BadNews for XI, Macow ''the Chameleon'' changes side
Posted: Sun Nov 08, 2009 6:49 am
Gudoomiyihii hore ee Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan ee ku biiray Xisbul Islaam ayaa gaaray Degmada Guriceel ee ay ka arimiyaan Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah, iyadoo tagitaankiisa ay warar is khilaafsan ka soo baxeysa.
Sheekh C/raxmaan Mocow ayay wararku sheegayaan in wada xaajood dhex maray isaga iyo Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah uu ku tagay deegaankaas.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Sheekh Mocow oo ku hubeysan Tiro gaadiidka dagaalka laga soo galbiyay deegaanka Goobo oo ka tirsan Hiiraan, waxaana la sheegay in Sheekha uu si toos isugu dhiibay ururka Ahlu Sunah.
Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qorshaha tagitaankiisa ayaa hadana is afgaradyo dhex maray isaga iyo Madaxda Culumaa'udiinka Ahlu Sunah waxay sheegayaan in maalmaha dhow uu u gudbi doono magaalada Galkacyo, si uu uga aado dalka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya, halkaasoo uu ka soo xajin doono.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay Shabakada Jowhar.com in Mr Mocow ay balan meel wada dhigteen isaga iyo Madaxda Ahlu Sunah, kaasoo si rasmi u dhaqan geli doona marka uu ka soo laabto Xajka.
Saraakiisha Ahlu Sunah Waljamaacah ee qaabilsan dhinaca warfaafinta ayaa u sheegay Jowhar.com in Mr Mocow uu ku yimid Guriceel heshiisyo hoose ahaa oo ay horay u wada galeen iyaga iyo Mocow, isla markaana ku biiristiisii Xisbul Islaam ay aheyd Riwaayad uu u dhigayay.
Mr Mocow ayaa todobaad ka hor isaga baxay Magaalada Beledweyn iyadoo ka bixitaankiisa lagu sababeeyay arrimo khilaaf iyo qaabkii Hubka dhigista loogu sameeyay, waxaana sidoo kale jiray xurguf u dhaxeysay isaga iyo Madaxda Xisbul islaam oo ku aadanaa maamul u sameynta Gobolka Hiiraan.
Ilaa iyo hada ma jirto war si rasmi uga soo baxay C/raxmaan Mocow oo ku aadan tagitaankiisa Guriceel, waxaana dadka qaar ku dhaliilaan inuu yahay nin is bad badal badan, kadib markii uu marar badan Dowladda mucaaraday dibna uga soo laabtay, hase yeeshee markii u dambeeyay ayuu ku dhawaaqay inuu ka baxay Maamulka Dowladda
Hoyga wararka Somaliyed
http://www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com