

the official casualty is= North 4 dead 32 injured,,,, Baraxley =6 dead 29 injured.
Dhanka waxaa maanta si rasmi ah u bilowday howlihii burburinta goobaha sharci darrada ah ee ku yaallay Suuqa ee magaalada Galkacyo iyo bartamaha magaalada kuwaasi oo ay ku hawlaneyd dawladda hoose degmada Galkacyo dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyey.
Shaqaadan burburinta goobaha sharci darrada ah iyo bannaynta waddooyinka suuqa magaalada ayaa ahaa kuwo bilowday 29 bishaan hase ahaatee waxaa hakid ku yimid kadib markii maalintii khamiista ahayd ee todobaadkii la soo dhaafay burburtinta goobahaas uu ka dhashay iska horimad dad ku dhintay kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.
Waxaana waanwaan iyo wada hadal dheer oo ay wadeen ganacsatada iyo waxgaradka magaalada lagu guulaystay maanta shaqadii burnurtinta goobaha sharci darada ah iyo bannaynta waddooyinku in ay dib u bilaabato.
Shaqadaasi maanta waxaa ku hawllanaa isla markaana goobaha burburinayey ganacsatada magaalada oo si is xilqaan ku jiro u bilaabay in ay burburiyaan goobaha ganacsi ee sida sharci darrada ah ku dhisan, halkii horay ciidanka degmadu ay farahood ku jajabinayeen dhismayaashaasi.
C/fitaax Cumar Geeddi
Idaacadda Daljir