Ciidamo Ethiopian ayaa lagu soo waramayaa in ay soo gaaraan deegaanka Ceel Gaal oo qiyaastii 15Km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii dagaalo saacado badan socday looga adkaaday Ciidamadii Dowladda.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopianka ay u yimaadeen Ceel Gaal si ay u gacan siiyaan Ciidamada Dowladda ee laga soo saaray deegaanka Janta Kundishe ee Bariga Magaalada Beledweyn.
Ciidamada Ethiopianka oo wata Uuraalo ayaa la sheegay in ay isku fidiyeen Buurta Qowleed iyo deegaanka Ceel Gaal, iyadoo ay wehliyaan Ciidamadii Dowladda ee firxadka ahaa ee ka soo baxsaday dagaalkii saaka.
Xoogag taabacsan Xisbul Islaam ayaa ku sugan Buurta Janta Kundishe iyo agagaarka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif, halkaasoo ay ka galeen difaacyo xoogan markii ay jebiyeen Ciidamadii Dowladda.
Dagaal saaka labada dhinac ku dhex mara Janta Kundishe ayaa waxaa uu sababay dhimashada ilaa lix ruux iyo dhaawaca toban kale oo dhinacyadii dagaalamayay isugu jira.
Ururka Xisbul Islaam ayaa u muuqda mid soo ceshaday magaalada Beledweyn, inkastoo aan la saadaalin karin tallaabada sii xigi doono, iyadoo xaalka Magaalada uu yahay mid aan wali fadhin.
Dhinacyada isku haya Magaalada Beledweyn ayaa ilaa iyo iminka dhinac xajisin magaalada marka laga reebo in waqtiyo is xig xiga ay ku kala wareegaan gacan ku heynteeda.
Hoyga wararka Somaliyed
http://www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com
Some reports say he is wounded
