the new Duuqa Gobalka Banaadir

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Macow236
Posts: 233
Joined: Wed Jun 10, 2009 11:11 am

the new Duuqa Gobalka Banaadir

Post by Macow236 »

finnly banaadir had gone back the owners of the Gobalka banaadir reer mattan :up:

the new Duqa Gobalka Banaadir ahne gudoomiyaha Gobolka Banaadir
adeerkeey Eng. C/risaaq Maxamed Nuune :up:

Image
Taariikh Nololeedka Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka banaadir Ing Nuune
waxaa la daabacay Sat 07 Nov 2009 08: 25: 56
Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/rasaaq Maxamed Nuur (Ing Nuune) ayaa markii ugu horeysay ka warbixiyey taariikhdiisii iyo waxbarashadiisi maalin kadib markii loo magacaabay Duqa magaalada Muqdisho.

Ing. Nuune waxaa uu sheegay in uu ku dhashay kuna koray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia oo uu kasoo jeedo,waxaana uu ku waxbartay isla Muqdisho.

Markii ay burburtay Dowladii dhexe waxaa uu ahaa dadkii u istaagay horumarinta waxbarashada isaga oo wali ku jiro bahda waxbarashada kana mid ah mid ka mid ah macalimiinta jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho.

Waxa uu door kasoo qaatay dhaq dhaqaaqyada urururada bulshada rayidka ah isaga oo la soo shaqeeyey ururada bulshada rayidka ah gaar ahaan kuwa u ololeeya biyaha iyo deegaanka iyo nadaafada.

Eng. Nuune haatan waa macallin wax ka dhiga jaamacada Banaadir ee magaalada Muqdisho gaar ahaan kulliyada Ingineeriya, waxa uu haatan dhigaa maadada Structure-ka ee qeybta Ingineeriyada.

Mar uu ka hadlayey sida uu u arko xilka loo dhiibay ayaa waxaa uu sheegay in uu garawsan yahay in loo dhiibay xil culus isaga oo rajo ka muujiyey inuu ka mira dhalin doono howlaha horyaala maamulkiisa.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in uu xooga saari doono la dagaalanka saboolnimada oo uu sheegay in maamulkiisu uu 20-ka maalmood ee ugu horeysa dar dar gelin doonto.

C/rasaaq Nuune ayaa shalay loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir waxa uu bedelay duqii hore ee magaalada Muqdisho Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: the new Duuqa Gobalka Banaadir

Post by Somaliman50 »

look at the short sightedness of the previous 'maamul', you had a tekniko driver (dhagaxtuur) being the mayor and a ciyaal derbi (shaaweeye) as a deputy mayor. anyway, intay dagaalada socdaan, maamul meesha ka socon doontaaba iska yar.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Banaadir”