Coup D'Etat Against Sheik Dalxiis

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Coup D'Etat Against Sheik Dalxiis

Post by AbdiWahab252 »

If this materializes, its game over for the Sheik Dalxiis regime.


Topnews:-Qaybdiid,Dhagaxtuur iyo Jiinoow oo xilalka laga qaadaa.

Mogadishu 01 November 2009 Waagacusub Media.

Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed ayaa qoobka Ciyaar ugu jira sidii uu xilalka uga xayuubin lahaa Taliyaha Boliiska Somalia Abdi Hassan Awale Qaybdiid,Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna Maayarka Mogadishu Mohamed Osman Dhagaxtuur,Agaasimaha Dekadda Mogadishu Abdi Jiinoow iyo Maareeyaha laanta Saadaasha hawada Korneyl Bilooto.
Afartaan masuul ee seefta xilka qaadista dul saaran tahay ayey xulufadda Madaxweyne Shariif ugu magacdareen ,Haraadiga TNG ama Dowladii Abdullahi Yusuf Ahmed.

(English) (Music) (Cheif editors) (Diinta) (Sports ) (Radio) (TV) (Sheeko)


Taliye Qaybdiid oo u dhashay beesha Hawiye wuxuu yahay ninka keliya ee beesha Sacad xil uga haya dowladda Federalka marka laga reebo Ibrahim Hassan Cadow oo Aag 1aad aan taageero ka heysan balse la saaxiiba Madaxweyne Shariif.
Lama oga waxa uu fali doono Jeneral Qaybdiid marka lagu dhawaaqo wareegtada xilka qaadistiisa hasse yeeshee waxaa lagu xasuustaa jabhadnimo iyo dagaalo wejiya badan oo uu la galay xitaa golahii Maxaakiimta ee koofurta Somalia ka barakacay horaantii December 2006.


Gudoomiye Mohamed Osman Dhagaxtuur oo u dhashay beesha Hawiye,gaar ahaan Harti Abgaal waxaa la rumeeysan yahay inuu Shariifka u colaadinayo beelnimada hoose ee ay wadaagaan hasse yeeshee waa nin taageero weyn ku dhex leh Shacabka Soomaaliyeed,waxaana lagu qadariyaa inuu yahay ninkii ugu horeeyay ee maamulka gobolka Banadir ka dhex saaray ,xifaaltankii qabyaaladeeysnaa ee la degay maamuladii ka horeeyay.
Madaxweyne Shariif hadii uu xilka qaadis ku sameeyo Mohamed Osman Dhagaxtuur waxaa laga yaabaa inay sabab u noqotay fashil ku habsada dowladiisa sababtuna waxay tahay xitaa beesha Caalamka waxay aqoonsan tahay in maamulka gobolka Banadir uu yahay maamulkii ugu horeeyay ee si dimoqoraasiya loo doortay ,wixii ka dambeeyay sanadkii 1946.
Maamulka gobolka Banadir wuxuu dayactir ku sameeyay Xarumo badan oo dowladda leedahay,wadooyin iyo masaajida,wuxuuna kaalmooyin u qeeybiyay shacabka tabaaleeysan ee ka barakacay gobolka Banadir,waxaana loo tirshaa awooda Ciidan ee had iyo jeer dagaalada hubeeysan la gasha kooxaha Mucaaradka.
Agaasimaha Dekada Mogadishu Mr Abdi Jiinoow oo ah ganacsade u dhashay beesha Hawiye waxay xilka qaadistiisa halis gelin kartaa siyaasadda Madaxweyne Shariif oo aan hore u heeysan inta badan taageerada beesha Mudulood,gaar ahaan reerka uu ka dhashay ee Warsengeli Harti.
Warsengeli Harti Abgaal waxay Madaxweyne Shariif u arkaan nin qorshahiisa ugu weyn tahay sidii uu cuuryaamin ugu sameeyn lahaa beesha Warsengeli,waana sababta hogaamiyeyaal ay ka mid yihiin Ali Mohamed Geeddi,Mohamed Dheere,Abdulkadir Eenoow iyo Xaaji Abuukar Cumar Cadaan uga soo horjeedaan dowladda Federalka Somalia.
Xilka qaadista lagu sameeynaa afarta masuul waxay siyaasiyiinta qaarkood ku macneeyeen,suulin dowladda Federalka looga ciribtiraa hogaamiyeyaashii ka tirsanaa dowladii TFG,waxaana hore u jirtay in Madaxweyne Shariif gebi ka dheer ka tuuray Masuuliyiin laga xusi karo Ahmed Abdi Salaan,Nur Cadde iyo Mustafe Dhuxuloow.
Dowladda cusub ee Somalia waxaa hore loogu yeeri jiray dowladda Midnimada Qaran,waxayna noqotay dowladii ugu taageerada badneed ee ka dhalata koofurta Somalia tan iyo wixii ka dambeeyay markii la riday kacaankii 21 sano,26 January 1991
User avatar
TrophY-WifeY-
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3208
Joined: Thu May 29, 2008 7:12 pm
Location: Married to John Legend :)

Re: Coup D'Etat Against Sheik Dalxiis

Post by TrophY-WifeY- »

Aw

do you expect me to read all that :mrgreen:
rabanam
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 442
Joined: Thu Oct 15, 2009 1:55 pm

Re: Coup D'Etat Against Sheik Dalxiis

Post by rabanam »

AbdiWahab252, what's wrong with firing adeer Qeybdiid?
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Coup D'Etat Against Sheik Dalxiis

Post by AbdiWahab252 »

rabanam wrote:AbdiWahab252, what's wrong with firing adeer Qeybdiid?

Arabman,

He is the only man who has mobilized a force that is capable to keeping the security. A government without Qeybdiid is like the Makhamiinta without Shabab, TOOTHLESS.
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Coup D'Etat Against Sheik Dalxiis

Post by Executive »

He needs to replace them with decent ppl.

Mohamed Dheere and some other guys maybe....
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Coup D'Etat Against Sheik Dalxiis

Post by AbdiWahab252 »

Executive,

Perhaps Mujahid Xabsade & his militia need to take on the job :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”