Posted: 11/7/2009 1:34:00 PM
Shabelle: AFGOOYE
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Odayaal ka soo jeeda beesha Hilibi ayaa maanta waxa uu heshiis ku dhaxmaray duleedka deegaanka Ceelasha biyaha ee gobolka Sh/hoose.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo beesha Hilabi ayaa waxa ay kulan looga hadlayay wanaajinta xiriirka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo kan beesha u dhaxeeya ayaa waxa uu ku dhaxmaray deegaanka Muusaaleey ee duleedka deegaanka Ceelasha biyaha ee gobolka Sh/hoose.
Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Ugaaska beesha Hilabi Ugaas Abuukar Islow Xasan,Waxgarad,Aqoonyahano iyo Culumaa’udiin ka soo jeeda Beesha Hilabi iyo Saraakiil katiran Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxaa looga hadlayay sidii beesha Hilabi ay u garab istaagi lahayd Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cali Maxmamuud Raage ayaa waxa uu u mahadceliyay Beesha Hilabi sida ay u garab istaagtay Mujaahidiinta Al Shabaab isagoona ugu baaqay beelaha kale ee Soomaaliyeed in ay garab istaagaan dhaq dhaqaaqa Mujaahidiinta Al Shabaab.
Sidoo kale gudoomiyaha deegaanka Muusaaleey Macalin Xasan Maxamed Xasan ayaa isna Shabelle u sheegay in ay ku faraxsanyihiin kulanka ay la qaateen dhaq dhaqaaqa Mujaahidiinta Al Shabaab isagoona tilmaamay in ay garab taaganyihiin.
Kulankan ay yeesheen dhaqdhaqaaqa Al Shaab iyo Beesha Hilabi islamarkana beeshaasi ay ku taageertay Xarakada Al Shabaab ayaan ahayn kii ugu horeeyay ee qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed ay ku taageeraan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo iyagu dagaalo kula jira Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
I remember in januari reading website article saying that Hilibis gave their support to fresh president sh sharif.
Its time for new election.Sh.sharif xafidullah dissapointed me
