Guddida Joogtada ee Golaha Wakiilada JSL Oo Daboolka ka qaaday Inay shirgudoonka u gudbiyeen anshax-marinta laga qaadi doono mudanayaal Si Sharci Darro Ah U Tegay Shir ka dhacay Jabuuti iyo Nuxurka Go’aan ay hore u ansixiyeen Baarlamaanka Somaliland
Hargaysa (Oodweynenews)- Guddida Joogta ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shaaca kaqaaday in talaabo anshax marin ah laga qaadi doono mudanayaal katirsan golaha wakiilada oo iyagu shalay u baqoolay shirka ka dhacay Magaalada Jabuuti, oo ay ka qayb gelayaan Xildhibaano ka socoda Barlamaanada Somaliya, Puntland iyo Somaliland, kaas oo ay soo abaabushay Hayada UNDP, isla markaana lagaga hadli doono ka hortaga Cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS.
Sidaana waxaa daboolka ka qaaday xubno ka mid ah Guddida Joogtada ee Golaha Wakiilada oo maanta Shirjaraaid ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada ee Magaalada Hargeysa, waxaanay sheegeen xildhibaanadaasi in mudanayaasha tegey Shirka Jabuuti ay ku xad-gudbeen isla markaana uu qaban doono qaraar laba aqal ee Wakiilada iyo Guurtida ansixiyeen, kaasoo dhigayey cidkasta oo Somaliland ku abtirsada oo ka qayb gasha shirku saabsan arrimaha Somaliya in loo aqoonsado doona dambiile ku kacay Khiyaamoqaran.
Xoghayaha Guddida joogtada ee Golaha Wakiilada Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa sheegay in aanay guddida joogto ahaan waxba kala socon socdaalka ay mudanayaasha golaha Wakiiladu ka tirsani ay ku tegeen shirka Jabuuti, isagoo xusay in ay talaabo anshaxmarin ah ugudbiyeen shirgudoonka Golaha wakiilada.
“Waxa jira niman xidhibaano ah oo tegay Jabuuti iyo kuwo ka hadhay, kuwaasi ka gaqayb-galaya shir ay ku kulmayaan Xildhibaano kala socda Baarlamaanada Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya iyadoo Somaliland-na laga dhigayo Gobol ka mid ah Soomaaliya. waxa xildhibaanadaasi haysta qaraar sharci oo labada gole ee baarlamaanku anshixiyeen 2003-dii oo dhigayay in aymamnuuc tahay ka qaybgalka shirarka Soomaaliya.”Ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.
Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaanu idiin sheegaynaa haddii aanu nahay Guddida Joogtada ee Wakiilada in aanaan waxba ka ogeyn, anigu waxba kama qaban karno ee shirgudoonka ayaanu anshax-marinta xildhibaanadan u gudbinaynaa.”
Mudane Maxamuud Axmed Obsiiye oo ka mid ah mudanayaasha GuddidaJoogtada ah ee Golaha Wakiilada, ayaa ku tilmaamay ka qayb qalka shirka Jaabuuti mid Nusqaan ku ah qaranimada Somaliland, waxaanu xusay in siyaasiyiinta Somaliland looga baahan yahay in ay iibgeeyaan madaxbanaanid Somaliland.
Geesta kale waxay mudanayaashani tacsi u direen qoyskii, qarabadii,eheladii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii 12aad eeqaranka Cismaan Yuusuf Nuur oo lagu dilay Qaraxyo ka dhacay MagaaladaLaascaanood oo lala beegsaday.
Waxaana Xildhibaanadu halkaas ku soo bandhigeen nuxurka go’aan ay Golayaasha Wakiilada iyo Guurtid ka soo saareen dadka Soomaliland udhashay ee ka qayb gala shir ku saabsan arrimaha Somaliya cid kasta oo ay tahay-ba.
Go’aankaasin waxa uu u dhigan:-
Barlamaanka Somaliland: Markuu Arkay: Qodobada 1-aad, 34-aad, 37-aad, 38-aad, 61-aad, 127-aadm128-aad & 130-aad ee Dastuurka JSLMarkuu Arkay: Go'aanadii Dib-ulasoo Noqonshada Madaxbaanida QaranimadaJSL ee Shirwaynihi burco 1991-kii laguna ayiday Shir-waynihi Borama1993-kii iyo Hargeysa 1997-kiiMarkuu Arkay: Natiijadii Aftida Dastuurka JSL ee May 2001, LagunaXaqiijiyey Gooni isu taaga iyo Madaxbaaninda JSL markuu Arkya: In Shirkasta oo Somaliya yeelato uu kah or imanaayoGo'aamad kor ku sheegan.
Wuxu Go'aamiyey:-
1. In cid alaale iyo cidiii ku abtirsata Umadda JamhuuriyadaSomaliland, Dowlad iyo Shacaba, Afraad, Ururo Ama Axsaab, NGO-yada,Aqoonyahanada, Madx-Dhaqameedyada, Suugaanyahanada & DhamaanbaNOocyada Ururada Buslhada aanay sinaba uga qayb gali karin Shirkasta &Arrin kasta oo lagaga hadlayo Hindiseyaasha Somaliyaa ama laguheshiisinayo dhinac ka mid ah kooxaha Somaliya ama iyagoo isku dhan.
2. In cid alaale cidii ku abtirsada JSl ee ka qayb gasha Shirkaasi amaababuisha ama ka tageerta sifo kasta (Sida Qawl, Ficil & Qoraalba)kaga qayb gasha wada hadalada Somaliya ee qodobadaas 1-aad tilmaamayoloo aqoonsado Dambiile Khiyaamo, taas oo ay waajib ku tahay dhamaanbaHaya'daha ku shaqo leh in ay hor keenan Maxkamadaha awooda u lehiyadoo la raacayo Xeerarka u tilmamaayo Dastuurka ee Qodobka 130-aadFarqadiisa 5-aad.
3. Gadiidk, Cir, Dhul & Badba ee loo adeegsado ama qaada hawlgalkaas,waxa laga qaadayaa ruqsadaha sharciga ee ganacsiga ama tan gaarahaneed.
4. Waxa lagula dhaqmaya Xeerkani cid alaale & Cidii isku dayda amaabuurta urur Bulsho ama nooc kasta oo Ururada Rayidka ah oo ushaqaynaya sidii ay Somaliland u mijo xaabin lahayeen.
5. Waxa ka reeban Dhamaanba Warbaahinta JSL.. tan xukuumada & tanmadaxa-banaanba in ay baahiyaan Wararka & macluumaadka lidiga ku ahwaxna loogu dhimayo lagu wiiqayo jiritaanka & Madax-Banaanida JSL.
6. Dalka JSL waxa sharci ahaan kajira Seddex Gole Qaran oo kaliya,sida ku tilmaaman Dastuurka Qaranka, Sidaa Awgeed waxa reehban inciddi sheegato Gole kale.cidii sheegatana Gole aan haayn kuwa Dastuurku u tilmaamay waxa lagufulin doona Talaabooyinka Sharci ee u yaal Sheegasho wax aanay ahayn.
7. Qofkii loo qabto in uu ku kacay Qodobadan kor ku xusan waxa lacafin kara oo kaliya Xukun Maxkamadeed kadib.
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland
Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com
Guddida Joogtada ee Golaha Wakiilada JSL Oo Daboolka ka qaad
Moderator: Moderators
- MrPrestige
- SomaliNet Super
- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 413 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 377 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 2 Replies
- 416 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 1 Replies
- 385 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 331 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 375 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 483 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 535 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 10 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 2 Replies
- 508 Views
-
Last post by Siciid85