UNDP.

Dahabshiil oo Adeeg Casri ah ku soo Kordhiyey Isticmaalka Adeega Xawaaladda

Hargeysa(Yool)-Shirkadda xawaaladda lacagaha ee Dahabshiil, ayaa shaaca ka qaaday inay qorshe cusub oo casri ah, noociisana hore loogu isticmaalin ku soo kordhisay adeegyada xawaaladaha ee shirkaddu u qabato macaamiisheeda.

Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey ku dhawaaqista adeegga cusub ee Dahabshiil soo kordhisay oo shalay lagu qabtay huteelka Ambassodor, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiin iyo siyaasiyiin isugu jiray wasiirro xukuumadda ka tirsan, madaxda asxaabta mucaaradka, aqooyahan, madaxdhaqameed iyo marti-sharaf kale oo badan.

Adeegga cusub ee Dahabshiil ku soo kordhisay habka isticmaalka lacagaha shirkaddu u hayso dadweynaha oo la yidhaahdo Dahabshiil eCash ama Dibit Card, waa nidaam casri ah oo qofka xisaabi furan ku leh shirkaddu ku isticmaali karo meel kastoo adeeggaas laga helo, isagoo isticmaalaya kaadhka lacagaha lagula baxo, iyadoo qofku u isticmaali karo baahiyihiisa gaarka ah sida wax iibsiga, bixinta biilasha iyo lacagaha jaamacadaha iyo dugsiyada.

Maareeyaha Guud ee Hawlgallada shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdi Faarax Axmed oo ugu horreyn halkaa ka hadlay, ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey , ayaa sheegay in shirkadda Dahabshiil oo ay caado u tahay inay kolba dalka ku soo kordhiso nidaamyada cusub ee dunida ku soo kordha ay bilowday nidaam cusub oo aan inta badan Afrika gaadhin.

"Dahabshiil Debit Card amma Dahabshiil eCash waa tiknoolaji cusub oo ka duwan waxyaabihii aanu hore ugu shaqayn jirnay, kaasoo ah mid qofku meeshii uu doono oo aan xafiisba ahayn uu ka adeegan karayo, wax kaga iibsan karayo, isagoo kaadhkiisa lacagta kula baxaya. Waa tiknoolaji casri ah oo Yurub iyo Maraykan uun ka jira, waxaan filayaa adeegaa Afrika badankeeda in aan laga isticmaalin," ayuu yidhi Cabdi Faarax, waxaannu intaa raaciyey, "Nidaamkani waxa uu si rasmi ah u bilaabmi doonaa isaga oo Online ku xidhan 1-da bishan November."

Cabdi Faarax Axmed waxa uu sheegay in adeegan cusub ee casriga ahi uu yahay mid kor u qaadaya adeegyadii shirkaddu u haysay macaamiisheeda, isla markaana waqti kasta macmiilka isticmaalaa uu fursad u helayo inuu lacag ka qaado xisaabtiisa uga furan shirkadda. Waxa kale oo uu xusay in kaadhka loo isticmaalayo adeegan casriga ah uu yahay mid aad loo adkeeyey ammaankiisa dhaatada ku jirta iyo lafiisaba.

"Qalabkan waxaannu dhigaynaa goobo badan oo ilaa 20 gaadhaya, sida dukaanada waaweyn, hudheelada, kaalmaha shidaalka iyo meelaha dadku isagu yimaadaan oo dhan," ayuu yidhi Maareeyuhu.

Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo munaasibaddaas ay ku soo bandhigeen adeega casriga ah, ayaa khudbad uu ka jeediyey waxa uu kaga dhawaaqay in dhawaan shirkaddu soo kordhin doonto adeegyo kale oo casri ah iyo weliba telefoono isgaadhsiineed.

Waxa kale oo uu ka waramay Cabdirashiid adeegan casriga ah (eCash) oo uu sheegay in aannu ahayn mid si fudud ku yimi, balse hawl, fikir, lacag iyo wakhti fara badan la geliyey, taas oo uu ugu mahadnaqay shaqaalaha shirkadda ka hawlgala. Waxa kale oo uu xusay in adeegan eCash ee ay hirgeliyeen oo ka mid ah tijnoolajiyadda casriga ah uu kaalin weyn ka qaadanayo xafidaada hantida dadweynaha.

"Adeegan cusub ee Cash maadaama uu waddanka ku cusub yahay, maadaama dad badani weli xog badan ka haysan waxaannu ugu talogalnay saddexda bilood ee ugu horreeya in aan dadku wax lacag ah bixin, kharashka ku baxayana dhammaantii shirkaddu bixiso," ayuu yidhi Cabdiraxshiid.

Maamulaha Guud ee Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid, waxa uu sheegay in shirkadoodu dhawaan Somaliland ka hirgelin doonto baan ganacsi oo casri ah, kaas oo waafaqsan nidaamka diinta islaamka iyo shirkad telefoon oo soo kordhin doota qalab casri ah.

"Waxa kale oo aad la socotaan inay jirto shirkad telefoon oo aanu ugu talogalno in adeegyada casriga ah ee ugu dambeeyey sida GSM ama Internet-ka adiga oo suuqa maraya in aad Internet-ka ka heshid, taasina waqti aan sidii u fogayn ayey soo dhammaystirmi doontaa," ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna ka hadlay munaasibadaasi, ayaa adeega casriga ah ee shirkadda Dahabshiil ku dhawaaqday ku sifeeyey hal-abuurnimo ay shirkaddu caan ku tahay.

Md. Siilaanyo waxa uu xusay in Dahabshiil kaalin aad u weyn kaga jirto dhismaha iyo horumarka dalka Somaliland, gaar ahaan arrimaha bulshada ee waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo shaqo-abuurista.

"Caalamka may horumarin siyaasiyiintu, tusaale ahaan waddamada horumaray sida Ingiriiska taariikhdiisii hore marka eego, markay dunida qabsadeen sida qaaradda Aasiya kuwii ugu horreeyey ee tagay waxay ahaayeen shirkado ganacsi ee may ahayn dawladda, laakiin maamulkii dawladdu waxay ka dabatageen shirkadihii hal-abuurka lahaa. Maamuladda intood badan, waatii la yidhi siyaasadda ha la iska dhawro ee waxba ku baydhbaydhimaayee, waxaan u malaynayaa in aan hal-abuur badana laga sugayn, tallaabana la qaadayn haddii meelaha qaar la isku halleeyo ee ha innagu bataan Dahabshiilladu, ha inagu bataan dhiirigelinta iyo dadka maskaxdoodu furan tahay," ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Guddoomiyaha KULMIYE.

Murrashaxa jagada Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa adeega Dahabshiil soo bandhigay la xidhiidhiyey falsafadihii kala dandambeeyey ee dunidu soo martay, sida isku xidhnaanta adduunyada (Globalization) iyo tiknoolajiga casriga ah (Modernity), waxaannu tilmaamay in shirkadda Dahabshiil tahay astaan ugu horreysa somaliland horumarkaas.

"Anigoo labadaas arrimood ku qadarinaya waxaan leeyahay shirkadda Dahabshiil waad mahadsan tihiin, waxaad naga dhigteen in aan labadaas fikradood adduunyada ka hadhin. Waxaad tihiin adeega ugu weyn ee Somaliland astaanteeda ah," ayuu yidhi Dr. Maxamed-rashiid, waxaannu intaa ku daray, "Adeegyada Dahabshiil u fidiso Somaliland maaha oo keliya lacagta oo ay inoo fududayso iyo dadka qurbaha inaga jooga sidii ay inoogu xidhi lahayd, laakiin hawlaha kale ee ay ka qaybqaadato waxa ka mid ah dabcan caafimaadka, waxbarashada, dhaqanka iyo suugaanta. Waxaasi maaha wax aan iskaga hadlayo ee in badan ayaanu Dahabshiil isugu nimi goobahaas."

Wararkii ugu Dambeeyey ee Dagaalada Magaalada Gaalkacyo

Galkacyo(Yool/AllPuntland)-Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay wali socdaan dagaalo udhaxeeya ganacsatada Waqooyiga ee magaalada Gaalkacyo iyo Maleeshiyaad ka soo jeeda Maamulka Galmudug.

Dagaalada oo bilowday subaxnimadii hore, ayaa geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gadhay labada dhinac, waxaana dhinaca Waqooyiga ee magaalada kaga dhintay dagaalkaasi, sida ay sheegayaan goobaha caafimaadka dad gaadhaya 4 qof, halka ay kaga dhaawacmeen dad ka badan 20 ruux, sida uu APL u sheegeen Saraakiil Caafimaad.

Koonufurta Magaalada, ayaa Wararka laga helayo deegaanku waxa ay sheegayaan inay jiraan khasaare, isla markaasna ay dhinteen tiro aan sugneyn oo ah dhinicii ku jiray dagaalka iyo dad shacab ah oo rasaastu haleeshay.

Labada dhinac ayaan wali ka hadlin dagaalka, waxaana Maamulka Puntland ay sheegeen in ay hada ku jiraan dadaalo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dagaaladaasi.

Odayaasha dhaqanka ee dhinaca Koonfureed oo la xaqiijiyey in ay saakada dagaaladan bilaabeen, ayaa sheegay in ay ku jiraan dadaalo ku aadan sidii loo joojin lahaa dagaaladaasi, ayagoo sheegay in aad uga xun yihiin falkaasi.

Maamulka Puntland ee ku sugan magaalada Galkacyo ayaa leh wada xaajoodyo ku aadan xaaladahan soo kordhay, waxa ayna aad uga careysan yihiin talaabadii ay ciidamo taabacsan Galmudug Shalay subax weerarka ugu qaadeen Duqa Magaalada Gaalkacyo Cabdirixmaan Xaaji Xasan.

Duqa magaalada ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray qarax bam oo saaka lugu qaaday, markii uu hor-socday Shaqaalaha dawladdaha Hoose oo ku jiray dar-dar ku aadan wanaajinta bilicda Magaalada Gaalkacyo.

Dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, ayaa lasheegay in aysan galin ciidamada dawladda Puntland ee ku sugan magaalada Gaalkacyo, balse ay galeen oo kaliya ganacsatada magaalada iyo ciidamada dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo oo saaka weerar lugu soo qaaday.

Mareykanka oo Diiday Bixinta Raashinkii uu siin Jirey Hay'ada WFP

Nairobi(Yool/AllPuntland)-Dawladda Mareykanka, ayaa xanibaad ku soo rogtay raashin ay siin jiratay hay'ada cuntada aduunka ee WFP lana geyn lahayd Soomaliya, ka hor inta ay dhamaanayaan baadhitaano lagu wado dadka qaata qandaraasyada ee xidhiidhka la leh WFP oo Koonfurta Soomaliya u qaabilsa.

Baaritaanada ragan lagu hayo ayaa salka ku haya kadib markii la helay xogo ku saabsan in ay xiriir la leeyihiin ururarada islaamiyiinta ee k/Soomaliya ka dagaalama.

Diidmada ay dawladda Mareykanka ay diiday in ay siiso hay'ada WFP raashinka galeydaoo ay bixin jirtay ayaa lala xiriirinayaa naas nuujin la ogaday in kooxaha islaamiyiinta ah ay ka helaan qandaraaslaayasha WFP.

Hay'ada WFP ayaa ah mida kaliya ee sanadihi ugu dambeeyey ka shaqeynayey Koonfurta Soomaliya oo ah meel ay ka aloosnaayeen dagaalo aan dhamaad lahayn.

Ururka Liibaan oo Kulan ku Qabtay Magaalada Bristol

Bristol(Yool)-Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Bristol ee Cariga Ingiriiska, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay dhismaha Urur maxali ah oo ka shaqayn doona Badbaadinta arimaha bulshada.

Munaasibad qada sharaf ah oo loogu wanqalay soo ifbaxa Ururka oo lagu qabtay isla Magaaladaas ayaa xubnihii ka soo qaybgaly oo u badnaa aaasaasayaaasha Ururka, ayaa dhammaantood waxa ay ka wada xog-warameen faa'iida Ururkani u leeyahay Bulshadeena iyo baahiyaadlka waqtigan loo qaboKulankaas oo qaatay waqti dhan 2:30 ayaa waxa intii uu socday waxa si weyn loogu gorfeeyay sidii wax looga qaban lahaa waxyaabaha la xidhiidha arimahan, kuwaasoo xubnihii kulankaa isgu yimi kaga wada hadleen waxyaaabaha inta badan dabarka ku noqday, kuwaaasoo u baahan in loo galo dedaal lagu waajahayo si wada jir iyo wada shaqayn.Xubnihii ka socday Ururka LIIBAN UK oo uu hogaaminayay Gudgoomiye Md. Cabdiqaadir Siciid Aadan, oo isaguna munaasibadaa hadal ka jeediyey, ayaa aad uga mahad celiyay Jaaliyada una sheegay inay tahay Gobolkii koowaad ee si wayn oo bilaa hagrasho ah ugu soo dhaweeyay, waxaana aad loogu dheeraaday intii kulanku socday dhawr arimood oo ay ka mid yihiin dayaca deegaanada ay bartilmaameedka ka dhiganayaan, taasoo u muuqatay in lagu hanbaabaray dayaca bulshadeenu la daaladhacayso Gobolada Somaliland qaar kamid ah, Gobolada sida gaarka ah loogu bartimaamedsady kulankaaa waxa ka mid ahaa kuwa ay ka soo jeedaan dhalinyarada Sawiradooda xafladaas lagu soo bandhigay, kaasoo ah Magaalo-madaxada Gobolka Togdheer ee Burco.

Si kasta ha ahaatee, Jaaliyadaayaa, waxa ay u balanqaaday Ururkaa cusub ee LIIBAAN UK inay wada shaqayn buuxda la yeelan doonaa wixii taageero ahna aanay waxba ka hagranayn.



Wargayska Yool


Qarannews
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”