Maydka Marxuum Maxamed Caydiid Toohe Oo Kuala lumpur lagu Aa

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Maydka Marxuum Maxamed Caydiid Toohe Oo Kuala lumpur lagu Aa

Post by MrPrestige »

Maydka Marxuum Maxamed Caydiid Toohe Oo Kuala lumpur lagu Aasay+SAWIR.

Allaha u naxariistee waxaa Magaaladda Kuala Lumpur ee dalka Malaysia ku geeriyooday mid ka mid ah Ardayda Soomaaliyadeed ee waxbarashada u joogta dalkaani Malaysia.

Wiilkaan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Ceerigaabo ayaa ku geeriyooday Bartamaha Magaaladda Caasimadda ah ee Kuala Lumpur, wararka ayaa waxay sheegaayaan Marxuumka oo socday doonaayana inuu ka gooyo laami uu markaasi kaabiga ku haayay ayaa waxaa si kama ah u jiiray Gaari aanan ilaa iyo hada la-sheegin nooca uu ahaa, kaasoo darawalkii waday uu meesha ka baxsaday.

ilaa iyo hada lama oga cidii gaarigaasi waday iyo waxa uu ahaa.balse Booliska Malaysia ayaa waxay sheegaan iney cadeen buuxdo soo saari doonaan maalinimada beri oo Arbaca ah.

Allaha U Naxariistee Maxamed Ceerigaabo ayaa wuxuu wax ka baran jiray Jaamacadda Unisel oo ku taalla Gobolka Selangor, gobolkaan ayaa daris la ah Magaaladda Caasimadda ah ee Kuala Lumpur.

Marxuumka oo markuu geeriyooday kadib la-sheegay in meedkiisii la-geeyey Cisbitaalka Caalimiga ah ee Kuala Lumpur, intii uu meedkiisa yaalay cisbitalka ayaa waxa uu ku soo booqday Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yusuf Yaasiin oo dhawaan soo gaaray dalkaan Malaysia waa sida ay i sheegaan qaar ka tirsan asxaabtii Marxuumka. Maxamed Ceerigaabo ayaa waxaa lagu aasay Caasimadda Malaysia.

Waxaana aaskiisa goobjoog ka ahaa Madaxda Jaaliyadda Soomaliyadeed ee dalkaan Malaysia, Sida Gudoomiyaha Jaaliyadda DR Maxamed Cabaas, Xoghaye Jaaliyadda Maxamuud Beene Beene, Madaxa Shirkadda Dahab Shiil ee xaruunteeda Malaysia Mudane Cabdi Khadar, Madaxda Jaamacadda Unisel uu Ardayga wax ka baran jiray

Iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Ardaydaba.

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde

Email: Kedis114@hotmail.com

Kuala Lumpur Malaysia….


http://sanaag.org/details.asp?id=1192&dt=news
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”