
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir oo isagu ugu hotayn ka hadalay munaasibadaas, ayaa ayaa halkaa ka jeediyey weedho isugu jira duco, dardaaran iyo duu-xul uu u soo jeediyey suldaanka cusub, isagoo si weyn ugu hambalyeeyey calleemmo-saraka Suldaan Cali Cumar Saalax

Suldaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Aw Good oo ka mid ah sallaadiinta Gobolka Oodweyne, ayaa u soo jeediyey dhammaan sallaadinta dalku inay kaalin mud leh ka qaataan horumarinta bulshada, kana feejignaadaan muquurashada xayndaabka siyaasadeed ee dalka oo ay ku eekaadaan hawlaha nabadeynta.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, duqa degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, Maayarka degmada Gar-adag, Wasiir ku xigeenka Caddaalada Yuusuf Ciise Tallaabo iyo sallaadiin madashaa iyaguna ka hadlay, ayaa dhammaantood ugu duceeyey suldaanka cusub inuu Ilaahay xilka u fududeeyo, isagana kula dardaarmay inuu ku shaqeeyo dhexdhexaadnimmo iyo mideynta beelaha soo doortay.

waxaa ugu danbayn halakaa ka hadlay Suldaanka la calleemo-saaray Suldaan Cali Cumar Saalax oo umahadnaqay dadka ku dhaqan degmada gar adag, madaxdhaqameedyada, xukuumada iyo dhamaan dadweynaha ka kala yimi gobolada dalka, isagoo halkaa ka sheegay inuu xilkan loo doortay ku wadi doono si cadaalad iyo dhexdhexaadnimo ku jirto.

gebogebadii calleemo-saarka waxa suldaanka oo ay gelbinayaan boqollaal gaadiid ahi lagu soo wareejiyey wadooyinka magaalada Gar-adag.

Cabdinaasir khaalid Siciid
Berberanews reporter
Ceerigaabo