XASUUQI CEERIGABO 16 MARCH 1989 - A GLOOM DAY

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

XASUUQI CEERIGABO 16 MARCH 1989 - A GLOOM DAY

Post by MrPrestige »

Marka ugu horreysa waxaan salaan ,hambalyo iyo taageero u soo dirayaa webka Farshaxan .Waa dhallinyarada habeen iyo maalinba u heelan inay baraarujiyaan, isla markaana xusaan, gabood falkii loo geystay dadkan reer Somaliland, iyadoo cadowga Somaliland isku dayayo inuu tirtiro taariikhdii dadkan, iyo dambiyadii laga galayba, waxaan Illaahay idiinka rajeynayaa inuu hawshan idiin fududeeyo, annaguna waxaan idiinla garab taagan nahay hiil iyo hoo aan hagar lahayn, taariikhduna waa idin xusi doontaa mar aan fogayn.


Waxaan jecellahay inaan halkan idiinku soo gudbiyo, xasuuqii Ceerigaabo iyo magacyadii illaa imminka isoo gaadhay, waxaan filayaa inay bilow fiican innoo tahay, wixii kalena waan soo dhammaystiri doonaa, annagoo isku dayayna inaan ka soo qaado, sawiro, iyo waraysiyo maqal iyo muuqaal ah, dadkii ka badbaaday xasuuqyadaa kala duwan, una soo taagnaa markii la dilayey dadkooda. Waxaan hayaa qaar ka mid ah magacyadii dadkii geystay xasuuqa iyo kuwii ka dambeeyey ee abaabulayey, waxaana imminka London jooga nin ugu yaraan 10 qof ku dilay Cerigaabo.
Mahadsanidin.




Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa magacyadii iyo qabiilooyinka ama jifida ay ka soo jeedeen dadkii lagu xasuuqay Ceerigaabo 16 March 1989
Waxaa lagama maarmaan ah in la xuso qabiilooyinka, waayo, waa marka hore oo sababta loo dilayba waa qabiilkooda, illeen waa lawada ogyahay in haba yaraatee wax dambi ah oo ay geysteen aanay jirin, tan kalena waa si ay u caddaato in magacyadani run yihiin, kana fog tahay wax la iska soo qortay, amaba cidi alliftay, waana sida ay ku doodaan mar walba cadowgu :





JIBRIIL TUURWAA/MUSE ISMAIL/H.YONIS 1. Cabdi Shire Salax .
2. Cali Cabdi Shire
3. Yusuf Dhunkaal Maxameed .
4. Xarbi Axmed Maxamed .
5. Hiirad Cabdale Ismaaciil.
6. Maxamuud Farax Xamud .
7. Axmed Ismaaciil Cigaal .
8. Cali Yusuf Maxamuud .
9. Jamac Xaaji Cilmi .
10. Ibraahin Cali Shabeele .
11. Shiine Cige Xuseen .
12. Maxamed Maxamuud Xasan .
13. Cali Cabdilaahi Baal-xaaf .
14. Jamac Siciid Xasan .
15. Xasan Jamac Guure .
16. Cali Ibraahin Salax .
17. Ibraahin Axmed Maxamuud .




BAH-SANBUUR /BICIIDE/ H.JECLO
1. Geele Farax Bilaal .
2. Jamac Cali Bilaal .
3. Faysal Xasan Cabsiiye .
4. Axmed Xasan Jilaale .
5. Tooxyar Xuseen Farax



ADURUXMIIN/MUSE ABOKOR/H.JECLO
1. Xuseen Ibraahin Jamac .
2. Maxamed Doob.
3. Xuseen Maxamed Caraale (Guray Xadhigle) .
4. Axmed Mataan .
5. Cabdi Xasan Dabo-cidi .
6. Ibraahin Cismaan Ibraahim.
7. Maxamed Cabdi




URUR-SUGE/MUSE ISMAIL/H.YONIS
1. Fiin Cali Xagar .
2. Kaltuun (ilama Cumar Cabdale hooyadood).



MUSE YONIS / MUSE ISMAIL / H. YONIS
1.Caqil Ciise Xasan Farax .
3. Maxamed Ibraahin Dhengeb .




ABDI-XAAMUD / MUSE ISMAIL / H.YONIS
1. Cartan Cali Cartan .
2. Oday Farax Gaboobe .
3. Guray Cali Farax .
4. Ina abibakar Tamraysay



MUUSE CARRE / H.YONIS
1. Yusuf Shiikh Siciid.
2. Yusuf Siciid Caraale .
3. Maxamed Salax Cabdi .



BAHO / BICIIDE / H.JECLO
1. Ina Farax Maxamed .
2. Ina Raage Cali Xirsi .
3. Fatax Cawil Diiriye




REER IIDLE / BICIIDE / H.JECLO
1. Salaad Suudi Yaquub (H/jeclo , reer Iidle).




MUUSE TUURWAA / MUSE ISMAIL / H.YONIS 1. Axmed Jamac Yaquub .
2. Cabdilaahi Cabdi Cismaan ( Jigse).
3. Xasan Yusuf Aw Cali .
4. Cabdi Maxamed Xasan .
5. Ibraahin Maxamuud Ismaaciil .
6. Maxamuud Nuux Galaal (Gadhaafood).
7. C/laahi Maxamuud Dhegasool .
8. Maxamuud Ismaaciil Maxamed .




CABDALLE XAAMUD / MUSE ISMAIL / H.YONIS
1.Cali Jibriil Yeyle .
2.Cali Farax Ka-jar .
3. Biixi Cige Cali .
4.Shiine Jamac Farax . Ducaale Xuseen (Buufiye) Nin walan .




SACAD YONIS / H. YONIS
1. Cabdilaahi Warsame Cileeye
2. Yusuf Ciise Cade .
3. C/raxmaan Muuse Guurre .
4. Axmed Bilaal Yoonis .
5. Siciid Yusuf Odawaa .
6. Salax Bare Cali .
7. Maxamuud Maxamed Jiciir.
8. Aw-bare Libaan .
9. C/rashiid Jamac Maxamuud .
10. Cumar Ismaaciil Salax .



XUSUUSIN: Dadka Ceerigaabo lagu laayey ma aha inta kor ku qoran oo keliya, waxaase jira in badan oo aan cidina magacyadooda garanayn , waxayna u badnaayeen dad ka soo safray, gobolka Togdheer, illaa Ceynabo iyo Saraar, iyo dhulka gubanka ah, oo aan cidina garanayn magacyadooda, waxay ahaayeen dad safar ah iyo dad keenay xoolo nool si ay ugu badashaan raashin, waxaana la sheegay kontameeyo awr oo ku dabran Magaalada marka looga baxo dhanka galbeed. Intaan soo qornay waa intii reer Cerigaabo qudha, oo aan dhammayn waliba .





MAHAD GAAR AH:
Waxaan mahad gaar ah u ah u soo jeedinayaa, dhammaan dadkii ka qayb qaatay ururinta magacyada dadkii lagu xasuuqay Somaliland iskuna hawla, gaar ahaan kuwan gobolka Sanaag oo kala ah:
Abdi Hassan Cabsiiye - Weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag, oo isagu aad isugu hawlay, inuu helo dhammaan magacyada dadkaasi xasuuqa foosha xun loo geystay, isla markaana Abdi Hassan Cabsiiye, waxaan mar kale u
soo diraynaa isaga inta kale oo ehelkooda lagu xasuuqay Cerigabo iyo Ceelafweyn ( waxaa ku jiray dadkii Cerigabo lagu dilay walalkii Faysal Hassan Cabsiiye, ahaana arday 18 jir ah) waxaan leenahay Abdi halkaa ka wad halganka illaa maxkamad la keeno, dambiilayaashii dhagar-qabayaashii, baabi’iyey qoysas badan rajadoodii mustaqbalka iyo nolol caadi ah inay ku noolaadeen.
Waxaan kale oon u mahadnaqaynaa Naaleeye Aadan, oo diary_giisa ku xardhay Xasuuqii ka dhacay BOHOL, deganna iminka dalka Canada ee North America.
Waxaan kale oo u mahadnaqaynaa Website yada kala ah: Farshaxan, SomalilandCenter, Halgannews, oo soo daabacay, iskuna mashquuliyey inay helaan wararka xasuuqyadii ka dhacay Somaliland.
Well done you all
CODSI: Waxaan ka codsanaynaa cid kasta oo wax ku kordhin karta magacyada dadkii lagu xasuuqay gobolka Sanaag meelo kala duwan oo ka mid ah sida: Cerigabo, Ceelafweyn, Bohol, Dararweyne, Xamilka, Bohol, Kalshiikh, iyo dhammaan dhulka miyiga iyo Ceelashaba, inay la soo xidhiidhaan website ka farshaxan.com
Mahadsanidin
Mustafa Salah
London
UK
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”