Sarkaal from the deviant group joins Islamic Govt

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Sarkaal from the deviant group joins Islamic Govt

Post by AhlulbaytSoldier »

Xukuumada Somalia oo xarunta Villa Somalia ku soo bandhigtay sarkaal ay sheegtay inuu ka soo goostay Xarakada Mujaahiidiinta Al Shabaab

Xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa kana soo goostay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ku soo biiray dhinaca Dowlada Somalia sida ay sheegeen masuuliyinta xukuumada Somalia.

Sarkaalkan dowlada Somalia ay sheegtay inuu ka soo goostay xarakada al shabaab oo magaciisa lagu sheegay Shiikh Maxamed Shiikh C/llaahi (Qoor-weyne) loona yaqaanay Shiikh Maxamed Asad Faaruuq (Bakistaan) ayaa isagoo warbaahinta u waramayey waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka soo goostay xarakadaasi kuna soo biiro dowlada Somalia.

“ILAAHAY wuxuu i fahamsiiyey qaladaadka diineed ee ay ku jiraan kooxdii aan ka midka ahaa ee Shabaab kuna soo biiro dowlada Soomaaliyed ee uu madaxweyanaha ka yahay Shariif Shiikh Axmed oo sidoo kale ahaa amiirkeenii hore, waxyaabaha igu qasbay inaan ka soo tago kooxddaas ee aan dhibsaday diintana aan ku wanaagsaneyn lama soo koobi karo, maadaama aan muddo badan la joogay hase ahaatee waxaa ka mid ahaa in qofkii muslim ah ee ka hor yimaada fikirkooda ay u yaqaanaan murtad ama nin diinta ka baxay oo gaal ah, taasoo ay baneystaan dhiigiisa maalkiisa iyo sharafkiisa, waxaa kaloo ka mid ah aadna aan ula yaabay in rag iyaga ka mid ah ay gaalnimo ku xukumeen Shiikh Maxamed Cabdi Ummal oo ka mid ah culumaa’udiinka ugu waaweyn Somalia” ayuu yiri sarkaalkaasi oo inta ku daray inuu ka mid noqon si buuxdana ula shaqeyn doono xukuumada Somalia.

Afhayeenkii hore ee Midowga Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Ciise Caddow iyo RW-ku xigeenka ahna wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Iibi) oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay iney ku faraxasan yihiin si aad ahna ay soo dhoweynayaan sarkaalkan ay sheegeen inuu ka soo goostay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxayna intaa ku dareen iney jiraan wadahadalo hoose oo u socda dowlada iyo xoogaga mucaaradka.

Ma jiro war ka soo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ku saabsan inuu ka mid ahaa iyo in kale sarkaalkan


Mashallaah :som: :up:
LobsterUnit
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10442
Joined: Mon Nov 02, 2009 2:19 pm
Location: singapore

Re: Sarkaal from the deviant group joins Islamic Govt

Post by LobsterUnit »

islamic government :mrgreen:
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Sarkaal from the deviant group joins Islamic Govt

Post by AhlulbaytSoldier »

The ex-alshabaabist
Image

Cisse Cadow xafidullah is back after being in Nairobi for health reasons.

Image
S-D-M
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5774
Joined: Tue Dec 20, 2005 6:03 pm
Location: Never take life seriously. Nobody gets out alive anyway.

Re: Sarkaal from the deviant group joins Islamic Govt

Post by S-D-M »

Do you seriously think this government has any hope beyond villa Somalia?

They need to take the war to the enemy and not be in a defensive mode.
General Duke
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 347
Joined: Fri Nov 06, 2009 10:16 pm

Re: Sarkaal from the deviant group joins Islamic Govt

Post by General Duke »

S-D-M wrote:They need to take the war to the enemy and not be in a defensive mode.
They would if they could but can't.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”